wefdi1Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirrada wasaaradaha arrimaha debedda iyo Ganacsiga Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis iyo Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kuwaas

oo ka mid ahaa weftigii Madaxwaynaha u raacay dalka Faransiiska.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, oo qolka nashada ee madaarka Hargeysa saxaafadda ugu waramay ayaa sheegay inay la socdaan shan masuul oo ka mid ah shirkadda DETOL oo doonaysa inay maalgashato dekedda Berbera iyo Haamaha kaydka shidaalka Berbera.

Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxaan ku faraxsanahay in anniga iyo Wasiirka ganacsiga, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar aanu ka soo degmo Madaarka Hargeysa, waxa nala socda shirkadda la yidhaahdo DETOL oo aanu Berbera isku raacnay, weftigaas oo ka kooban shan qof waxay doonayaan inay eegaan Haamaha shidaalka iyo dekedda Berbera” ayuu yidhi.
Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland , waxa uu sheegay in shirkadda DETOl tahay mid dakhli malaayiin dollar ah macaashta sanadkii, isagoo yidhi, “Shirkaddani waxay ka mid tahay kuwa ugu waaweyn adduunka, dakhligeeduna sanadkii hore waxa uu ahaa saddex boqol iyo saddex bilyan oo dollar markaa waxay doonayaan inay maalgashadaan dekedda iyo Haamahaba”ayuu yidhi Biixi Yoonis.
Dhinaca kale Madaxweyne Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Seylici ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdiga ka socday shirkadda DETOL  oo kasoo laabtay booqasho gaaban oo ay ku tageen magaalada Berbera, iyadoo soo indha indheeyay Haamaha iyo Dekedda Berbera.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *