London(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somlailand Axmed Maxamed maxauud Siilaanyo ayaa maalintii shalay kullan balaadhan kula yueeshay xarunta wasaarada arrimaha dibadda ee Ingiriiska wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan dalka Ingiriiska Md Henry Bellinham. Sidaa waxa lagu sheegay

 war-saxaafadeed uu soo diray afhayeenka wefdiga Madaxweynaha Somaliland.
Qoraalka war saxaafadeedka “Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, oo wali ay u socoto booqashadii ay ku jogeen dalka boqortooyada Ingiriiiska, ayaa fiidnimadii shalay ee taariikhdu ahayd 24,Nof,2010 habeenkii xalat saaka Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Ingriiska kula kulmay wasiirka arrimaha Afrika u qaabislan dalka Boqortooyada Ingiriiska Md. Henry Bellingham iyo saraakiil sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada.
Kulankan waxa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. maxamed C/llaahi Cumar, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalkan Britain Md Axmed Cumar Sangoore.
Madaxweynuhu wuxu uga xog waramay dedaalka Jamhuuriyada Somaliland ugu jirto dhisme qaran oo ku taagan Dimuquraadiyad, cadaalad, Maamul wanaag, iyo horumarka dhinacyada badan ee Somaliland ku tallaabsatay.
Wasiirka arrimaha Afrika ee Ingiriiska Md Bellingham, ayaa Somaliland ku amaanay dimuqraadiyada ka hanaqaaday iyo dedaalka ay ugu jirto sidii ay uga mid noqon lahayd beesha caalamka. Waxa kale oo uu ka xog waraystay Madaxwaynaha iyo waftigiisa xidhiidhka Somaliland la leedahay waddamada deriska.
Kulankan waxay labada dhinac si qoto dheer uga wada xaajoodeen sidii Somaliland uga mid noqon lahayd Ururka Barwaaqo sooranka ee Commentwealth, arrimaha Nabadgalyada, kor u qaadida mucaawimada dowladda Ingiriisku siiso Somaliland, iyo sidii dowladda Ingiriisku gacan uga geysan lahayd doorashooyinka Somaliland ee Baarlamaanka iyo Degaanka.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga Dr. Maxamed C/llaahi Cumar iyo Wasiirka qorsheynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire ayaa kulanka ka dib waxay warbixin dheeraada oo la xidhiidha arrimaha nabadgalyada, budhcad badeeda iyo siyaasada mandaqada siiyeen hawlwadeenada wasaarada arrimaha dibada ee Ingiriiska.
Dhinaca kale Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, oo booqasho ku jooga dalka boqortooyada Ingiriiiska, ayaa maanta waxa qado sharaf u sameeyay Wasiirka Arrimaha Africa ee Ingriiska Md. Henry Bellingham. Martiqaadka Qado sharafta oo ka dhacay xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Ingriiska gudaheeda. Waxa lagaga wada hadlay sii xoojinta xidhiidhka labada dal, iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada kala duwan ee nabadgelyada, dimuqraadiyada, horumarka bulshada, iyo arrimaha gobolka geeska Africa. Madaxweynuhu wuxu halkaa Md Bellingham uga mahadnaqay qado sharafta uu ku soo dhowayeeyay weftigiisa iyo kulankii saaka ay wada kulmeen.
Waftiga Madaxwaynuhu waxay isla galabta booqasho ku tageen Aqalka odoyaasha ee Barlamaanka (House of Lords), halkaas oo warbixin ay kula qaateen Waftiga Madaxwaynaha iyo Lord St. Johns of Bletso.
Allah Mahad Leh
Hersi Ali H. Hassan
Chief Of Cabinet
Hersi Ali H. Hassan.
Chief of Cabinet
Somaliland Presidentail Office

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *