Laasqoray(ANN) Dooni yar oo nooca loo yaqaan Jelbedda oo ay saarnaayeen in ka badan 65 qof oo intooda badani yihiin Muhaajiriinta ka firxanaya Somalia ee mudada dheer ka barbar dagaalamayay Al-shabaab, ayaa ku degtay xeebaha cidhifka bari ee Somaliland

horaantii February 2013, laba todobaad ka dib markii ay ka socotay Biyaha xeebta wax ka yar 12 Myl.

Sida ay shebekadda wararka ee Araweelonews ka heshay ila wareedyo dadka deegaanka ah, waxa la rumaysan yahay inay Doontaa yar saarnaayeen muhaajiriin doonayay inay u gudbaan dhinaca dalka Yaman oo ka firxaday Somalia, kuwaas oo u badnaa ajaanibka ka barbar dagaalama kooxda Al-shabaab oo inta badan deegaamada ay maamulayeen iskood uga baxay qaarkoodna laga qabsaday dhowaan.

Sidoo kale todobaadkii hore 15 February 2013, waxa xeebta Laasa-surad oo 40 km dhinaca Galbeed ka xiggta Laasqoray lagu arkay laba Laash oo nooca loo yaqaan Volva, kuwaas oo ay saarnaayeen dad lagu qiyaasay sodoneeyo, isla markaana dadka dadka deegaanka u sheegtay inay yihiin shirkad laga leeyahay Puntland oo badda ka gurata Subal baxarka, isla markaana ay mawjado kacsan oo badda ka socday ka soo carareen sidaana xeebta ay ugu soo caaryeen, balse sida ay shebekadda wararka ee Araweelonews.com ka heshay ila wareedyo kala duwan oo ku suagn deegaanka, waxa la ogaaday inay kooxdaasi ahaayeen dagaalahanka Al-shabaab iyo muhaajiriinta ka bar bar dagaalnta oo doonayay inay u gudbaan dhinaca dalka Yaman, balse markii ay baddu ku kacday ciladi ku timi Laashashka ay wateen, kuwaas oo markaa ka dib safarkoodii iska sii watay, iyagoo dadka deegaanka qaarkood lacag siiyay, taas oo tuhunkii laga qabay sii kordhisay.

Sidoo kale wararka iyo xoggaha dadka deegaanka qaarkood u sheegeen shebekadda wararka ee Araweelonews.com waxa deegaanka laga dareemay dhaqdhaqaaq xaamiya, iyadoo xeebaha cidhifka Bari ee u dhow dhinaca Puntland lagu arkay dad badan oo ajaanib ah, kuwaas oo sheegnaya inay yihiin Kaluumaysato, isla markaana waxa kordhay qiimaha lagu kala iibsado Laashashka gaar ahaan nooca loo yaqaan Volva, kuwaas oo awood u leh inay iska xejiyaan mawjadaha Badda, isla markaana ay adagtahay inay degaan.
Waxaana qiimaha laashashka Volva lagu kala iibsaday inat u dhaxaysa $ 20,000 -30, 000 (labaatan kun ilaa sodon kun) oo dollar, halkii ay markii hore ahayeen $ 15, 000 -17,000( shan iyo toban ilaa todoba iyo toban kun), taas oo sida ay u sheegeen dadka deegaanku shebekada araweelonews ay dadka iibsanayaa yihiin soomaali iyo ajaanib sheeganaya shirkado kaluumaysi, iyadoo dadka cadaanka ah ee la socda kooxaha Soomaalida ah ay sheeganayaan shirakadii, kuwa kalena ay sheegnayaan shaqaale u shaqaynaya, isla markaana ay Laashashka ku iibsanayaan kaluunka iyo shabaagta saran si ay uga gudbaan badda oo ay ugu talaabaan dhinaca dalka Yaman.

Waxa kale oo wararka iyo xoggaha shebekadda araweelonews heshay sheegayaan in xeebaha cidhifka Bari ee Somaliland oo ay ka mid yihiin Qol- Qol oo ah goob marso dabiici ah, isla markaana aan lahayn Tuulo ay inat badan ka baxaan gaadiid u talaaba dhinaca dalka yaman, kuwaas oo loo malaynayo inay la socdaan dagaalyahanka doonaya inay u talaabaan dhinaca dalka Yaman ee ka cararaya Somalia, iyadoo ay gacan ka helayaan wadaadka  Sheekh Maxamed Atta moo ah xidhiidhiya Al-Qaida bariga afrika iyo Gasiirada carabta ee fadhiisinka ku leh Buuraleyda Gal-gala ee duleedka Laasqoray, kaas oo ay dhawr jeer dagaalo dhexmareen maamulka Puntland.
Dhinaca kale dadka deegaanka waxa kale oo ay u shegeen shebekadda Araweelonews in maalmihii u danbeeyay laga dareemay deegnada magaalooyinka yar yare e xeebta iyo dhinaca Buuralayda Cal-madaw dhaqdhaqaaq ciidan oo loo malaynayo inay yihiin dagaalyahanka ka firxanaya Somalia oo soo xoojiyay fadhiismida ciidan ee Sheekh Attam ku leeyahay deegaankaa, iyadoo dhinaca kalena maamulka Puntland oo maalmihii u danbeeyay dagaal ku dhexmaray wadaadkaa duleedka buuraleyda deegaanka Ceelaayo ay sababeen in dhinaca wadada xeebta wadada isku xidha Boosaaso iyo Ceelaayo ay xidheen maamulka Puntland, iyagoo la socda dhaqdhaqaaqa ka jira halkaa, taas oo keentay inay kooxda Attam fadhiisimohooda dhinaca buuraleyda ee jihada galbeedka usoo durkiyaan.

Dadka deegaanka ayaa kala walaacsan xaaladda, iyadoo qaarkood tilmaamay inay deegaanka ka taagantahay cabsi dhinaca amaanka ah, isla markaana ay buuralayda golis ee silsiladu hoy u noqoto kooxda al-shabaab oo horeba fahdiisin ugu ahayd Sheekh Attam oo sanadkii hore sheegay inuu beeco la galay Al-shabaab, kaas oo la rumaysan yahay inuu yahay xidhiidhiyaha al-qaidada Bariga Afrika iyo Gasiirada Carabta, isla markaana hubka iyo saanada Milateri ee ka yimaada Eretreia, Yaman iyo meelo kale u marin jiray halkaa, isagoo u gudbiya dhinaca Somalia. sidoo kale kooxaha doonaya inay taageeraan Ansaaru shareeca oo ka dagaalanta Yaman ka u fududayn jiray sidii ay uga talaabi lahaayeen gacanka badda cadmeed, ama kuwa doonaya inay u gudbaan dhinaca Somalia si ay ugu biiraan dagaalka Al-shabaab ka waday halkaa ee ay kula jirtay dawlada Somalia iyo ciidamada AMISOM iyo kuwa Ethiopia iyo Kenya.

warbixin shebekada araweelonews qortay May 2011 oo sheegaysay in Boqolaal Muhaajiriinta Al-shabaab Ee Dagaalada Ka Waday Somlia Oo Gurmad Ugu Baxay Yaman Iyo Libya halkan ka akhriso.

sidoo kale Faallo March 2012  arrimahaa la xidhiidha  oo ciwaankeedu ahaa ” Sadex-xagalka Istiraatiijiyadda Cusub Ee Al-Qaida Somalia, Gasiirada Carabta Iyo Galbeedka Afrika , By Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist” halkan ka akhri

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *