warancade1Hargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa  uga digay dawlada Federaalka Somalia in ay faraha kala baxdo  qorshayaal uu sheegay in la doonayo

 

sidii loo burburin lahaa Somaliland.

Sidoo kale Warancade, wuxuu uga digay mucaaradka Somaliland eek u baaqaya shirweynaha qaran in ay dib uga laabtaan baaqaa oo uu sheegay inuu yahay mid aan sharci ahayn oo la doonayo in Somaliland loo ekeaysiiyo meel khilaaf iyo colaado ka jiraan si oo la mid ah Somalia.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo maanta shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu sidoo kale sheegay in haddii mucaaradka Somaliland ka laaban waayaan qorshayaasha ay wadaan uu banaanka soo dhigayo sir uu hayo iyo cadaymo muujinaya waxyeelada lala doonayo in lagu manja xaabiyo qaranimada Somaliland.

Wuxuuna isagoo faragelinta dawlada Somalia ku hayso Somaliland yidhi, “Cadawga Somaliland ay leedahay ee ugu horeyaa waa Dawlada Soomaaliya ka dhisan, waxay wadaan, gaar ahaan Madaxweynahoodu in ay Somaliland ka dhex abuuraan fad-qalalo siyaasadeed oo deganaansho la’aaneed, sidaasi awgeed, waxay dalka gudihiisa ka dhex abuurayaan Kooxo reer Somaliland ah oo ay duufsadeen, balse aanaan garanayn sababta ay u duufsadeen, kuwaasi oo ay doonayaan ay sidda Soomaaliya oo kale dalkeena ka dhigaan, oo ay ka dhex abuuraan muran siyaasadeed, waayo dalka Soomaaliya halkaasi waxa gaadhsiiyey muran siyaasadeed iyo mid madaxnimo, in taasi oo kale ay dalka laga abuurayo ayaanu caddeyn ku haynaa oo waliba lagu bixiyey hanti faro badan.”
Warancade oo ka hadlaya qorshayaasha uu sheegay in la doonayo in Somaliland lagu khalkhaliyo, waxa uu yidhi, “Tallo badan ayaa lagu bixiyey, si dadka reer Somaliland la iskaga horkeeno si degenaansho la’aan looga dhex abuuro, innagu waxaynu sameysnay si arrimahasi uga baxsano nidaam iyo dastuur iyo sharci, markaa haddii sharcigaasi laga gudbo waxa u suurto galaysa dadka cadawga wakiilka u ah inay ku guulsaytaan inay Somaliland ay la mid noqoto Soomaaliya, laakiin ILLAAHAY ayeynu taasi ka hoos galnay innaguna waxaynu nahay dad soo jeeda.” Ayuu yidhi.

Sidoo kale Cali Maxamed Waran-cadde waxa kale oo uu tilmaamay baaqa mucaaradka ee shir qaran, isagoo yidhi,  “Beryahan dambe waxaan maqlayey arrimo aan dalkeena dhaqan u ahayn, oo ah in nidaamkii dawladnimo inta laga booday la yidhaahdo waxa la qabanayaa shirweyne Qaran ee ha la isugu yimaado, laakiin anigu arrintaasi waxaan u arkaa inay horseed u tahay in dalkan laga abuurro fadqalalo oo cadawgu u maleego dibin-daabyo, waxaan leeyahay dadka leh maalin heblaayo ayaanu fawdo qabanaynaa ama maalin heblaayo ayaanu shir qabanaynaa ama tallo qaran, waxaan leeyahay arrimaha aad wadaan waxay horseed u tahay Fawdo, fawdadaasina waxay ku koobnaan doonta cida ka masuul ah ee ku kacday, dawladuna iyadaa u xil-saaran in cid kasta oo fawdo iyo sharci jabin ka wada in ay ka qabto xil kasta oo uu hayo” ayuu yidhi Cali Waran-cade.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *