Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo shir jaraa’id  galabta wadajir ugu qabtay xarunta wasaaradda daakhiliga, ayaa sheegay

in hawl-gal balaadhan oo ay ka fuliyeen magaalooyinka Hargeysa iyo laascaanood maalmihii u danbeeyay kusoo afjareen cabsidii Somaliland ka qabtay falal argagixiso oo kusoo fool leh.
Sidoo kalena iyadoo laga faa’idaysanayo xogtii dawlada Britain la fuliyay hawlgaladaa oo xidada loogu saaray khatar kusoo waajahnayd Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur) oo ugu horayn shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inaanay maanta Somaliland ka jirin cabsi weeraro argagixiso.

“Waxa Xididadda loo saaray dhammaan cabsidii ka soo yeedhaysay dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ee sababtay inay dawladahaasi dhawaaqaasi soo saaraan ka dib markii ay soo gudbiyeen macluumaad xididadda ayaa loo saaray. Waxa la isla gartay cabsidaasi inaanay maanta ahayn mid jirta. Xog timaada mooyaane’ xogtii hore dhammaantood xididadda ayay Ha’yadaha amnigu u siibeen,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

Wasiir Duur waxa uu sheegay inay hadda jawaab ka suganayaan xafiiska arrimaha Debeda Britain, isagoo yidhi,  “Hadda waxaynu sugnaaba waa jawaabta ka soo yeedhaysa xafiiska arrimaha dibadda Ingiriiska oo markii hore dhawaaqan soo saaray.ALXAMDULILAAH meel wanaagsan ayaan arrintaasi soo gaadhsiinay, waxaan dadweynaha u soo jeedinayaa inay kordhiyaan taageeradda ay ciidammadda ammaanka la garab taagan yihiin.”

Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa fariin u diray culimadda Somaliland, isagoo ugu baaqay inaanay la baqan xogta badan ee ay hayaan, isla markaana ay dadweynaha ka wacyi-geliyaan khatarta Argagixisadda, isagoo yidhi,  “Sidoo kalena waxaan halkan fariin uga dirayaa culimo-awdiinka ummadda waxaynu ka baran karnaa xogta, waxay ogyihiin khalad kasta oo loo adeegsaday diin oo ay dad argagixiso ahi adeegsadeen. Waxa culimadda soo gaadhay Somaliland kamay dhicine  in raggii waaweynaa ee culimadda ahaa lagu dilo dariskeena. Masiibadda agteenna ka dhacaysaa ma aha mid aynu ka fog nahay, laakiin Ilaahay mahaddii waanay ina soo gaadhin.

Markaa waxa weeye inaynu taxadirkeeda aynu yeelano.Anagoo uga tacsiyadeynayna oo diidan in dadka culimadda ah la laayo, markaa culimadda waxaan ugu baaqayaa inay si geesinimo leh ay ummadda uga wacyi-geliyaan khatarta Argagixisadda.” ayuu yidhi Duur.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa isaguna dhiniciisa sheegay in hawl-galo balaadhan oo ciidammadda Booliska iyo kuwa kale ee ammaanka oo isgarabsanayaa ay ka fuliyeen magaalooyinka Hargeysa iyo Laascaanood ay ku soo qab-qabteen dad badan oo uu tilmaamay in tuhuno argagixiso galeen.

“Ciidammadda booliska iyo Kuwa kale ee ammaanku waxay beryahanba ugu ku gudo jireen hawl-galo aad u waaweyn oo aad uga adag kuwii hore oo laga fuliyay Laascaanood iyo Hargeysa, waxaan ka codsanaynaa dadweynaha Somaliland inay sii kordhiyaan taageeradda ay ciidammadda amniga la garab taagan yihiin,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan.

Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu intaasi ku daray in hawl-galadii ay habeenadii la soo dhaafay fuliyeen ay qeyb ka tahay in Beesha caalamka loo xaqiijiyo in Somaliland amni ahaan sugan tahay.

“Tiro dad ah ayaanu ka qabanay Caasimadda Hargeysa iyo Gobolka Sool, baadhistoodiina way noo socotaa, waxaanan u mahad celinaynayaa dadweynaha iyo ciidammadda ammaanka ee hawl-galadan ka shaqeeyay,” ayuu yidhi mana sheegin dadka la qabtay inta ay yihiin kuwa ay yihiin midna.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *