Hargeysa (ANN)Waiirka Arrimaha Gudaha Xisbiga Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa ka gubtay hadalo kasoo baxay afkiisa shalay mar uu waraysi siiyay Idaacada BBC, laanteeda Afka Soomaaliga oo uu kaga hadlay su’aalo laga weydiiyay dacwada Ninka Jarmalka ah ee loo haysto falalka

 ka baxsan dhaqanka iyo anshaxa Islaamka iyo wasiiro ka tirsan maamulka Puntland oo yimi dhinaca Buuhoodle
  Dr. Gaboose oo galabta ka hadlay dareenkii ka dhashay jawaabaha uu arrimahaa ka bixiyay ayaa qirtay inay saamayn ku yeesheen weedhaha la xidhiidha mawduucyadaa.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo wax laga weydiiyay eedaymaha iyo dacwada loo haysto Ninka Jarmalka ah, waxa uu  yidhi; “Horta qofkastaa dalka uu joogo waxa ku waajib ah inuu shuruucdooda iyo dhaqankooda ilaaliyo, dalkaasina ilaaliyo xuquuqda iyo karaamada qofkaa¸ markaa ninkan waxa soo qabtay hay’ada amniga sida ay soo sheegeen waxa weeyaan in falal aan ku haboonayn diinteena iyo dhaqankeena suuban lagu hayo, waxayna sida ugu dhakhsaha badan ugu gudbiyeen hay’adaha garsoorka oo hadda gacanta ku haya.
Anigu hoos uma hubo oo baadhihii arrintaa ma ihi, laakiin dhaqan xumo xagga bulshada ah weeyaan waxa lagu haystaa, aniguna indhahayga kuma arag (sawirada qaaqaawan ee la sheegay in ninka Jarmalka ah lagu hayo).
Ninkan Jarmalka ahi Xaq buu u leeyahay inu qareen difaaca helo oo waa nin deegaanka la xidid ah oo nin dalka ku yimi xididnimadaa oo shaqaysta wuxuuna xaq u leeyahay in qareen loo qabto, manuu waayin qareenkiisa,” ayuu yidhi wasiirka daakhiligu.”
Sidoo kale Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo la weydiiyay wasiirda Puntland ee ku sugan deegaanka Buuhoodle waxa uu yidhi; “Wallaahi aniga horta wararka I soo gaadhayaa waa run oo way jiraan wasiiro Puntland ah oo ka soo jeeda deegaanka oo ah reerka dhibaatadu dhan ka saamaysay, markaa waxay ku yimaadeen nin walba meeshuu doono ha joogo oo Yurub ama Puntland ha joogee waa reerkiisii oo dhibaatadu way saamaynaysaa.
Anagu uma aragno in [wasiirada reer Puntland] xumaan u yimaadeen ee waxay u yimaadeen inay nabadda qaybtooda ka qaataan. Dawladda Somaliland-na waxa ka go’an inay mamulka Puntland sideedaba kala shaqayso arrimaha nabadgelyada haday xadka tahay iyo haday tahay cidii dhibaato wada. Waayo cadaw midaysan baynu leenahay oo nabadgalyada halkaa ka sii xumaataa saamayn bay ku wada yeelan kartaa dawladda Somaliland iyo maamulka Puntland.
Markaa haddii sida naloo sheegay ay u yimaadeen (wasirradda Puntland) inay deegaankii ay ka dhasheen dhibatadiisa wax ka xaliyaan anagu wax dhibaato ah uma aragno,” ayuu yidhi Drt. Gaboose.
Jawaabta wasiirku ka bixiyay arrintaa ayaa noqotay mid si weyn uga duwan hadalkii wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe oo isniintii xafiiskiisa ku qabtay shir jaraaid ayaa digniin culus u jeediyay inay masuuliyiin ka socota Puntland yimaadaan halkaa, isla markaana ay xukuumada Somaliland ogolaanayn oo ay ciidamada ku amartay inay galaan gudaha Buuhoodle si loo sugo amaanka, wuxuuna isagoo ka hadlaya masuuliyiinta Puntland yidhi,

 “Waxa jira koox siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda Puntland oo ay ka mid yihiin rag wasiirro ah oo ujeeddada ay u socdaan tahay sida ay qas iyo isku dirid hor leh uga samayn lahaayeen dadka walaalaha ah..Uma dul qaadan karno”
Hase yeeshee weedhaha kasoo baxay Dr. Gaboose ayaa muujiyay debecsanaan kasoo baxday dhinaca xukuumadda Somaliland, iyadoo ay labada masuul weedhohoodii marxaladaa si kala duwan uga hadleen, taas oo keentay inay soo baxaan dareeno si weyn rayal caamka bulshadu u diideen. Sidoo kale Dr. Gaboose jawaabta uu ka bixiyay dacwada iyo eedaymaha Ninka jarmalka ah ayaa abuuray dareen guux iyo hadal hayn, iyadoo ay durba soo baxeen dhaleecayn ku waajahan wasiirka arrimaha gudaha, iyadoo durba xisbiga mucaaridka ee UCID ugu baaqay xukuumada in xilka laga xayuubiyo wasiirka arrimaha gudaha, Sida ay ku sheegeen qoraal kooban oo uu ku saxeexnaa xoghayaha guud ee xisbiga UCID Muuse Xaaji Maxamuud Guuleed (Muuse Inji), kaas oo u qornaa sidan;-
 
 
“Sidaynu wada ognahay waxa laba cisho horteed hadlay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha oo si fiican uga digay Puntland inay soo faragaliyaan nabadeynta labada beelood ee lagu heshiisiinayo Maygaagle.
 
Waxa Ummadda Somaliland la yaab iyo waxaan loo fadhiyin ku noqotay waraysigii BBC-du la yeelatay Wasiirka Daakhiliga Dr. Gaboose ee uu ku sheegay Wasiirada Puntland ee jooga Buhoodle inay iman karaan Somaliland oo ay ka qaybqaadan karaan nabadaynta labadaas Beelood.
 
Waxa hadaba is waydiin leh goorta iyo goobta ay Somaliland iyo Puntland ay ku heshiiyeen!!
 
 
Qaabkan uu uga hadlay Wasiirka Arimaha Guduhu arrintan waa wax gebi ahaanba baalmarsan shuruucda dalka u taala, gooni isu taaga iyo jiritaanka Somaliland. Waxaanay meel ka dhac ku tahay siyaasadii Wasaarada Daakhiliga ee loo igmaday loona dhaariyay; waxaanu ixtiraami waayey Wasiir ku xigeenkiisa oo sidii ku haboonayd uga hadlay arrintan. Waxaana waajib ku ahayd Dr gaboose in qadiyada Somaliland uu difaaco oo aanu ka hor imanin, doorkii ku haboonaana ka qaato.
 
Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelku (UCID) wuxu Xukuumada Somaliland u soo jeedinaynaa in xilka uu hayo Wasiirkaas laga xayuubiyo.”
 
 
Hase yeeshee Dr. Gaboose oo galabta ku qabtay xafiiskiisa ayaa qiray saamaynta ay ku yeelatay jawaabta uu ka bixiyay dacawada Ninka Jarmalka ah, wuxuuna  sheegay inay Bulshadu ogaato inay xukuumaddii ay doorteen gacanta ku hayso Ninkaa, isla markaana uu yahay eedaysane, balse aanu ahayn ilaa inta maxkamaddi ku xukumay denbi. Sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay dadweynaha inay is dejiyaan oo ay nabadgelyada ilaaliyaan, isla markaana aanay fara gelin haya’yadaha sharciga ee gacanta ku haya kiiskaa, isagoo balan qaaday in haddii ay ku cadaadaan denbiyada lagu eedaynayaa lagu xukumi doono wuuxu siiyo sharcigu oo illaahay iyo umaduba raali ka noqonayaan.
Dr. Gaboose waxa uu sheegay in aan loo baahnayn in sheekada Ninkaa si kale looga faaidaysan, isla markaana lagu kiiskiisa lagu qaadi doono Maxkamadda, balse aan Masaajidada iyo maqaaxiyaha suuqa lagu qaadayn.  Dhinaca kale Dr. Gaboose ayaa iska duway dhaleecaynta xisbiga UCID usoo jeediyeen oo ay ku baaqeen in xilka laga xayuubiyo, wuxuuna sheegay inuu xilka u hayo qaranka oo u shaqeeyo, isagoo yidhi, “Anigu qaranka ayaan u shaqeeyaa oo xilka u hayaa ee marka Faysal Cali Waraabe UCID madaxweyne noqdo ha la gaadho.”
 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *