Hargeysa(ANN)Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gabboose ayaa maanta kulan xog-waraysiya oo ay la yeeshen  Guddida joogtada ee Golaha Wakiillada Somaliland kaga hadlay xaalada sarkaal sirdoonka  Somaliland ah iyo dareewalkii taliyaha sirdoonka oo ciidamada new Police

 

ee Ethiopia   afduubeen iyaga iyo muwaadiniin kale Jimcihii todobaadkan.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay wasaaradiisa iyo mushkilada dadka qoxootiga kusoo badanaya Somaliland iyo arrimo kale.  Kulankaas oo maanta  ka dhacay xarunta Golaha wakiilada ee magalada Hargeysa, waxaa wasiirka ku  wehelinayey  Taliyaha Laanta socdaalka Maxamed Cismaan Caalin (Dayib), Taliyaha Ciidanka badda ee Somaliland Axmed Aw Cismaan,  Guddidu waxa ay musuliyiinta waydiisay halka ay marayaan hawlaha qaranka ay u hayaan.
Wasiirka arimaha guduhu waxa uu sheegay in mushkilada ugu weyn ee dalka ka jirtaa ay tahay dadka ka soo qulqulaya dalka Itoobiya waxanu yidhi “waxa mushkilad weyn inagu haya dadka Itoobiya ka imanya ee maalin  walba ku soo qulqulaya magaalooyinkeen Somaliland, dadkaasi oo ah Dad Oromo ah qaarbaa u socda dano dhaqaale, arinta diwaangalintoodu waa arin aad looga hadlo, hore ayey xukumadii naga horeysay u  joojisay Xiligii ay dhaceen qaraxyadu ayey joojisay, dadkaasi diwaangalintooda balse ilaa imika lama diwaangaliyo oo dalka ayey iska  joogaan”Ayuu yidhi Wasiirku
Wasiirka Arimaha gudaha Dr.Gaboose ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey waxyaabihii u qabsooomay mudadii u xilka hayey waxanu sheegay in amaanka guud ee Somaliland aad u fiican yahay waxanu yidhi “Waxa amaanka Somaliland aad ayuu u wanaagsan yahay, waxaydun  ka arki kartaan madaarka Hargeysa oo maalin walba ay ka soo degaan  boqolaal dad ajaanib ah oo dalkeena ka shaqeeya, iyo kuwo ka dhoofa, waxa intaasi dheer waftiyada caalamka ka imanaya ee maalin walba imanaya somaliland kuwasi oo u kurgala xalada dalkeen waxa ugu danbeeyay waftigii Holland ka socday oo ahaa wafti baldhan.”Ayuu yidhi Wasiirku
Wasiirka Arimaha guduhu waxa kale oo uu yidhi “Gobollada iyo degmooyinka dhammaan waxay wada codsadeen Xafiisyadoodii burbursanaa in dib u dhis lagu sameeyo, markaa waxa idinka qarsoon ma jiraan, xagga doorashooyinka waxa soo dhaw doorashadii Golaha deegaanka. arrinta dib u dejinta oo shalay lagu dhawaaqay wax badan oo laga qabtay may jirin, qaxoonti kale oo soo xaroodayna ma jirin, iyaduna Qaxoontinnimada ayey ku noolayd waa Barakacayaasha.”Ayuu yidhi
Dr. Gaboose oo wax laga weydiiyay xubno ka tirsan sirdoonka Somaliland gaadhigii taliyaha sirdoonka iyo muwaadiniin kale oo booliska Ethopia ee Kililka shanaad ku xidheen halkaa, Wasiirku wuxuu intaa ku daray in dawlada Ethiopia a ay soo dirtay wefti balaadhan oo ay la kulmeen masuuliyiinta sare oo ka tirsan Somaliland lagana wada hadlay arrintaasina dhamaatay.

Dhanka kale kulnkaa gudida golaha wakiilada faahfaahin ka siiyay  hawsha uu hayo Taliyaha Ciidanka badda ee Somaliland Axmed Aw Cismaan waxanu yidhi “Ciidanka badda Somaliland waxa uu ka hawlgalaa Xeeb dhareerkeedu yahay 860km, marka ciidanka baddu waxa uu yahay mid ku filan ilaalinta xeebaheena, arinta ugu weyn ee ciidanku la dagalmaan waa budhcad badeeda, marka cidankeenu waa mid dhisan oo ku filan ilaalinta badeena ”Ayuu yidhi
Taliyaha Laanta socdaalka Maxamed Cismaan Calin, waxa uu ka hadlay arimaha socdaalka dalka waxanu yidhi “tan iyo 2001 waxa yaala tirada dadka soo gala dalka iyo kuwa ka bax, waanu diwaangalina meelaha ugu waaweyn ee dadku ka soo galan waxa ka mid ah Togwajaale, Lawyacad, Hargeysa, Berbera, inguuxa, Duruqsi,lascaanod iyo meelo kale, marka hawsha aanu haynaa waa mid baxad leh”Ayuu yidhi Taliyuhu
Gebegabadii waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Guddida joogtada ee Golaha wakiillada Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac waxaanu uga mahadceliyey masuuliyiintaasi ka soo qaybgalka kulankasi waxa kale oo uu daboolka ka qaaday in la kulanka Masuuliyiintu uu ka mid yahay xogogaal u noqoshada.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *