Hargeysa(ANN) Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa sheegay inay xaalada amaanka ee waqtigan somaliland aad u fiicantahay, isla markaana aanay waxba ka jirin eedaha mucaaridka ee ay xukuumadda cusub ee mudada yar jirtay ku canbaaraynayaan, iyagoo sida uu sheegay

usoo qaadanaya fakii kooxda hubaysani kaga gudbeen xuduuda Somaliland oo uu sheegay  inay kooxdaa  gacanta kaga  dhigeen sadex Nin oo ka mid ah kooxdii  hubaysnayd ee ONLF, kuwaas oo   kasoo degtay Xeebaha Galbeedka Somaliland  ee Awdal 10 bishan,  wuxuuna   sheegay  inay xukuumadd ahaan   baadhis dheer ka dib ku  ogaadeen inay   soo abaabushay kana danbaysay Dawlada Ertaria kooxdaa.
Dr.  waxanu uu carabka ku dhiftay in aanay Somaliland dib ugu dul qaadan doonin falal noocaas oo kala ah iyo  in dalkeeda lagaga soo duulo dalalka dariskeeda ah.  Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, wuxuu sidaa ku sheegay jaraa’id oo uu maanta  ku qabtay xafiiskiisa, kaas oo uu  si qoto dheer uga hadlay xaalad guud ee amaanka dalka iyo arrimo kale. Wasiirku mar uu ka hadlayay xaalada amaanka ee waqtigan mudada kooban ee xukuumadu jirtay, wuxuu  tilmaamay inay xaalada amaanku waqtigan tahay mid  cago adag ku taagan, isla markaana ay habeen iyo maalinba shaqaynayaan Ciiadamadda amaanku.
 Dr Gaboose ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan Saddex ka mid ah maxaabiistii ONLF ee ay qabteen kuwaas oo hadda ku xidhan Somaliland, isagoo xusay inay xukuumad ahaan dacwad ka dhan ah  Dawlada Eretria  u gudbinayaan beesha caalamka, “Eretria, waxaanu leenahay waxaad tihiin dal nabadgelyada gobolka door mihiim ah ka qaadan kara, markaa waxa fiican, halkii aad nabadgelyo xumada ka qaadanaysaan inaad nabada goblka ka qayb qaadataan oo aad hormood ka noqotaan. Anaguna raali kama noqnayno in dalkayaga iyo dhulkayaga lagaga duulo dalalka aanu jaarka nahayn ee aanu isku danta ka nahay nabadgelyada iyo xasiloonida.”
Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Gaboose, waxa uu sheegay in gudidii dhowaan loo saaray dhacdadii xeebta gobolka Awdal ay soo gudbiyeen warbixin, taas oo warbaahinta hore loogu shaaciyay, isla markaana loo gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo. 
Dhinaca  kale Dr.  Gaboose ayaa ka hadlay  gudidii uu madaxda u ahaa ee Madaxweynuhu u saaray ka soo talo bixinta Gobolada Sool,  Sanaag Bari iyo Buuhoodle ayaa sheegay inay  madaxweynaha u gudbiyeen Talo bixin ku wajahan qaabka loo waajihi karo tabashooyinka ka jira deegaankaa, wuxuuna xusay inay maamul  Goboleedka Puntland ka wada shaqayn doonaan sidii nabad gelyada xuduuda la iskaga kaashan lahaa,  gaar ahaan wixii nabad gelayda manadqada lagaga  hawl gali karo .
Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha Somaliland  Dr. Gaboose waxa uu sharaxaad ka bixiyay Nin lagu qabtay magaalada Hargeysa oo lagu eedaynayo inuu ahaa xubnihii ugu firfircoonaa ee  kooxdii ka danbaysay qaraxyadii 29, Oct, 2008, kuwaas oo lala beedsady madaxtooyadda Somaliland, xafiiska Ethopia ee Hargeysa iyo xarunta UNDP, wuxuuna sheegay in magaalada Hargeysa  lagu qabtay Nin magaciisa la yidhaa Cismaan Yuusuf Odowaa Oo ku eedeysan inuu ka danbeeyey qaraxyadii argagaxiso ee ka dhacay Somaliland 29 Oct 2008 Somaliland, wuxuuna  Wasiirku cadeeyay inay Ninkaa falka argagixiso loo haysto ciidamada Bilayska  u suura gashay inay shalay ku qabteen magaalada Hargaysa oo ay hada gacanta ku hayaan denbiilahaa, isagoo  xusay  ninkaa oo qaraxyadii ka dib u baxsaday dhinaca Muqdisho, balse maxakamaddaha Somaliland hore xukun ugu rideen isagoo maqan  uu  dhowaan dalka ku soo noqday,  ka dibna ay ciidamada sirdoonka somaliland ka warheleen in uu dalka ku soo laabatay ninkaasi sidaana lagu qabtay.
Gebagebadii Wasiirka ayaa Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ku dhaliilay inay  iyada oo uu dalka soo weeraray cadaw inay ku naqdiyeen dhaliilo aanay waxba ka jirin Xukuumada Cusub, isagoo balanqaaday inay mucaaridka ka qaadan doono wixii talo ah ee wanaagsan, balse waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye ee waqtigan xisbul xaakimka ahi aanay xiliyadii qaraxyada iyo falalka amaandaro ka dheceen dalka ay madaxweynihii waqtigaa iyo xukuumadii UDUB is garab taageen, iyadoo xiligaa qaraxyo iyo dilal isdaba joogay oo lagu laayay dad ajaanib ah  ka dhaceen dalka. Laakiin aanay falalka yar yar ee sidan ah buun buunin. Sidaa awgeed loo baahanyahay in lays garab taago xukuumadda cusub, isagoo ciidamadda amaanka iyo shacbigaba usoo jeediyay amaan sida ay ugu heegan yihiin Ilaalinta nabadgelyada iyo qaranimadooda.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *