Berbera(Araweelo News Network) Waiirka Macadan iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa safar ugu kicitimay dalka Ustareeliya, iyadoo ay weli

cakiran yihiin hawlgaladdii la doonayay inay shirkaddaha shidaalka ka baadhayay deegaamo ka tirsan Somaliland bilaabaan hawlohooda.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Dr. Xuseen Cabdi Ducaale oo maanta ka dhoofay madaarka magaaladda Berbera ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay ujeedada safarkiisa, wuxuuna mar uu qolka nasashada kula hadlay warbaahinta  sheegay in uu ka qaybgelayo shir dalka Ustareeliya ka dhacaya, kaas oo sida uu sheegay lagaga hadlayo arrimaha Macdanta, isla markaana ay  martiqaad rasmiya ka heleen oo ay wadamo badan ka qayb galayaan gaar haan dalalka Afrika.

Dr. Xuseen oo ka hadlaya arrimaha shirkaa, wuxuu yidhi, “Shirkaasi waxa soo agaasintay dawladda Ustareeliya waxaana furaya Wasiirka khaarajiga iyo Wasiirkooda khayraadka, fursad ayay noo siinaysaaa inaanu Wasiirkooda is aragno. waxaanu aad iyo aad ugu hanqal taagaynaa inaanu ka khudbadayno fursada ay na siiyaan Wasiirrada imanayaa dhammaantood ka wada hadli maayaan ee Wasiirro kooban ayaa ka hadlaya oo loogu tallo galay inay hadlaan, Dawladaha Af-Soomaaliga ku hadla Anaga (Somaliland)  oo keliya ayaa ka qayb galayna oo nalagu marti-qaaday.”

 

Sidoo kale Wasiirku waxa uu ka warbixiyay hawlaha halka ay marayaan hawlihii shidaalka iyo macadanta, isagoo yidhi,  “Hawshaasi waxaan jecelahay bishan dhamaadkeeda ama bisha soo socota horaanteeda inay bilaabanto waa shaqada ugu weyn ee ugu qaalisan hawshan sahanka ayaa ugu badan hawshaasi oo illaa 7 illaa 8 bilood soconaysa cabiraadeeda iyo daraasadeeda marka arrintraasi dhamaato sanadka soo socda insha Allaah, waxaan rajeynaynaa haddii natiijadu wanaagsanaato macluumadkaa marka la Uruuriyo  ee ladaraasadeeyo ee la fasilo inaynu markaa qodaalkii bilowno sanadka dambe”.ayuu yidhi.

Dhinaca kale Socdaalka Wasiirka ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay weli cakiran tahay hawsha dhinaca baadhista shidaalka ee shirkaddaha xukuumaddu la gashay heshiishyada qarsoon, kuwaas oo khilaaf iyo muran ka dhashay qaabka loo maamulay qandaraasyada ay bixiyeen shirkadduhu iyo heshiisyada lala galay sababeen in xal loo waayo. Kadib markii dadka deegaanku ku gacan saydheen.

Wasiirka ayaa ka hor intii aanu safarka u bixin kulan la yeeshay masuuliyiinta wakiilada shirkaddaha iyo qaar ka mid ah dadka la siiyay qandaasyada, waxaana kulankaa lagaga hadlay khilaafka ka taagan sidii loo bilaabi lahaa hawsha, iyadoo kooxda qandaraasyada la siiyay laga codsaday in ay tagaan deegaanka, isla markaana dadka deegaanka ku wacyi geliyaan sidii loo aqbali lahaa bilawga hawsha baadhista shidaalka, balse kooxda ayaa ku dooday in aanay arrintaa shaqo ku lahayn ee masuuliyadaa ay leedahay xukuumddu.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *