Ceergaabo(ANN) Ciidanka Qaranka Somaliland eek u sugan Ceergaabo ayaa fashilayay qorshe Koox Malayshiyo ah oo kasoo jeeda deegaanka Bariga Sanaag ku doonayeen inay ku afduubaan Wasiirka Warfaafinta Somalialnd Axmed Cabdi Xaabsade. Kadib markii ay casuumad qado ah u sameeyeen

 

Wasiiirka iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland oo ay isku deegaan yihiin.
Wararka shebekada Araweelonews ka heshay dad kala duwan oo ku sugan Ceergaabo, ayaa  u sheegay inay kooxdaasi Hub ku urursadeen guryaha ku xeeran guraga ay casuumada ugu sameeyeen Wasiirka iyo taliyaha, balse ay ku war geliyeen inyar ka dib inay is dhiibaan iyagoo doonayay inay ku afduubaan gaadiidka ay wateen, taas oo sababtay in ilaalada wasiirka iyo taliyaha kooxda malayshiyada ahi weerartay, iyagoo ugu baaqaya labadaa masuul inay is dhiibaan, isla markaana dagaal ku dhexmaray halkaa.
Hase yeeshee ciidanka qaranka oo heegan dhinaca amaanka ah ku jiray ayaa markiiba gaadhay goobtaa, waxayna gurigii ugu daateen Wasiirka iyo Taliyaha oo ay kasoo badbaadiyeen kooxda afduubka u haysatay, iyadoo khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhacay goobtaa. Qaar ka mid ah gurayaha ay kooxdaa dablaydi ahi galeen  ayaa gubtay, iyadoo sida ay wararkaasi sheegeen kooxdaasi  guryaha ku xeeran guriga lagu casuumay masuuliyiinta ku urursadeen hub, kuwaas oo  daaqadaha tacshiirado kaga furay ciidanka qaranka.  Ilaa hada ma jiraan warar madaxbanaan oo sheegaya Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay shirqoolka ay kooxdaasi doonayeen inay ku af-duubaan labadaa masuul, balse warar aanu ka helay magaalada Ceergaabo ayaa sheegaya inay falkaa ku dhinteen  4 ka mid ah ciidanka qaranka ee goobta galay iyo askari kale oo ku dhaawacmay, sidoo kalena  ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 6 qof oo shicib ah.
Ilaalada Wasiirka Warfaafinta iyo taliyaha asluubta ayaa iyagana qaarkood dhaawac soo gaadhay, waxaana gacanta lagu dhigay qaar ka mid ah  kooxdaa  malayshiyada  ah, iyadoo aan la ogayn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo gaadhay dhinacooda.  Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya inay ciidanka qaranku goobtaa  guryaha ku dhow ka baadi goobayaan  firxadka malayshiyadaa oo ku dhuumanaya gurayaha, isla markaana daaqadaha kasoo ridayay rasaas.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland   Maxamed Nuur Carraale (Duur)  ayaa ka hadlay dhacdadaa, isagoo yidhi, “Arrintu waxay ka dhalatay kulan doceed wasiirka warfaafinta Axmed Cabdi (Xaabsade) iyo taliyaha ciidammada asluubta Somaliland (Xiirane) la yeesheen  dad deegaankooda ah oo ay kaga wada hadlayeen xaaladdii taagnayd ee nabadgelyo xumada iyo sidii loosoo afjari lahaa kaddibna dhallinyaro cadhaysan oo isla deegaankooda  ah ayaa weerar qaawan ku qaaday,  halkaas oo wasiirka iyo taliyaha aan waxba la gaadhsiin oo ay soo samata-bixiyeen ciidankoodii ilaalada gaarka ahaa , waxaana arrintii ka hawlgalay ciidammada qaranka”. Ayuu yidhi.
Wasiirka Arrimaha Gudaha  Mr. Duur  waxa uu ka  hadlay  khasaaraha  ka dhashay shirqoolkaa, wuxuuna  yidhi , “Ciidanka labo askari ayaa ka dhintay shan kalena waxa soo gaadhey dhaawacyo,  waxa kaloo iyaduna geeryootey hal qof oo dumar ah waannuna ka tacsiyadaynaynaa dhibaatadaas”.
Isagoo ka hadlaya malayshiyada  weerarka qorshaysan soo qaaday  khasaaraha soo gaadhay iyo inay hqabteen, wuxuu yidhi,  “Shan dhallinyaradii dagaallamaysey ka mid ah oo qaarkood dhaawacyo qabaan ayaannu qabannay oo laga hayaa”.  Mar uu ka hadlay xaalada nabadgelyadana waxa uu sheegay inay degan tahay, isla markaana aanay noqonayn mid joojisa xalinta mushkiladii taagnayd,  isagoo yidhi,   “Imminka xaaladdu waa deggan tahay welina samir iyo dulqaad baa jira waxannuna ku baaqaynaa nabadgelyada in la adkeeyo”.
Inkasta oo wasiirku sheegay in tirada dhaawaca iyo dhimashadu tahay 7 askari oo ciidanka qaranka , kuwaas oo laba ka mid ah uu sheegay inay dhinteen shanta kalena dhaawacyo kala duwani soogaadheen iyo gabadh shicib ah oo ku geeriyootay falkaa, basle  Warar kale oo madaxbanaan ayaa sheegaya in dhaawac  iyo dhimashadu  intaa ka badantahay oo ay gaadhayaan dhaawacu dhawr iyo toban, halka dhimashadana lagu sheegay 3 askari iyo haweenay shicib ah.
Dhacdadaa ayaa   Xaalada amaanka gelisay wer wer, iyadoo ay magaalada Ceergaabo ka jirtay xiisad ka dhalatay dilal aanooyin ah oo u dhexeeyay qaar ka mid ah dadka deegaanka, taas oo wefdiga xukuumadda Somaliland u tageen xalinteeda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *