Burco(ANN)Sarkaal ka tirsanaa malayshiyada nabad-diidka ee xidhiidhka la leh maamulka Budhcad-badeeda xaruuntiisu tahay Garoowe iyo kooxaha xagjirka ee taageerada ka hela Eretaia ayaa ka hadlay baaqyada nabadeed ee madaxweynaha Somaliland u dirayay kooxdaa nabad-diidka.
sarkaalaka iyo koox odayaal uu watay oo shalay usoo goostay dhinaca Somaliland,  wuxuu ahaa    Xoghayihii warfaafinta iyo birmadka ee Ururka nabad diidka  SSC Kayse Cabdi Yuusuf ayaa maanta faah faahin ka bixiyay mowqifkooda iyo aragtidooda la xidhiidha dhinaca nabadeynta.

wuxuuna sidaa ku  sheegay kulan uu maanta magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer ay kula yeeshay Wasiirrada Xanaanada Xoolaha,   Duulista Hawada iyo Afhayeenka madaxtooyada.
xoghayaha kooxdaa nabad-diidka  Kayse Yuusuf Cabdi, oo kulankaasi ka hadlay wuxuu yidhi  “Waxaan halkan uga mahad celinayaa xukuumadda Somaliland ee ay ka socdaan Wasiirrada iyo Afhayeenka madaxtooyada,Waxgaradka iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay soo dhaweyntayada waxaanan idin leeyahay waad mahad-santihiin,intaa ka bacdi waxa  socdaalkayagu ahaa mid ku salaysan waar bal madaxweynahan cusub ee Axmed Siilanyo wuxuu ku baaqay nabad, bal nabadaa uu ku baaqay la soo eega ceelalyaan anagu nahay. shaqo anagu umaanaan soo doonan waxaanu rabnaa oo baaqaasi yahay xagana waa laga dhimanayay xagaana waa laga dhimanayay oo anigu waxaan ahaa qoladii garabka hubaysan xogahayihii birmadka ciidmada wixii ciidan birmad samaynayay waan hor boodayay xagana waa laga dhimanayay xagaana waa laga dhimnayay alle ha u naxariisto,waxaanan nidhi bal nabada uu ku baaqay madaxweynuhu  ee ka timi xukuumada cusub Widh-widhna qaybteedii hore lagu qabtay  aan la eegno.”

“Fariinta kaliya ee aan sidaana waa  bal dadku maxay ka dagaalamayaan? maxay qoriga ka qaadanayaan? maxay rabaan? maxaa dawo u ah? intaas baan uun sheegaynaa anigu xukuumada iyo madaxweynahan waxaan ka rajaynaynaa inay noqdaan kuwii daweeya.taasna lagu gaadho nabad cid kastana hadii hadeer inshlaah aan fariintayadana aan gudbino fariinta madaxweynahana aan argano ceelalyada (sahanka)  aanu nahayna aan aragno waanu noqonaynaa  Haddii alle yidhaahdo waxaanu ula noqonaynaa dadkii aanu ka nimi waxaanu rajaymayaa in si buuxda degmo degmo iyo beel beel intaba ay u gaadho,”ayuu yidhi Kayse Cabdi Yuusuf.

Waxa kale  oo uu sheegay in nabadeyntu ay bilow tahay waxaanu yidhi “Iminka uun ay bilow tahay geedi socodka nabadaynta ee deegaamadaasi.waxaanan rajaynayaa inay nabad-galyadu noqon doonto mid laga wada shaqayn doono.”

Wasiirka Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka  Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ka hadlay kulankaasi wuxuu yidhi “Waxaan ku faraxsan nahay inaan ku soo dhawayno magaalada Burco Kayse iyo weftigan uu hoggaaminayo waxaan  halkan ka sheegaynaa inay siyaasada Somaliland mar walba saldhig u tahay midnimo iyo nabadoonimo iyadoo taas la eegayana waxaan ka dhabaynaynaa baaqii Madaxweynaha ee la xidhiidhay gogoshii nabadeed ee uu u fidyay dad deegaamada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari.”

Wasiirka xanaanada xoolaha  Deegaanka iyo horumarinta Reer Miyiga Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay qaabilaan xubnahan ka mid ahaa SSC, waxaanu tilmaamay in sarkaalkan iyo xubnaha la socda ay qeyb ka noqonayaan gogoshii nabadeed ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay beelaha deegaanka Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari.

“Waxaan si kal iyo laab ah  u soo dhawaynayaa xukuumad ahaan weftigan uu hoggaaminayo Kayse soo dhaweynta aan soo dhaweynaynaa ma aha mid iminka Somaliland lagu soo dhaweynayo ee waa mid gobolka Togdheer lagu soo dhaweeynayo maadaama oo ay hore uga tirsanaayeen Somaliland dadkana way soo kala dhexgashaa xurgufi,  balse wax kasta waxa lagu xaliyaa wada hadal iyo is afgarad,”ayuu yidhi Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail. info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *