Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay qasriga madaxtooyada ku qaabiley xubno ka mid ah wasiirradii hormoodka  u ahaa xukuumaddii madaxweyne Rayaale ee lagaga adkaaday doorashadii madaxtooyada

 ee 26 June 2010 ka dhacday Somaliland.
 

Ma jiraan  war rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada  oo sheegaya ujeedada kulanka  dhexmaray  Madaxweynaha  iyo xubnahaa oo ahaa wasiirradii hore ee xukuumaddii Rayaale, balse sida ay warar  xogogaal ahi u tibaaxeen shebekada warbaahinta  ee Araweelonews, waxay ujeeadada  Madaxweyne Siilaanyo uu shalay qasriga madxatooyadda ee uu ku qaabiley wasiiradii hore ee Maaliyadda Cawil Cali Ducaale, Duulista iyo Hawada Cali Maxamed Warancadde iyo Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed. Ka danbaysay markii ay ka dalbadeen sadexdaa xunbood ee wasiiraddii hore inay kulan gaar ah la yeeshaan Madaxweynaha, taas oo uu ka aqblay.
r Hase yeeshee ma jiraan warar si cad u iftiiminaya waxyaabaha ay kaga hadleen kulankaa, balse waxa jira tibaaxo ku dhow dhow kulankaa oo sheegaya  inay Madaxweyne Axmed Siilaanyo mudadii uu maucaaridka ahaa ee ay kooxdani ka tirsanaayeen xukuumadii Daahir Rayaale iskaga lab xaadhtaan, wixii mudadaa deelqaaf iyo hadalo taagtaagan ku dhexmaray loolankii siyaasadeed, maadaama ay   kooxdani ka tirsanayaaneen kuwii ugu qalafsanaaa xagga hadalka, xiligii loolanka ee ay ahaayeen  wasiiro ka tirsanaa xukuumaddii doorashada lagaga adkaaday ee xisbiga UDUB.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya inay sadexdaa xubnood ee wasiiradii xukuumadii laga adkaaday Madaxweynaha kala hadleen arrimaha dhinaca musuq-maasuqa iyo baadhista hantidii maaliyada qaranka oo si gaara saamayn ugu yeelatay wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil), kaas oo baadhitaanada Hantidhawrka guud ee qaranku si weyn u saamayeeyay isaga iyo gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland C/raxmaan Ducaale oo xisaabo Malaayiin dollar ahi ku dhexwareegayaan Baanka iyo Wasaaradda Maaliyadda.
Laakiin sida ay sheegayaan tibaaxuhu wuxuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u sheegay masuuliyiintaa in aan loo arkin sixitaanka nidaamka dalka in cid gaara loogu jeedo, ama cid laga aargoosanayo, isla markaana ay xushmad iyo ixtiraam ka mudan yihiin masuuliyiintaa hore. Sidaa awgeed waxa keliya ee ay xukuumadiisu doonaysaa tahay in la fuliyo Barnaamijkii xisbiga iyo balantii shacbiga.
 Sidoo kale wararka la xidhiidha kulankaa dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha xukuumadii hore ayaa sheegaya inay kaga wada hadleen xaalada dalka iyo arrimaha dhinaca siyaasadaha ku xeeran Somaliland oo Madaxweyne Siilanyo uga waramay xubnahaa, isagoo u sheegay in loo baahan yahay inay iska saaraan shakiga iyo waxyaabaha aan waxba ka jirin ee sheegaya in kooxdii xukuumadii hore siyaasiyan looga aargoosanyo, taas oo sida ay tibaaxaha ay shebekada Araweelonews heshay  sheegayaan inay aad ugu guuxeen sadexdaa masuul ee kooxdii xukuumadii Rayaale ee xisbiga UDUB.

Si kastaba ha ahaatee ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca madaxtooyada, balse waxay xogaha kulankaa ka dib kasoo baxay iftiiminayaan inay isku afgarteen madaxweynaha waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Kulanka noocan ah ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee qasriga madaxtooyada ku dhexmara xubno ka tirsanaa xukuumadii hore iyo Madaxweyne Siilaanyo, marka laga reebo kulamo xubanahaa qaarkood ka qayb galeen oo ay ku kulmeen madaxweynaha iyo masuuliyiin ka socotay sadexda xisbi qaran, balse Wasiirka Maaliyada ayaa isagu maalmo ka dib mudadii xilwareejinta la kulmay Madaxweyne Siilaanyo, isagoo mudadaa ka cabanayay deynta malaayiinka dollar ah ee uu doonayay in lagala wareego, taas oo wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi diiday, isla markaana ugu danbayntii keentay in gudi loo saaro, iyadoo sabab u ahayd waxyaabaha keenay hawsha baadhista ee hantidhawrka guud dhowaan ka bilaabay Ha’yadaha qaranka oo weli socota.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *