Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa ka samatabaxay shilgaadhi caawa fiidkii. Kadib markii gaashigiisa oo marayay duleedka Abdaal ee wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera uu qalibmay.
Shebekada wararka ee Araweelonews oo khadka telefoonka kula xidhiidhtay Ilaalada wasiirka ayaa loo xaqiijiyay inuu jiro shilka gaadhiga wasiirka, balse uu ka samatabaxay oo aanay cidna waxba ku noqon shilkaa, isla markaana uu wasiirku si nabad ah u yimi gurigiisa caawa.
Dr. Gaboose ayaa ka mid ahaa wefdi uu hogaaminayay gudoomiye xigeenka Wakiilada oo dhinaca gobolka Sool ku maqnaa, halkaas oo ay wadahadalo kula lahaayeen deegaanka Widh-widh Garaadada, Odayasha iyo waxgaradka deegaankaa.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380