warancadeOog(Araweelo News Network)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde iyo wefti isugu jira Xukuumadda iyo Madax-dhaqameedka Somaliland oo

 

deegaanka God-heeyli  ee dhowaan dirirtu ku dhexmartay dadka deegaanka, ayaa  galabta sheegay in ay ku guulaysteen wejigii hore ee nabadaynta dadka deegaanka. Kadib  markii labada dhinac  ay ka dhaarriyeen 50 xubnood.

 

Munaasibadii loo sameeyay dhaarinta cuqaasha iyo waxgaradka labada Ardaa ee walaalaha ah oo lagu qabtay Oog ayaa noqday fursad iyo tallaabo nabadeed oo wadada u xaadhaysa sidii labada beelood loo walaaleyn lahaa, isla markaana heshiis looga dhex dhalin lahaa.

 

 

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade oo ka hadlay munaasibadaa  ayaa ku tilmaamay labada dhinac ee xurguftu ku dhex martay Deegaanka God- Heeli in ay yihiin Wiil iyo Abtigii, wuxuuna soo dhaweeyay go’aanka dhaarta  ah ee Gudida dhex dhexaadka ah,  kaas oo ka turjumaya sida uu sheegay hab dhaqanka ay bulshadeenu ku soo caano maashay.

 

Wasiirka Daakhiligu wuxuu u mahad celiyay dhammaan intii ka qayb gashay isu soo dhoweynta iyo tur-xaan saarka labada dhinac, wuxuuna  sheegay inay xukuumadda Somaliland ka go’an tahay sidii xal nabadeed oo waara looga dhex dhalin lahaa dhinacyadii ay mashaqadu ka dhex dhacday, isla markaana khilaaf kasta oo jiro lagu dhamayn doono dariiqa wadahadalka.

Dhinaca kale Ismaaciil Saalax Cali iyo Cawad Barre, oo ah Odayaasha hormuudka u ah nabadeynta oo labada dhinac u hadlay ayaa cadeeyay inay qaateen nabad aan Shuruud iyo dabar ku xidhnayn,  isla markaana ay diyaar u yihiin sidii ay wixii dhacay u kala guran lahaayeen iyagoo isku caloolsan.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *