-
Published On: Tue, Jun 22nd, 2010

Mac-hadka Caalamiga Ah Ee Siyaasada Bariga Afrika Oo Soo Bandhigay Warbixin Daaha Ka Rogay Xisbiga La Saadaalinayo Inuu Ku Guulaysto Doorashada Madaxtooyada Somaliland

Smiley face
Share This
Tags

images/stories/sunset-on-the20-beacch.jpg  Hargeysa(ANN)-Machadaka daraasaadkaCaalamiga ah ee siyaasada Bariga Afrika( East Africa Policy Institute) oo loo soo gaabiyo (EAPI) ayaa todobaadkii hore soo bandhigay warbixin uu ku saadaalinayo doorashada Madaxtooyada Somaliland 

 

 

 

  

 

ee la filayo in loo dareero 26 Juun, taas oo uu ku saadaaliyay saddexda xisbi ee ku  tartamaya midka sida weyn loo saadaalinayo inuu ku guulaysto hogaaminta dalka.

Warbixintaa oo mac-hadku ku faafiyay todobaadkii hore bogiisa barta internet-ka, isagoo ka duulaya macluumaad iyo dukumentiyo uu ku markhaati gashanayo saadaashiisa.

 

Warbixintaa oo ku qornayd luqada English-ka, isla markaana uu soo turjumay Qoraaga C/risaaq Caqli, waxay iyadoo dhamaystiran u qornayd sidan;-

 

 

“Doorashada Somaliland ee soo socota , waa mid aad loo danaynayo, fiiro gaar ahna loo leeyahay. Waxayna doorashadaasi kala caddayn doontaa inay Somaliland hanato dimoqraadiyad dhab ah oo taabbo gal ah iyo inay dib ugu noqoto xaaladdii ay hore ugu jirtay. Warbixinada nooga imanaya lixda gobol ee uu dalku ka koobanyahay waxay muujinayaan in mucaaridku, gaar ahaan KULMIYE uu leeyahay gacanta sare marka la eego cududda bannaanbaxyadii ololaha doorashada, taasoo noqon karta saadaalin hordhac ah.

 

Labada xisbi mucaaridba si fiican ayey dadweynaha ugu soo bandhigeen barnaamijkooda, waxayna ku guuleysteen inay codbiyayaasha dhinacooda u soo leexiyaan, halka uu xisbiga UDUB todobaad idil ku celcelinayey ballanqaadyo horeba loogu yaqaannay oo aan fulin. Tallaabada uu  KULMIYE qaaday ayaa lagu tilmaami karaa inay tahay ta ugu fiican. Waayo wuxuu caddeeyay inuu Ururadii siyaasadeed dib u furi doono si ay uga qayb qaataan tartanka doorashooyinka. Wuxuuna ballanqaaday in doorashada deegaanka ee soo socota ay ururradaasi cusubi ka qayb geli doonaan tartanka doorashada. Taasina waxay dhalisay inuu KULMIYE hanto taageeradii urur siyaasadeedka Qaran oo uu madax ka yahay Dr Gaboose oo ah hogaamiye aad u firfircoon. Sidoo kale wuxuu xisbiga UCID xoogga saaray inuu dadweynaha ku soo jiito hawlaha daryeelka ee uu hirgelin doono haddii uu doorashada ku guuleysto. Wuxuuna ballanqaaday inuu  waxbarashada lacag la’aan ka dhigi doono, islamarahaantaasi uu tayada maamulka wanaajin doono. Sidoo kale wuxuu meesha soo geliyey gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro si uu u noqdo wejiga labaad ee xisbiga taasoo uu ballanqaaday haddii uu doorashada ku guuleysto iyo haddii kaleba inuu Cabdiraxmaan Cirro noqon doono Guddomiyaha cusub ee xisbiga UCID.

 

 Dhinaca kale, waxaa muuqatay inay xisbiyada mucaaridku weeraar la yaab leh ku qaadeen xisbiga talada haya ee UDUB, taasoo ay u diideen inuu xisbigaasi  gaar ahaan u yeesho gobol keliya, xataa gobolkii uu ka soo jeeday Madaxweynuhu. Waayo labada xisbiba waxay u soo sharraxeen Madaxweyne-ku-xigeenka laba musharrax oo ka soo jeeda gobolkaasi oo soo leexin kara qaybta codadka beelaha ay ka soo jeedaan. Arrintaasi aynu soo kor xaadinnay waxaa sii dheer dadweynaha  oo si xooggan uga soo horjeeda maamulka xisbiga talada haya. Arrimahaasi oo idil ayaa abuuray inay dad badan oo indho-dheeya hawlaha Somaliland ku qancaan in taageeradii xisbiga talada hay ee UDUB ay hoos u dhacday. Maantana lagama filaayo inuu yeesho cududdi doorashooyinkii hore lagu yaqaannay oo kale.

 

 

Tijaabo saadaalinta codadka ah oo ay khubaro ka tirsan mac-hadka EAPI ku sameeyeen dhammaan magoolooyinka waaweyn ( Hargeysa, Berbera, Burco, Sheekh, Boorama) waxay inoo iftiimisay inay ku adkaan doonto xisbiga UDUB inuu tartanka u sii hanqal taago. Waxaana suurtogal ah inay guul-darro weyni soo gaadhi doonto maalinta codbixinta, marka la eego codadkii tirada yaraa ee uu doorashadii hore ku guuleystay (Sideetan cod oo keliya).      

 

Waxaa tijaabadaasi uu Mac-hadku qaaday sii xoojinaya oo taageersan ra’yiga  ay codbixiyayaashu qabaan, kaasoo inoo muujinaya sida ay dadweynuhu uga soo horjeedaan xukuumadda maanta jirta. Waxaana nacaybkan xooggan dhaliyey qaabka ay xukuumaddu wax u maamulaysay  todobadii sannadood ee ugu danbeeyey, taasoo uu musuqmaasuqii si weyn ugu baahay dalka, dhaqaalihiina hoos u dhacay oo uu joogsadayba. Waxaa taasi sii dheer awood- maroorsi  iyo sharciyadii dalka u degsanaa oo layska baalmaro oo ay caadaysatay xukuumadda maanta joogtaa. 

 

Hantida xukuumadda ee meel khaldan la mariyey iyo lacagta ay lunsadeen shirkado qandaraas la’aan heeshiisyo lagula galay, waxaa ugu yaraan lagu qiyaasaa inay kor u dhaaftay 100,000,000 (Boqol milyan oo doolar) mudadii uu Madaxweyne Rayaale talinayey. Heshiisyadaas qandaraas la’aanta lagu galay, kootadana lagu siiyey ganacsadaha sacuudiga ee AL-Jaabiri, ee loo xidhay inuu keligii dhoofiyo xoolaha, waxay abuurtay in qiimihii neefka adhiga Somaliland oo ah mid aad loo jecelyahay, qaalina ah, kana taagan suuqa sacuudiga $ 100 Boqol doolar), in qasab loogu gooyay inuu ku iibsado  $30 (sodon doolar oo keliya.  Haddii aynu hoos ugu sii daadegno sababaha keenay dhaqaale xumida uu dalku maanta ku jiro, waxaa inoo muuqanaya in halkii doolar ee dalka soo geli lahaaba, ay xukuumaddu ku qasabtay ganacsatada adhiga Somaliland inay ka hesho soddon senti oo keliya. Taasi oo inoo iftiiminaysa in dhaqaalihii dalka soo geli lahaa ay ogaan xukuumaddu u lumisay. Tiiyoo ay taasi jirto ayey hadana dadweynihii ku kordhisay qiimihii shidaalka oo kooto loogu xidhay shirkadda Total, taasoo keentay in Etoobiya oo aan lahayn dekad, uu shidaalku kaga jabnaado magaalada Berbera ee dekaddu ku taallo.  

 

Somaliland waxay qabsatay hawlo wax ku ool ah, talaabooyin muuqdana waxay ka gaadhay sidii ay u hirgelin lahayd dimoqraadiyad dhaqanka dalka ku salaysan. Nooca dimoqraadiyadda Somalilandna wuxuu u egyahay qaabka dimoqraadiyadda dalka Maraykanka. Laakiin Somaliland waxay wax walba ku seegtay qaabka xun ee loo maamulayo dhaqaalaha yar ee soo gala, iyo musuqmaasuqa sida xooggan ugu baahay madaxda  ugu sarreysa dalka.

 

Sida ay inoo tibaaxeen ilo ku dhow dhow xafiiska arrimaha dibedda ee dawladda Maraykanku iyo gudi-hoosaadka arrimaha Afrika ee kongreeska Maraykanku, waxaa xukuumadda Rayaale loo arkaa xukuumad dhib badan, oo hadana tahli kari la’ inay socodsiiso amma ilaaliso sharciyada dalka u degsan. Sidoo kale xukuumaddu ma ixtiraamto heshiisyada ay mucaaridka iyo beesha caalamka la gasho.  Doorashooyinka kolba dib loo dhigayey, ee hadana la kordhinayey mudada xilka Madaxweynaha, ayaa  xasilooni darro ku abuurtay Somaliland oo ku taalla gobol ay saameeyeen xagjirnimo  iyo xukuumado ligliganaya. Sida uu Mac-hadka EAPI ku sii sheegay warbixintii uu soo saaray bishii September ee sannadkii 2008, diiwaangelinta loo adeegsanayey in doorashada lagu hakiyo ayaa ahaa qalad foolxun oo dalka dhawr jeer khatar geliyey.

 

Xakamayn la’aanta awoodaha sida qaldan loo isticmaalayo, tiiyoo mararka qaarkoodna lagu xad-gudbayo xuquuqda aasaasiga ah ee dadweynaha ayaa carqalad ku noqday dimoqraadiyaddii iyo la xisaabtankii dalka ka hano qaadi lahaa. Taasi oo lagu qeexay warbixin-sannadeedka xuquuqda aadamaha ee uu soo saaray xafiiska arrimaha dibedda ee Maraykanku.    

        

Dhacdooyinka noocaasi oo kale ah ee isbiirsaday, iskuguna jira awood maroorsi iyo maamul xumaanba ayaa saamayn foolxun ku yeeshay dhaqaalihii dalka, islamarahaantaasina cidhiidhi geliyey noloshii dadweynaha. Kuwaasi oo wada taabtay dadkii reer miyiga ahaa ee xoolahooda dhaqanayey iyo kuwii magaalada degganaa ee wax dillaalayeyba. Waxaa intaasi sii dheer xad-gudubyada aan la soo koobi karin ee had iyo jeer lagula kacayo dad aan waxba galabsan haddii ay yihiin dadweynaha caadi ah iyo haddii ay yihiin siyaasiyiin caan ahba. Waxaa taasi ka sii daran rasaasta uu bolisku ku ridayo ee uu mararka qaarkood ku dilay qaar ka mid ah dadkii bannaanbaxa samaynayay. Arrimahaasi kor ku xusan iyo wax la mid ah ayaa muddo dheer is biirsaday oo is dulbuuxiyey, waxaana  muuqata inay dadweynaha Somaliland maanta diyaar u yihiin inuu isbeddel yimaaddo.

 

Doorashadii Golaha Wakiilada ee ugu danbaysay ee qabsoontay sannadkii 2005, waxay tirada dadka codeeyay ahaayeen 670, 328 qof, maantana waxay tirada codbixiyayaashu kor u dhaaftay hal milyan oo qof, kadib markii Serverku dib u sii kala shaandheeyey. Tiiyoo la tixgelinayo xogaha inoo muujinaya in badi gobolada codbixiyayaashu si xooggan ugu soo kordheen ay yihiin gobolada laga taageersanyahay mucaaridka, gaar ahaan KULMIYE, iyo jawiga lagaga soo horjeedo xisbiga talada haya ee loo aanaynayo xad-gudubyadaasi isbiirsaday, waxay Mac-hadka EAPI ugu muuqataa inuu Xisbiga KULMIYE si fiican u guuleysan doono doorashada soo socota.

 

Haddii ay xisbiyada UCID iyo KULMIYE ay u soo leexdaan 5-10% oo keliyi waxaa KULMIYE u suurtogelaya inuu codad lagu qiyaasay 50,000 ilaa 100,000 oo cod uu kaga guuleysto xisbiga UDUB marka dib loo fiiriyo sideetankii cod ee doorashadii hore ee madaxtooyada lays dheeraa. Boqol kun oo cod oo uu KULMIYE dheeraado xisbiga UDUB waxay muujinaysaa guul weyn oo KULMIYE u soo hoyatay.

 

Badi dadka indho-indheeya Somaliland waxay u arkaan in dalkani hodan ku yahay wixii horumar lagu gaadhi lahaa oo idil marka la eego baaxadda dhulkiisa, tirada dadkiisa, khayraadka dabiiciga ah ee uu leeyahay iyo dadweynaha u heellan inay mustaqbalkooda dhisaan. Laakiin waxaa loo baahanyahay in la helo madaxdii hogaamin lahayd ee himiladaasi hirgelin lahayd. Taasina waxaa lagu gaadhi karaa codadka oo wax lagu bedelo ee laguma gaadhi karo xabbad wax lagu bedelo.

 

Waxaan dadweynaha Somaliland u rajaynaynaa inay wax ka dhex arkaan ceeryaanta hadhaysay doorashooyinkii hore oo ay dalka iyo dadkoodaba mustaqbal cusub ku hagaan” 

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com shalcaw2@hotmail.com .

 

 

 

 

 

         

 

 

 

 

 

         

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>