qalinjebintaamoud5Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo saaka safar kedis ah kaga baxay maanta qasriga Madaxtooyadda

 

Somaliland, ayaa gaadhay xarunta gobolka Awdal ee Boorama, wuxuuna ka qaybgalay munaasibad loo sameeyay dafcadii 12aad ee ka qalin jebisa kuliyadaha jaamacadda Amoud University ee Boorama.

Dila4

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), oo ka qaybgalay munaasibadaa, wuxuu shahaadooyin gudoon siiyay 516 Arday, kuwaas oo loo sameeyay xaflad balaadhan.

Dila1Munaasibada Xafladii qalin-jabinta oo lagu qabtay xarunta jaamacadda waxa kale oo ka qeyb galay Wasiirro, siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan goleyaasha Baarlamaanka iyo marti-sharaf tiro badan.

 

Guddoomiyaha Jaamacadda Amoud Prof. Saleebaan Axmed Guulleed oo ka hadlay  munaasibadaa ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee jaamacadda Amoud soo martay tan iyo sanadkii 1998-kii markii la aasaasay, iyadoo Jaamacaddaasi ahayd tii u horeysay ee Somaliland laga furay markii ay Somaliland madax-banaanideeda kala soo noqotay dal weynihii Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Jaamacadda Amoud  waxa uu Madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay sida uu mar walba uga soo qeyb galo xafladaha qalin-jabinta ee Jaamacadda, waxaanu tilmaamay in ka qeyb galkiisu taageero iyo niyad dhis u yahay Ardayda qalin jabinaysa.

 

Prof. Saleebaan Axmed Guuleed waxa uu tilmaamay in 516-ka Arday ee maanta qalin jabiyay ay ka kala aflaxeen toban kuliyadood oo kala duwan oo jaamacadaasi lagu dhigto,kuwaas oo ay ka mid yihiin Maamulka iyo Maareynta, Ganacsiga, Sharciga, Beeraha iyo kuwo kaleba.

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad ka jeediyay xafladaasi ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Ardayda qalin-jabisay iyo maamulka jaamacadda Amoud oo uu ku majeertay inay horumarinta Waxbarashadda sare ee dalka kaga jiraan kaalin wax ku ool ah.

Madaxweynuhu waxa kale oo  uu xadhiga ka jaray xafladaa ka dib Guriga martida ee Magaaladda Boorame oo la dhamaystiray qeybihiisa kala duwan,  kaas oo Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisu caawa u hoyden.

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Dilla ee duleedka Boorama, wuxuuna maanta gelinkii danbe kulamo la yeeshay Odayaasha, waxgaradka iyo aqoonyahanka gobolka Awdal.

inf@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *