Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa sheegay in dalalka Somaliland iyo Itoobiya leeyihiin cadaw aan muuqan oo ku dadaalaya sidii uu u waxyeelayn lahaa xasilloonida iyo nabadgelyada labadaa dal, laakiin taa bedelkeeda uu jiro

 

iskaashiga xoog leh oo ku salaysan sidii looga hortagi lahaa kooxaha xagjirka ah, kaas  oo ka dhexeeya dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana waxa uu ammaanay dalka Itoobiya iyo Ra’iisal-wasaare Meles Zenawi.
“Waxaan rumaysnahay is dhaafsiga xogta iyo fikraduhu inay daaha ka faydayaan in aannu isku ujeedo nahay Itoobiya, waxaan ballanqaadayaa taageero buuxda in aan siiyo sii socoshada xidhiidhkayaga iskaashi ee wax kasta ka dhexeeya labada shacab si aannu u abuurno midow xoog badan. Xaqiiqadii waxaan rajaynayaa in Itoobiya ka caawin doonto Somaliland nabadgelyadeeda, tababaro, qorshayaal iyo dhismaha awoodda, runtii waanu istaageeraynaa.
Waxaannu soo dhawaynaynaa in aannu yeelano wadashaqayn xooggan oo aannu iskaga difaacno cadowga aan la arag, kuwaas oo ujeedadoodu tahay sidii ay iskugu dayi lahaayeen inay dilaan ama waxyeeleeyaan noloshada nabadgelyada ah ee Somaliland doonayso inay dhisto,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo u waramay wargeyska Sub-Saharan Informer ee ka soo baxda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Wasiir Gabboose waxa uu waraysigaas lala yeeshay ku sheegay in aqoonsi la’aanta Somaliland haystaa caqabad ku noqotay horumarka dalka iyo la macaamilka bulshada caalamka, gaar ahaan hay’adaha caawimooyinka sida Baanka Adduunka iyo maalgashadayaasha, “Caawimada nooga timaada caalamku waa mid yar haddii ay jirtaba, 21-kii sanno ee u dambeeyey waxaannu guulo badan ku gaadhnay keligayo iyadoo dil ama hanjabaad aanay argagixisadu ka samayn magaalooyinka Somaliland.”
Waxa kale oo Wasiir Gabboose ammaanay shacabka iyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya oo uu ku tilmaamay siyaasi firfircoon oo doonaya inuu dalkiisa taariikh uga tago.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxaan xaqiiqsaday in Itoobiya ka horumartay sidii aan u haystay, waxa degan sideed milyan oo qof oo si wadajir ah nabadgelyo ugu nool, dhammaantoodna taajir iyo faqiir waxa wax walba uga horreeya nabadda.
Waxaan ku hambalyeynayaa Itoobiya inay haystaan hoggaamiye firfircoon, aniga oo rajaynayaa inay fahmeen inay ku nasiib badan yihiin inay helaan siyaasi diblumaasi noocan ah.”
Wasiir Gabboose oo la waydiiyey sida uu u arko dadka neceb Itoobiya, waxa uu yidhi, “Naftaydu ma nici karto dal aan xidhiidh la leeyahay, waxaan ahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waanan ogahay awoodda Itoobiya iyo xidhiidhka ka dhexeeya labada shacab,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Wasiirka Arrimaha Guduhu.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail. info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *