ninkii xukumay sadamBaqdad (Araweelo News Network)Xoogaga hubaysan ee Muslimiinta sunniga ah ee gacanta ku dhigay inta badan dalka Ciraaq ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen Ra’uuf

 

Cabdi Raxmaan oo ahaa Garsoorihii xukunka del-delaada ah ku riday hogaamiyihii dalkaa Sadaam Xuseen sanadkii 2006.
Saraakiil ka tirsan xukuumadda Shiicada ah ee uu hogaamiyo Nuuri Al Maaliki oo laga qabsaday inta badan dalka Ciraaq ayaa xaqiijiyay in mucaaradka sunigu gacanta ku dhigeen 16,June,2014,  Garsoore Ra’uuf Cabdi Raxmaan, kadibna ay khaarajiyeen markii xukun lagu riday. Sida ay sheegeen.

Sidoo kale Hoggaamiye kasoo jeeda qoyska Marxuum Saddaam Xuseen oo ahaa madaxweynihii dalka Ciraaq  ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gacanta xoogaga sunniga ah uu ku baxay Ra’uuf Cabdi Raxmaan oo hoggaaminayay maxkamaddii daldalaadda ku ridday Sadaam xuseen sanaddii 2006.

Higaamiye Beeleedkaa ayaa sheegay  in Ra’uuf Cabdi Raxmaan la qabtay 16 Jun, isagoo doonayay inuu baxsado oo xidhan dharka dumarka Ciyaarta Rasqada ay caanka ku yihiin xidhan, isla markaana xilli habeen ah xukun del-delaad ah lagu riday.

Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Sadam Xuseen ayaa gacanta lagu dhigay markii ay ciidamada xulufada Maraykana iyo Britain dalkaa weerareen 2003, taas geyaysiisay in del-delaad lagu xukumo oo si foolxun loo dilay, taas oo lagu beegay maalin Ciid ah oo dunida Islaamka laga faraxsanaa.
Sadaam Xuseen oo dilkiisa si weyn looga argagaxay dunida Islaamka oo dhan, ayaa hore loogu dilay duqayn labadii wiil ee uu dhalay oo ay xulufada Maraykanka iyo Britain ku raad joogeen.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *