Hargeysa(ANN) Haweenay ayaa caawa fiidkii lagu toogtay magaalada Hargeysa,  saraakiisha booliska ayaa awoodi waayay inay ka hadlaan falkan isku dayo baddan oo ay shebekada Araweelonews samaysay. Laakiin warar ilo kala  duwan  oo dhinaca hawlwadeenada caafimaadka iyo booliska ah ayaa

 

noo xaqiijyay falkaa, waxayna sheegeen inay Boolisku ku daba jiraan cidii falkaa ka danbaysay.
Haweenaydaa  oo sida ay hawlwadeenada caafimaadka iyo ilo wareedyo dhinaca Booliska ahi noo sheegeen la yidhaahdo Ina Yuusuf Cabdi Shide, taas oo sida ay wararku sheegayaan ka shaqaynaysay qaybta laydhka ee National Full Station (Indha-birta), waxa  la keenay cusbitaalka Dr. Axmed Cabdi  iyadoo xaalad halis ah oo miyir doorsan ah ku jirta. Waxana ku dhacday rasaas tiradeeda  lagu sheegay laba xabadood oo caloosha kaga taal.
Warar aan si cad loo xaqiijin ayaa sheegaya in falkaasi dhacay cawayskii caawa. Kadib markii  gabadhaa si af-duub ah loogu qaatay gaadhaa. Kadibna lagu tuuray sheedaha oo dhinaca Woqooyi ka xiga magaalada hargeysa, halkaas oo laga soo qaaday iyadoo xaalad halis ah ku jirta.
Gabadhaa  oo ah Hooyo dhawr caruur ah haysata waxa   adeer u ahaa Marxuum Maxamuud Cabdi Shide oo  si weyn looga yaqaanay Somaliland ahaa nin mujaahid ah oo si weyn  uga qayb qaatay  horumarka  saxaafada xorta  ah ee Somaliland iyo halgankii dalka lagu xoreeyayba. 
wixii kasoo kordha warkaa kala soco araweelonews sacadaha soo socda
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *