Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (siilaanyo) ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiiyey 353 Arday oo ka qalin jabiyey jaamacadda Hargeysa,  kuwaas oo oo dhamaystay todoba  kuliyadood

 oo kala duwan oo ay ka mid yihiin kuliyadaha sayniska ,caafimadka, dhaqaalaha, xalinta khilaafaadka iyo kuwo kale.
Xafladaa  ardayda lagu godoonsiinayey shahaadooyinka  oo lagu  qabtay barxad  wayn oo laga dhex dhisay xarunta jaamacada Hargiysa, ayaa ahayd mid ka duwan munaasibado hore oo Jaamacadda Hargeysa sidan oo kale qalin jebin ahaa, ka sokow masuuliyiinta kasoo qayb galay waxa Ardayda dhamystay kuliyadaha kala duwan ee Madaxweyne Siilaanyo gudoonsiiyay shahaadooyinka ka mid ahaa shir gudoonka golaha wakiiladda, Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, Musharaxii dooarashadii hore ee madaxtooyada madaxweyne xigeenka ugu taagnaa xisbiga Kulmiye, xildhibaano ka tirsan labada gole Baarlamaan  iyo masuuliyiin kale.

 

 


  
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa qudbad uu ka jeediyay halkaa ku sheegay inuu si wayn ugu faraxsanyahay inuu ka soo qayb galo xafladan qalin jabinta ah ee loo sameeyey ardaydaa  dhamaysatay wax-barashada jaamacadeed oo uu madaweynuhu  ku tilmaamay maskax cusub oo ku soo korodhay aqoonyahanka somaliland, wuxuuna  mahadnaq usoo jeediyey hormoodka jamacadda Hargeysa oo uu ku bogaadiyey sida ay dedaalka ugu jiraan horumarinta tacliinta iyo taaba gelinta aqoon jaamacadeed.
Madaxwayne Siilaanyo waxa  uu ka hadlay, xaaladda amaanka dalka oo uu sheeegay inuu degenyahay oo ay nabadgelyada dalku marayso meel fiican inkasta oo ay jireen dhacdooyin mudooyinka dambe ka la hadalyey oo dhamaaday,  isagoo dhacdadii ka dhacday xeebaha somaliland ku sheegay duulaan dawlada Eretria ay ku soo qaaday Somaliland,  isla markaana ay uga dacwoonayaan beesha caalamka, wuxuuna carabka ku adkeeyay in aanay cidna uga dulqaadanayn faragelin lagu sameeyo qaranimadooda iyo nabadgelyadooda.
Sidoo kale Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in xukuumadu talaabooyinkii ku hoboonaa ka qaaday arrintaa, isla markaana aanay waajibkeeda cidna uga gabanayn, balse iyadoo laga shidaal qaadanayo warbixintii gudida loo saaray arrintaa ay durba xukuumadu qaaday talaabooyin kuwo kalena ay soo wado, wuxuuna ugu baaqay shacbiga Somaliland inay gacan ka siiyaan sidii meel looga wada istaagi lahaa nabadgelyada iyo ilaalinta qaranimada Somaliland.

 

Madaxweyne Siilaanyo waxa  uu xusay inay xukuumadiisu xooga saari doonto waxbarashada iyo adkaynta nabad gelyada,  sidoo kale kobcinta dhaqaalaha, isla markaana aanay marnaba ka leexanayn barnaamijkii ay balanqaadeen xiligii Ololaha doorashada, wuxuuna  gabagabdii Madaxweynuhu kula dardaarmay Ardaydii qalin jabisay inay halkaa  ka sii wadaan dedaalka ay muujiyeen barashada cilmiga.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo ka mid ahaa Ardaydii maanta qalinjebisay ayaa hadal uu halkaa ka jeediyay ku sheegay inay xukuumadda maanta dalka ka talisaa tahay tii ay shacbigu keeneen ee ay doorteen. Sidaa awgeed loo baahanyahay in lagula xisaabtamo barnaamijkii ay balanqaadeen, kaas oo sida uu sheegay laga midha dhalinayo, wuuuxna sheegay inay xisbiyada mucaaridka mar walba talada wax ka siinayaan, balse wuxuu xisbiyada mucaaridka usoo jeediyay inay la yimaadaan qaab muujinaya midnimo iyo danta qaranka.
Sidoo kale Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo madaxweyne ku xigeenkii hore oo waqtigana ah gudoomiye xigeenk xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa hadalo kooban ka jeediyay halkaa, waxayna hanbalyeeyeen Ardayda iyo masuuliyiinta qalinjebisay.
Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr. Maxamed Xuseen Bulxan ayaa ka waramay marxaladii  kala duwanaa ee ay soo martay Jaamacaddu  iyo sida ay hada u shaqayso oo uu ku tilmaamay mid aad u fiican,  isla markaana ay ka mid tahay hormuudka jaamacadaha dalka, gudoomiyuhu waxa uu ku dheeraaday qiimaha waxbarashadda iyo waajibaadka qof kasta ka saaran naftiisa inuu waxbaro. Dr. Bulxan wuxuu hanbalyeeyay  Ardayda maanta qalin jabisay, isagoo  ku amaananay sida ay wakhtigooda ugu hureen barashada cilmiga mudadii ay ku jireen jaamacadda Hargeysa.
Gudoomiyaha jaamacada Hargeysa mar uu ka hadlayey dhaqaalaha jaamacadda waxa uu sheegay inay jiraan Ha,yado jaamacaddo  kaalmo siiya, kuwaas oo  aan badnayn, isla markaana waxa uu gudoomiyuhu xukuumadda ku canaantay sida ay uga sii jeedo waxtarka iyo dhiiri gelinta goobaha wax waxbarashadda gaar ahaan jaamacadda,  isagoo xukuumadda cusubna ka codsaday inay gacan ka siiyaan sidii loo horumarin lahaa jaamacada, taas oo Madaxweyne Siilaanyo markiiba madasha ka sheegay inay xukuumadiisu diyaar u tahay wixii dhaqaale iyo horumar dhinaca waxbarashadda iyo jaamacaddaha ah oo uu sheegay inay horeba u balan qaadeen hadana ay diyaar u yihiin.
munaasibadaa oo ahayd mid ka duwan munaasibadii hore, waxa  ka muuqday jawi  farxad iyo muuqaalo qurux badan, isla markaana  waxaa ka hadlay masuuliyiin aad u tiro badan, kuwaas  oo dhamaantood hambalyeeyay Aradaydaa  qalin jabintooda loo fadhiyay oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin Bulshada Somaliland magac wayn ku leh. Iyadoo Madaxweyne Siilaanyo gebagebadii  shahaadooyin gudoonsiyey Ardaydaa.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *