Muuqaalka ka qaybgalayaasha Isu soo baxa UDUb ee fagaaraha Beerta xoriyada

Hargeysa (ANN) Musharaxa jagada madaxweynaha xisbiga UDUB ugu tartamaya Daahir Rayaale Kaahin oo maanta khudbad gebagebada ololaha xisbiga UDUB ka jeediyay fagaaraha Beerta Xoriyadda Hargeysa ayaa khudbadiisa deg deg usoo afjaray. Kadib markii

 

 

canbaarayn uu u jeediyay xisbiga ugu weyn mucaaridka ee Kulmiye dadkii dhegeysanayay bilaabeen guux iyo sawaxan khakhaliyay fagaaruha, taas oo sababtay inuu soo gaabiyo khudbada uu halkaa ka jeedinayay, isla markaana deg deg uga baxo goobta.

 

 

Weedhaha uu Mr. Rayaale, halkaa ka jeediyay fagaaraha ee sababay guuxa iyo inay xaaladu is bedesho oo shiid iyo sawaxan ku dhamaado ololaha xisbiga UDUB ee magaalada haregysi, waxay ahaayeen kuwo uu xisbiga KULMIYE ku tilmaamay mid ay ku jiraan rag ku sifoobay xagjirnimo, taas oo ka cadhaysiiyay dadkii dhegaysanayay. 

 

 

 

Musharaxa  xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu sheegay  in marka laga hadlayo  hogaaminta talada dalka ay  xisbiyadda Mucaaradku ka cadhaysan yihiin (isaga Rayaale), isla markaana iyaga oo aan gaadhin weli,  ama qaban xilkii wadanka ay leeyihiin dadkayaga ayaanu ka aargoosanaynaa, dadkaasina aanay ahayn kuwo hogaamin kara dalka oo isku hayn kara ummadda walaalaha ah reer Somaliland.

Khudbadan Madaxwayne Rayaale jeediyay oo ahayd tii ugu dambaysay ee uu ka jeediyo iyadda lagu jiro ololaha doorashada, ayaa waxa kale oo uu wax ka tilmaamay waxqabadka xukuumada xisbiga UDUB oo uu ku dooday  inay wax ka qabatay arrimaha ay ka midka yihiin waxbarshada, caafimaadka iyo fidinka maamulka oo uu sheegay inay tahay wax sida cadceeda u cad oo aan la qarin karin.

 

 

 

Musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga UDUB  Daahir Rayaale oo ka hadlaya gebagebada  ololaha doorashada waxa uu yidhi “Maanta waxaanu u taaganahay maalintii ugu dambaysay ee ololaha xisbiga UDUB uu u lahaa, iyadda oo doorashadii ay inaga xigto, xisbiyada tartamaya, xisbiga UDUB waa hooyadii dimuqraadiyadda Somaliland, dimuqraadiyadda xisbiga UDUB ayaa bilaabay waa hooyadii nabada Somaliland, intii xisbiga UDUB talada dalka hayay ma balaayo ayaa dalka ka dhacday?,  ayuu weydiiyay dadka laakiin uma ay jawaabin, wuxuuna isagu isugu jawaabay, “nabadbaa ka dhacday.”.

 “Xisbiga UDUB waxa uu umadda balan ugu qaadayaa midnimo, walaaltinimo, shacabka Somaliland oo u ul iyo diirkeed ah oo aan la kala qayb-qaybin, waxa ka reeban xisbiga UDUB xagjirnimo, xisbiga KULMIYE rag badan oo xagjirnimo ah ayaa ku sifoobay, xagjirnimadu waa noocyo badan, xisbiga UDUB mid caadifad ku shaqeeya maaha, waa xisbi daganaanshiiyo ah oo wax kasta   ka fiirsada.” ayuu yidhi,

Musharaxa xisbiga UDUB oo doonayay inuu beer dulucsado dadkii lagu soo ururiyay halkaa, balse weedhahaa ayaa usoo jiiday xaqiiqda rayalcaamka bulshada iyo sida ay dareenkooda ugu muujiyeen in aanay dhegeysan Karin hadaladaa oo kale, taas oo keentay inuu deg deg usoo afjaro qudbadiisa.

 “Dal waxa hagi kara hogaan talada ka fiirsada oo meel gaadhsiin kara, ma hagi karo niman cadhaysan oo iyagga oo aan xilka qaban waanu aargoosanaynaa leh dad ma Madaxwaynaha Somaliland waxa uu si cad u weeraray xisbiyada Mucaaradka ah “Nimanka maanta sii dhaaranaya ee leh dadkayaga ayaanu ka aarsanaynaa baritana maxay samaynayaan, wax aan loo joogin ayay samaynayaan.” ayuu yidhi Md Rayaale oo doonaya inuu ka dhaqso uga baxo fagaaraha,  wuxuuna  intaa raaciyay, isagoo faanaya oo sheeganaya guulo iyo waxqabad uu sameeyay mudaddii uu xukunka hayay “Waxaan halkan idiinka sheegayaa xisbiga UDUB mudadii uu joogay waxqabad ayuu muujiyay wixii uu qabtay wax la qarin karo maaha oo sida qoraxda ayay u muuqataa, haddii ay tacliin tahay, haddii ay caafimaad tahay iyo haddii ay tahay fidinka maamulka oo dalka oo dhan la gaadhsiiyay, xisbiga UDUB ayaa sameeyay wax alaale wax xisbiyada kale ku darsadeen ma jirto.”

 

 

Mr. Daahir Rayaale oo sharaxaad ka bixinaya xisbigiisa UDUB, waxa uu yidhi,  “Xisbiga UDUB waa xisbi u taagan midnimada iyo wada noolaanshaha umaddan, waa xisbi ay ka reeban tahay wax kasta oo xajiin ah oo bulshada dhexdeeda laga samaynayo, waa xisbi u taagan in qaranka la isku hayo ilaa waligiiba oo uu noqonayo qaran jira oo uu umadaha ka mid noqonayo.”

 

 

 

Mr. Rayaale ka hor intii aanu ka bixin fagaaraha ee aanu soo gebagebayn qudbadiisa, waxa uu soo qaaday balanqaadyadii dhicisoobay ee dib u dhiska Dekedda Berbera iyo mashaariic kale oo dhamaantood fashilmay, isla markaana wuxuu ku faanay ganacsiga dhoofka xoolaha ee uu kootada ugu xidhay ganacsadaha carbeed ee Al jaabiri, isla markaana wuxuu dadka xusuusiyay inay maanta ugu danbayso ololaha xisbiga UDUB. Sidaa awgeed ay u codeeyaan.

Musharixiinta Xisbiga UDUB oo tan iyo mudadii ay dalka ka bilaabmeen Ololaha kaanbaynka xisbiyadu ay lasoo dersayeen fadeexado iyo wejigabax ay bulshada kala kulmayeen ayaa maantana gunaanadkii fagaaraha Beerta xoriyada ee Hargeysa ku sogootiyay musharaxa xisbigaa ee jagada Madaxweynaha Daahir Kaahin buuq iyo khal khal sababay inuu deg deg uga baxo halkaa, iyadoo markii danbe arintu isu bedeshay fawdo iyo shiid. Laaiin saraakiisha oo aanu weydiinay inay jirto cid ay arrimahaa u xidheen ayaa ka gaabsaday.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *