images/stories/dr. m. abdulahi.jpgLondon (ANN)Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa khudbad ka jeediyay xarunta Daraasadadda iyo Falaqaynta Siyaasadda Caalamka ee loo yaqaano Chatham House ee ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu sharaxaad dheer kaga bixiyey qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxtooyada iyo sida ay Somaliland uga baahan tahay in ay ka hesho Aqoonsi caalamiga Beesha Caalamka. Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo booqashadiisii ugu horeysay tan iyo markii la magacabay ku tegey  wadanka Ingiriiska,

ayaa xarunta Daraasadadda iyo Falaqaynta Siyaasadda Caalamka ee Chatham House kula kulmay diblomaasiyiin shisheeye ah, cilmibaadhayaal, khabiiro ka faallooda siyaasada Geeska Afrika, suxufiyiin iyo saraakiil ka socda wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska iyo marti sharaf kale,kuwaas oo uu u sharaxay qaabkii Somaliland ay uga dhacday doorashadii madaxtooyadu. Dr. Maxamed Cabdillahi ka hadlay sidii nabadgalayada iyo xalaasha ahayd ee ay doorashadii madaxtooyada Somaliland dalka uga dhacday iyo sidii wanaagsanayd ee awoodda loo wareejiyay oo ku tilamaamay in ay ahayd mid Somaliland u soo horaysay sumacda weyn

Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalimiga ee Somaliland si dheer uga hadlay hawlaha culus ee horyaalla Xukuumadda cusub ee madaxweyne Axmed Siillaanyo,kuwaas oo ay ka mid yihiin qaar dhinaca nabadgelyada, dhaqaalaha, waxbarshada, Caafimaadka iyo biyaha,kuwaas oo uu dhamaantood sheegay in ay u baahan yihiin in lagu waajaho hawlagallo dawladeed oo deg deg. Wasiirku waxa uu sheegay in uu socdaal ku marayo waddamo ka mid ah Yurub oo gaadhsiinayo guulaha siyaasdadeed ee Somaliland ka gaadhay xagga doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda, una soo qadimaayo bulshada caalmaka qorshyaasha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshi ee xukuumadda cususb ku wajahayso arrimaha horyaalla dalka iyo sidii loo kobcin lahaa iskaashi xagga nabadaalayda iyo horumurka ee ka dhexeeya Somaliland iyo dunida.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *