Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kumanaan ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa kala qeyb galay Salaad Roob doon ah oo lagu tukuday Garoonka Kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, taas oo Ilaahay lagaga baryayay

inuu Somaliland ka dul qaado abbaarta baahsan iyo biyo la’aanta ka jirta.
Madaxweyne Siilaanyo waxa  ku weheliyay inay kala qaybgalaan salaada dadweynaha  Wasiiro, Xildhibaano, Culimo iyo Kumanaan ka mid ah shacbi weynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo ka hadlay halkaa ayaa khudbad uu ka jeediyay wuxuu Ilaahay ka baryay inuu ka aqbalo toobada oo uu u shubo raxmaadkiisa oo Dalka ka dul qaado abaaraha iyo biyo la’aanta saamaysay guud ahaan deegaamada Somaliland oo dhan.
“Haddii Ilaahay aynu dambi dhaaf iyo toobad waydiisano inagoo raacayna sunnihii nabigeenii suubanaa, wuxuu inaga dul qaadi doonaa abaarta iyo biyo la’aanta ba’an, haddii aynu Ilaahay  isu dhiibno oo aynu toobad keeno waxa laga yaabaa inuu roobka inoo shubo oo daadku mulacyeeyo, halka imika aynu boodhka ku tukanayno,”ayuu yidhi Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed.
Wasiirka diinta iyo Awqaaftu wuxuu shacbiga ugu baaqay inay isa saamaxaan oo ay toobad keenaan.
Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) oo ka hadlay salaadii ka dib ayaa shacbiga  Somaliland ugu baaqay inay isa saamaxaan. wuxuuna Illaahay  ka baryay inuu ka dul qaado umadda muslimiinta ah ee reer Somaliland abaarta ka jirta deegaanadda dalka oo dhan.
“Maanta waxaynu halkan iskugu nimid inaynu Illaahay ka barino inuu roobka iyo raxmaadkiisa inoo shubo, oo uu abbaarta inaga dul qaado, waxaan Illaahay ka baryayaa inuu dadkeena ka soo furto abbaarta iyo dhibaatada haysata,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan Illaahay  ka baryaynaa inuu ducada iyo salaadda roob doonta ah ee dalka laga tukaday inaga aqbalo oo inaga ajiibo.”
Sidoo kale, waxa saaka magaalada Hargeysa salaadii roob doonta lagu tukaday  goobo kale oo isugu jiray masaajido iyo garoomo, iyadoo madaxweyne xigeenka  Somaliland kala qayb galay dadweynaha salaada roob doonta.
Dhinaca kale wararka ka imanaya gobolada kale ayaa sheegaya in  saaka salaadii roob doonta laga tukaday Magaalooyinka Ceerigaabo, Burco, Berbera iyo deegaamada kale ee dalka, marka laga reebo Magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal oo aanay dadku usoo bixin salaada roob doonta ee Madaxweyne Siilaanyo iclaamiyay. Dadweynaha ku dhaqan Boorame ayaa ku dhaliilay maamulka gobolka iyo degmada Boorame inay ka gaabiyeen inay agaasimaan salaada roob doonta ah.
Jawiga  cirka ayaa maanat aad uga duwanaa sidii hore, waxaana cirka lagu arkayay daruuro, taas oo rajo iyo yididiilo gelisay dadka, maadaama ay xaalad ba’an oo abaareed ka taagan tahay dalka, taas oo si weyn saamayn ugu yeelatay nolosha dadka iyo duunyada, isla markaana sababtay in biyo dhaamis laga bilaabo deegaamada miyiga oo xaaladoodu aad u liidato.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail. info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *