Djibouti(ANN)Dadweynaha Jamhuuriyadda Djibouti ayaa u dareeray maanta oo Jimce ah Codbixinta doorashada Baarlamaanka oo lagu soo dooranayo 65-ka Kursi ee Baarlamaanka dalkaasi ka kooban yahay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo ay weheliyaan Marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd iyo currteeda ayaa saaka meel fagaare ah ka dhiibtay codkooda, wuxuuna Madaxweyne Geelle u rajeeyay xisbigiisa guul, isagoo tilmaamay inay shacbigu garanayaan waajibkooda codbixinta, isla markaana ay ku kalsoon yihiin.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya saddex xisbi oo laba ka mid ah ay yihiin mucaarad iyo xisbiga tallada haya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Geelle, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horreysay muddo 10-sano ah oo mucaaradka loo ogolaaday inay si toos ah uga mid noqdaan baarlamaanka. kadib markii ay meesha ka baxday habkii Kooshinka ee kuraasta uu wada qaadanayay xisbiga ku guulaysta aqlabiyadu.

Goobaha codbixinta ee dalka Djibouti oo tiradoodu tahay 442 goobood ayaa waxaa si toos ah uga billowday doorashada, waxaana dadka codka bixinaya ay tiradooda lagu qiyaasay 174,000 oo ruux sida ay sheegeen guddiga doorashada, iyadoo  232 goobood yihiin caasimada dalka, taas oo la doonayo inay ka yimaadaan 35 xildhibaan, halka inta kalena ay ka imaanayaan gobollada kale ee dalka.

Doorashadan ayaa si weyn uga duwan doorashooyinkii hore iyadoo xubnaha mucaaradka ah ee lasoo doorto ay ka mid noqon doonaan Baarlamaanka, taas oo ka dhigan in Baarlamaanka dalka Djibouti  ay ka mid noqon doonaan xubno mucaarad ah, halka markii hore uu ahaa in ciddii ku guuleysata aqlabiyadda Kuraasta Baarlamaanka ay qaadan jirtay kuraasta oo dhan.

Madaxweynaha Dalka Djibouti  Ismaaciil Cumar ayaa kooxaha mucaaradka ah ku tilmaamay qas-wadayaal khatar ku ah nabadgalyada dalka,  iyadoo mucaaradkuna ay iska diideen eedayntaa, isla markaana ku canbaareeyay Madaxweynaha inuu doonayo inuu ku shubto doorashada.

“Kooxaha mucaaradka sheeganaya waxaa ku jira kuwo aan salaanta iska qaadanayn maalmo ka hor, sidoo kale waxaa ku jira afar wadaad oo doonaya inay isku dhex milaan culummada Djibouti oo qaddarin weyn aan u hayno, waase kuwo doonaya inay siyaasadda kasoo muuqdaan,” ayuu yidhi Geelle.

sidoo kale waxa uu sheegay inay ku jiraan mucaardka rag ka yimi Yurub iyo kuwo dalka Eriteria laga soo abaabulay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Mucaaradka waxaa ku jira kuwo ka yimid Yurub oo qaswadayaal ah, khatarna ku ah ammaanka dalka, kuwaas oo qoraya Eritrea ayaan u yeedhanaynaa si ay dowladda nooga tuurto iyo ereyo kale oo noocaas ah, kuwa meesha socdana ma ahan kuwii mucaaradakii aan sugaynay, doorashada way isku qarinayaan mooyeene dano kale ayay leeyihiin.”

Dhinaca kale Ammaanka goobaha codbixinta ayaa aad loo adkeeyay, waxaana goobaha inta badan jooga ciidmada amaanka,  iyadoo  ay ku sugan yihiin goobahaas kormeerayaal caalami ah oo ay ka mid yihiin kuwo ka socda IGAD, Midowga Yurub, Ururka Islaamka iyo Jaamacadda Carabta.

Doorashada Baarlamaanka Djibouti waxa ku tartamaya  xisbiyaga  UNP oo loo yaqaanno isbahaysiga aqlabiyadda madaxtooyada jamhuuriyadda jDjibouti  oo uu hogaamiyo Madaxweyne ismaaciil Cumar Geelle , Xisbiga  USN oo loo yaqaanno isbahaysiga midawga mucaaridka oo uu hogaamiyo siyaasiga mucaaridka ah ee dhowaan dibedda ka soo laabtay Daahir Axmed Faarax DAAF , iyo xisbiga CDU oo isaga dhowaan la aasaasau uuna hogaamiyo siyaasiga mucaaridka ah Cumar Cilmi Kheyrre.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *