saacidkulanMuqdisho(ANN)Raysalwasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in shirka Jubbooyinka loogu samaynayo uu yahay mid marin habawsan oo aanay waxba kala socon xukuumad ahaan, isla markaana doorkii

 

dowladda Soomaaliya uu shirka ka maqan yahay.

“Dowladda ayaa laga doonayaa in ay dadka isugu yeerto, Dowladdu ilaalin ayey leedahay Dowladdu hoggaanka ayey leedahay saddexdaasba shirka waa ka maqan yihiin” ayuu yiri Raysalwasaare Saacid, Raysalwasaaraha ayaa amaan u jeediyey dadka rabitaankooda, haddii aad Jubbaland jeceshihiin annaguna waan idinla jecelnahay, laakiin marinka kahladan ayaan diidanahay ayuu yidhi Raysal wasaare Saacid oo maanta waraysi khaas ah siiyay laanta afka Soomaliga ee Idaacada BBC-da.

Rasyalwasaaraha Soomaalya ayaa ka digey in shirka Jubbooyinku uu horseedo in Soomaaliya dib ugu celiyo maalmihii madoobaa, gaar ahaan gobolada Jubbooyinka, maaha  in taariikhdii madoobayd dib loo akhriyo ayuu yidhi Saacid.

Mar la weydiiyey Raysalwasaaraha in dowladdu ka gaabisey maamul u samaynta Jubbooyinka, isla markaana dadka ka hor istaagnayd mudo dheer inay maamul samaystaan, waxa uu yidhi, “waxaan
sheegayaa oo caddeynayaa anagu kumana dheereyn, kamana gaabin, Waxaana uu tusaale u soo qaatay casuumad uu hadda ka hor u direy Axmed Madoobe oo aanu aqbalin, mar kale ayaan casuney, Hoteelo ayaan diyaariney iyadana lagama jawabin.

Dhawaaqa raysal wasaare Saacid ayaa kusoo beegmay maalin ka dib markii uu shir la sheegay in maamul loogu samaynayo Jubooyinka oo ay xarun u noqon doonto Magaalada Kismaayo uu ka furmay shirku shalay, balse khilaaf ayaa ka taagan shirkaa, iyadoo aanay gebi ahaanba iman ergo la filayay inay ka tagto dhinaca deegaanka Geddo ee Garbahaaray.

Dhinaca kale  Gudoomiyaha Maamulka Jubbooyinka  Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa qiray shalay in aanay iman ergadii dhinaca Geddo ee la doonayay inay shirkaa ka qaybgasho. sidoo wuxuu sheegay in aanay madasha furtitaanka shirka kasoo xaadirin Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya isagoo Dawlada ugu baaqay inay kasoo qayb gasho shirka Maamulkan lagu samaynayo deegaankaa, isla markaana ay noqoto hogaanka Shirka wuxuuna balan qaaday inay Dawlada ku tixgelin doonaan hogaaminta shirka hadii ay raali ka noqoto Maamul u samayn Gobalada Jubbaland.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay inay shirka taageero dhaqaale uga heleen dad ganacsato ah oo deegaanka ah, balse waxa jira warar sheegaya inay dawlada Kenya si weyn ugu lug leedahay shirkaa iyo arrimaha khilaafka ka taagan deegaanka Magaalada Kismaayo, iyadoo marar badan dawlada Kenya lagu eedeeyay inay doonayso qorshe ay xadka dhinaca badda doonayso inay kusoo durugto, isla markaana ay gacanta ku qabato maamulka Kismaayo si ay u filayaan danohooda, taas oo lagu tilmaamay sababta ay dawlada Somalia ee ku meelgaadhka ahi uga soo horjeedo maamulka la doonayo in loo sameeyo Jubooyinka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *