Ceergaabo(ANN) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraalle (Duur) ayaa amar ku bixiyay in  talaabo adag laga qaado cidii waxyeesha nabadgelyada gobolka Sanaag, isagoo amar ku siiyay ciidamada qaranka inay toogtaan qofkii rayid ah ee lagu qabto isagoo sita qori oo

dhexmaraya magaalada. Wuxuuna si adag u dhaliilay waxgaradka gobolka Sanaag oo uu ku tilmaamay kuwo u hamuumaya dhiiga dadkooda iyo colaad dadkooda dhexmarta.

Wasiirku wuxuu sidaa  ka sheegay hadal uu saaka ka jeediyay salaadii ciidul Udxa oo ay wefdigii uu hogaaminayay  kala qeyb galeen kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo fagaaraha Beeta xoriyada.
“Waa been dadka leh inamo yar yar ayaa dagaalamaya oo nabadgelyo darada wada inamada yar yari samada kamay iman waxna may sameeyeen haddii aanay odayaasha iyo siyaasiyiintu kula socon oo aanay qurbo joogu lacagta u soo dirayn. Haddii la leeyahay qoriga dhig oo nabadda ogoloow walaahi inaanay tallaabo qaadeen,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Guduha Somaliland.
Wasiirka Arrimaha guduhu wuxuu si adag u dhaliilay waxgaradka reer Ceerigaabo, isagoo  yidhi,  “Reer Ceerigaaboow is weydiiya waayeel iyo waxgarad kamaydaan dhergin dhiigii, colaadiina,  kamaydaan dhergin oo hunguri ayaa idinkaga jira. Waxaad ku habsaanteen Afar beelood baanu nahay,  waxaanu xukuumad ahaan idin leeyahay quluubtiina isku fura oo walaalooba.”
“Reer Ceerigaaboow qayrkiin waxbay barteen oo qalin bay sitaan idinkuna qori baad sidataan, qayrkiin jaamacado ayay ka baxeen idinkana gidaarada ayaad fadhidaan, waana  idinka kuwa ayaan-darraddu haysataa waxaad kabaha u baalashayn doontaan inamada jaamacadaha ka baxay ee digriiyada sare qaatay,”ayuu yidhi Maxamed Nuur Carraalle isagoo la hadlayay dhalinyarada Ceergaabo. Wuxuuna usoo jeediyay inay dib isugu noqdaan dadka Ceergaabo oo ay tashadaan, isagoo yidhi, “Tashada reer Ceerigaaboow wanaaga iyo walaalnimadu dhexdiina ayay ku jirtaa cidina dhakada idinkaga keeni mayso waxaan idinku dardaarayaa nabadda ka shaqeeya.”

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo dhambaalka hambalyada ciida ka sakow waxgaradka iyo madax dhaqameedka gobolka Sanaag ku dardaaray inay nabadda ka shaqeeyaan oo ay ka waantoobaan wixii colaad ah ee bulshada kala fogayn kara, waxaanu balan qaaday inay xukuumadda Somaliland ay gacan siin doonto isku soo dhawaanshaha iyo walaaleynta beelaha wada dega gobolkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *