Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraalle (Duur), ayaa sheegay inay xukuumadda Somaliland gacanta ku hayso mid ka mid ah kooxdii laba todobaad ka hor ku khaarajisay magaalada Garoowe sheekh caan ah oo ka mid ahaa culimada waaweyn

ee bulshada Soomaalida.
Wasiir Duur oo ka jawaabay hadal wasiirka warfaafinta maamulka Puntland oo Somaliland la xidhiidhiyay inay gabood u noqotay falalka aragagixisada, wuxuuna Wasiir Duur arrintaa ku tilmaamay mid meesha ka saaray wada sgaqayntii dhinaca amniga iyo iskaashigii ka dhexeeyay Somaliland iyo Puntland, isla markaana ay hakisay dhaleecayntaasi wadahadalo labada dhinac u socday oo la doonayay in gacanta loo geliyo ninkaa ay Somaliland hayso ee lala xidhidhiyay falka lagu dilay wadaadkaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraalle (Duur), waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu caawa siiyay Telefishanka qaranka ee SLNTV, kaas oo uu kaga hadlay toban ka mid ah xildhibaanada golayaasha deegaanka ee Saylac iyo Lughaya oo is casilay iyo wadahadalo uu sheegay inay u socdaan hogaanka Ururka  Xaqsoor oo ka mid ahaa Ururadii ku hadhay doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacday 2012.

Hase yeeshee Wasiir Duur oo ka hadlaya arrinta is casilaada xildhibaanadaa, wuxuu yidhi, “Waxa noo qabsoomay laba hawlood oo laf-dhabartii hawsha Saylac ahayd. Nabad-gelyo ayaanu ugu horayn ka hawl galay in aanay xaaladii cakirnayd ee Saylac markaas (doorashadii ka dib) ka taagnayd inaanay isku rogin shaqaaqo iyo gacan ka hadal nabad-gelyo darro dhalin karta. Qodobka labaad ee aanu ka hawl galay waxa uu ahaa dawlad baanu nahay oo maamul baa ka dhismay Saylac mid la doortay iyo mid la magacaabay-ba way ka hawl-galaan, Maamuladda ka jira Saylac mid la doortay iyo mid la dirayba si wanaagsan ayay hawshoodii u gudanayaan, markaa labadaasi qodob waa waxyaabihii nooga soo qabsoomay Saylac,”ayuu yidhi

Laakiin waxa uu xusay inay jirto weli deegaanka qabyo ka taagan natiijadii doorashada deegaanka,  isagoo yidhi,  “Qabyo ayaa jirta, qabyadaasi jirta inaan muujiyaa malaa khalad maaha, is qancin iyo is turxaan saar deegaankii cabanayay islamaanu gaadhin. Qanacu waa mid gaar ah oo 100% ismaanu qancin. Nuxurkuna ma aha inay gar-daran yihiin iyo inay gar leeyihiin, xildhibaanada is casilayna qanac la’aantii ayay salka ku haysaa. laakiin ma ahayn go’aan sax ah, Waxaanan leenahay dib iskugu noqda. Haddii la waayo oo wakhtigaas aanu siinay oo wax la sixi waayo sharciga ayaanu raacaynaa.”

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay wadahadalka xukuumadda Somaliland iyo hogaanka Xaqsoor, wuxuuna yidhi,  “Haddii Wasiir ka hawl-galay iyo haddii wadar Wasiirro ahi ka hawl-gashayba waa siyaasadda aanu cid walba kula shaqaynayno. Waxaynu daboolaynaa dhammaan dabacii iyo furfurkii ay doorashadu inagaga tagtay si aynu midnimadii qaranka dib ugu dhisno. XAQSOOR iyo cidii kaleba waanu soo dhawaynaynaa. Wasiirrada u tagnayna sax bay ku yihiin.” ayuu yidhi.

Dhinaca kale Mr. Duur waxa uu jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta Puntland oo uu ku durayay Somaliland, isagoo ku tilmaamay inay Somaliland gabood u noqotay dadka falalka argagaxisida sameeya, wuxuuna isagoo arrintaa ka jawaabaya yidhi,  “Waxa halkaasi nooga muuqata wada shaqayn la’aan aanay Ha’yadahooda qaranku waxa shaqaynaynin (Puntland). Markaa waxay ila tahay tafaraaruqa dhexdooda ka muuqda ayay xageena (Somaliland) u soo riixayaan.

Puntland waxaanu ka wada soconay oo aanu ka wada xidhiidhaynay xubnahooda u qaabilsan amniga oo aanu ka wada shaqaynaynay Nabad-gelyadda,waxaanan doonaynay inaanu la dagaalano wax kasta oo qas iyo qalalaase abuuraya labada dhinacba. Tusaale ayaan idiin soo qaadayaa waxaan halkan ku qabanay xubin muhiim ah oo ka mid ah falkii lagu dilay Sheekh C/Qaadir, kaasi oo ka soo jeeda deegaanka Puntland. Waxaanu isla garanay inaanu ninkaasi u dhiibno maadaama oo uu dambiga halkaasi ka galay. Iyadoo xidhiidhkaasi jiro ayuu ninka Wasiirka warfaafinta ahi uu hadalo dhaleecayn iyo qas ah u jeediyay Somaliland.” ayuu yidhi Maxamed Nuur Carraale Duur.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *