-
Published On: Fri, Nov 26th, 2010

Bilawgii Budhcad-badeeda Xeebaha Soomalia Shebekadaha Xidhiidhsan, Shaqsiyaadka Qarsoon Iyo Jaah-wareerka Dunida Q.3aad

Smiley face
Share This
Tags

Gacan ku dhigista marsadaa ee C/llaahi Yuusuf waxay keentay inay halkaa ka bilaabmaan tahriibta, dhoofinta noocyada khayraadka dabiiciga ah ee soomaaliya iyo wax kasta oo mamnuuc ahaa xiliyadii nidaamyadii kala duwanaa ka jireen soomaaliya, waxaana xeebahaa ka dilaacay

noocyo kala duwan oo ganacsiyo maafiyo ah, kuwaas oo olole ku qaaday badda iyo berigaba, ilaa ay dadka deegaanka ee gobolada ay degaan ahaan xuduudaha wadaagaan si weyn uga qayliyeen mushkilada xaalufinta oo taabaty.

 Sidoo kalena dhinaca Badda ayaa si weyn looga dareemay waqtiyadaa xayawaanka iyo noolaha Badu soo tuftay markii ay bakhtiyeen, taas oo xaaluf dhinaca Badda ah laga dareemay deegaan xeebeedada usii jeeda gacanka cadmeed iyo dhinaca Badweynta Hindia ee Somalia , isla markaana deegaamada xeebaha ee woqooyi bari Puntland, Somaliland iyo xeebaha kulaalaya badweynta hindiya ee dhinaca koonfurta soomaaliyaba waxyaabaha lagu ururiyo qashinka sunta wershedaha oo mararka qaar kasoo caarya xeebaha aya lagu arkay, taas  sabatay inay gebi ahaanba yaraadaan  khayraadkii kala duwanaa ee ku jiray Badda.
Kooxaha kala duwan ee ugaadhsiga khayraadka Badda , Beriga iyo dadkii sida daadka uga soo qulqulayay magaalada Muqdisho ee doonayay inay ka Tahriibaan halkaa dhamaan waxay camireen magaalada Boosaaso oo ay u noqdeen ilaha dhaqaale ee ugu waaweyn, iyadoo dhamaan arimahaasi ahaayeen kuwii sababay inay dadyow kale oo ka baxsan qomiyada soomaalidu safaro dhaadheer u soo galaan halkaa si ay uga tahriibaan, taas oo markii danbe isu rogtay inay kuwa dadka tahriibiyaa ku kacaan falal naxariisdaro ah oo ka baxsan xuquuda aadamaha, iyagoo sida ay doonaan dadka ula dhaqmayay oo ay badweynta ku daadiyaan marka ay lacagta ka urursadaan, falalka foosha xun ee naxariisdara ah ee muhaajiriinta inta badan ka cararayay dagaalada ka socday magaalada muqdisho lagu kacayay iyo weerarada xaalufinta khayraadka Bada iyo beriga ee ka socday halkaa ayaa ahaa kuwo ay dadka deegaanka iyo siyaasiyiintoodu ka aamusnaayeen.
Marka aynu usoo noqono bilawgii budhcadbadeeda xiligii dhawr iyo sagaashaandkii waxa deegaankaa laga sameeyay kooxdii u horaysay ee ahayd bilawgii seeska budhcadbadeeda sida ka muuqata qoraalada Dukumentiyada halkan ku lifaaqan ee ku taariikhaysan 1997-kii, kuwaas oo la baxay ciidanka ilaalada xeebaha gobolka woqooyi bari (NERCO Guard), waxaana kooxdaa maamulayay Gen. Maxamed Abshir Muuse oo sheeganayay xiligaa gudoomiyaha jabhadii SSDF, waxaana yagleelida kooxdaa lagu magcaabay ilaalada xeebaha gobolka woqooyi bari, iyadoo uu  dhaqaalaha ugu badan ku bixinayay Eng. Maxamed Muunyo oo maamulayay raxan maraabiibta kaluumaysiga ee dawladii soomaaliya lahayd.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 Sidoo kale waxa jira shaqsiyaad ilaa labaatan xubnood gaadhaya oo  inta badan kasoo jeeda deegaankaa  iyo kuwa ku noolaa qurbaha  oo u dhashay Somaliland, isla markaana haysta dhalasho Yurub iyo maraykan ah oo kaalin weyn ku lahaa samaynta kooxdaa ujeedooyinka badan.
Lasoco….. qaybo kale oo mihiim ah.
 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>