Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta sameeyay isku shaandhayn iyo xil ka qaadis uu ku sameeyay masuuliyiin wasiiro iyo agaasimayaal, isla markaana magcaabay wasaaraddo  cusub oo golaha wasiiradda ah. War saxaafadeed

maanta kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa u qornaa sidan:- 

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)

Markuu Arkay:                            Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:                      Ahmiyadda wayn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay:                            In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday:                   Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,

Markuu ku Qancay:                     In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.

Waxa uu maanta  Digreetooyin Madaxweyne ku magacaabay Wasaaraddo Cusub iyo Wasiiradii xilalkaa buuxin lahaa sidoo kale waxa uu madaxweynuhu isku shaandhayn ku sameeyey Wasiirada iyo Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Dalka, Halka uu madaxweynuhu Digreeto madaxweyne  Xilalkii kaga qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska JSL iyo Wasiirkii Hore ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,  iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha, waxaanu madaxweynuhu Magacaabay Masuuliyiintii Xilalkaa buuxin lahayd.

Waxaanay kala yihiin sidan
NO
Magacyada Masuuliyiinta Cusub
Magacaabida
Wasaarada loomagacaabay
1
Cabdirisaaq Cali Cismaan
Waxa loo magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta
2
Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacmay)
Waxa loo magacaaba
Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga
3
Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan
Waxa loo magacaaba
Wasiiru Dawladaha Wasaaaradda Arrimaha Debeda
4
Xirsi Cali Xaaji Xasan
Waxa loo magacaaba
Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada
5
Cabdi Siciid Faahiye
Waxa loo magacaaba
Wasiirka Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka
6
Maxamed Saqadhi Dubad
Waxa loo magacaaba
Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL
7
Xuseen Axmed Caydiid
(Hore u ahaa Wasiirka Hawlaha Guud)
Waxa loo magacaaba
Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka
8
Ismaaciil Muumin Aar
(Hore u ahaa Wasiirka Cadaalada)
Waxa loo magacaaba
Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka
9
Maxamuud Raage Ibraahim
Waxa loo magacaaba
Agaasiamah Guud ee wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah
10
Axmed Dalal Faarax
Waxa loo magacaaba
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada
11
Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh)
Waxa loo magacaaba
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka
12
Maxamed Faarax Xirsi
Waxa loo magacaaba
Agaasimaah Guud ee Wasaarada Deegaanka iyo Horu-marinta Reer Miyiga
13
Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye
Waxa loo magacaaba
Agaasimaha Guud Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta
14
Siciid Axmed Jibriil
Waxa loo magacaaba
Agaasiamaha Guud  ee Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta
15
Axmed Cilmi Barre
Waxa loo magacaaba
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dib-u-dejinta
16
Xasan Cabdi Madar
Waxa loo magacaaba
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada

Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahadnaqaya mudadii ay xilkaa hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabiduba waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday
No    Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday    Xilka uu hayey
1    Cilmi Rooble Furre    Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska JSL
2    Maxamed Ibraahim Madar    Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka
3    Siciid Cali Wayrax    Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
4    Axmed Nuux Caalin    Agaasimihii Guud ee Hore ee Macdanta,  Biyaha iyo Tamarta
5    Axmed Cabdilaahi Rooraaye    Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta

Madaxweynuhu waxa uu Digreetooyinka Magacaabista, Xilka Qaadista iyo isku shaandhaynta ku amray masuuliyiinta ay khusayso in ay sida ugu dhakhsaha badan ula kala wareegaan Xilalka loo igmaday.

ALLAA                         MAHAD                             LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *