“Marwada Daahir Rayaale Saaxiibadeed Ayaa Ka Mid Ah kooxda Isku Shubtay Kulmiye”

Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Somaliland C/llaahi Ismaaciil Ciro ayaa ka murugooday . kadib markii taageerayaal uu filayay inay kasoo qayb galaan isu soo bixii u danbeeyay ee ololaha xisbiga UDUB  oo saaka

 

 

lagu qabanayay fagaaraha Beerta xoriyada ee Hargeysa ay mar keliya isku shibeen xarunta xisbiga Kumiye.

 

 

 Taageerayaasha oo watay dhawr Bas waxay ahaayeen kuwo uu wasiirka arrimaha guduha doonayay inay saaka ka xaadiraan Beerta xoriyada oo Musharaxa xisbigaa Daahir Rayaale qudbad ka jeedinayay,isla markaana waxay qayb ka haayeen   dadkii loo  ururinayay Beerta xoriyada ilaa habeenimadii, si ay subaxnimada ugala qayb galaan fagaaraha, Balse dadkaa oo ay hogaaminayeen Cumar Boonge oo ka mid ahaa saraakiisha xisbiga UDUB ee magalada Hargeysa, isla markaana ahaa xubnaha ugu dhow dhow wasiirka arrimaha gudaha C/llaahi Ismaaciil Shabeel (C/llaahi Ciro) iyo Khadar Ciise Faarax (Ina Ciise Daboole) oo mar ahaa gudoomiyaha gobolka Maroodi jeex ee xisbiga UDUB ayaa saaka isku shibay xarunta guud ee xafiiska xisbiga Kulmiye ee magaalada Hargeysa, halkii laga filayay inay ka qayb galaan isu soo baxa fagaaraha Beerta xoriyada ee Hargeysa oo ay ku sugnaayeen Gudoomiyaha musharaxa xisbigaa Daahir Rayaale iyo Wasiirka arrimaha gudaha C/llaahi Ciro.

Sidoo kale Sahra Sacad oo ka mid ahayd saaxiibada gacanta midi ee haweenka ku xeernaa   Marwada Musharaxa UDUB Hudda Barkhad  ayaa ka mid ah kooxda ku biirtay Kulmiye ee isku shubay xarunta, halkii laga filayay inay saaka yimaadaan fagaaraha Beerta xoriyada.

Labadaa masuul iyo taageerayaashii ay wateen ayaa lagu war helay in xaflad soo dhawayn ah loogu qabanayo Xarunta Kulmiye, halkii laga suagayay Beerta xoriyada iyo inay ka qayb galaan isu soo baxa xisbiga UDUB kusoo afjarayay Ololaha doorashada.  

Waxayna arrinataasi ka cadhaysiisay wasiirka arrimaha gudaha iyo musharaxa xisbigaa Daahir Rayaale, kuwaas oo dhacdadaasi ku noqotay guuldaro iyo weji gabax lagu sagootiyay maalintii u danbaysay ee ololaha doorashada, isla markaana waxa soo baxayay ilaa gelinkii danbe ee maanta warar sheegaya inuu Wasiirka arrimaha Gudaha C/llaahi Ciro is casilay, markii ay taageerayaashii ugu danbeeyay ee uu haystay ku biireen xisbiga Kulmiye, isla markaana ay gebi ahaanba xafiisyadii ay ku lahaayeen waaxda 26 juun ku wareejiyeen xisbiga Kulmiye. Inkasta oo ay wararka sheegaya is casilaada wasiirka arrimaha guduhu sii xoogaysanay, balse dad ku dhow dhow wasiirka ayaa shebekada araweelo news u xaqiijiyay maanta gelinkii danbe in aanay waxba ka jirin ee uu xanuunsanayo wasiirku. Laakiin ilaa hada waxa sii xoogaysanaya oo isa soo taraya warar tibaaxaya inuu wasiirku qorshaynayo inuu xilka iska casilo. Kadib markii uu Musharaxa UDub wasiir kasta ku amray inuu qoyskiisa keeno, taas oo keentay inay ku guuldaraysteen gebi ahaanba xubnaha xukuumada Rayaale, marka laga reebo xubno fara ku tiris ah oo taageerayaal kooban ka helay deeganada lagu amray inay keenaan.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com shalcaw2@hotmail.com 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *