masar diyaarad1Qaahira(Araweelo News Network) Diyaarad kuwa Ciidamada Milateriga Masar ayaa ku bur-burtay duleedka Siinaay xili ay hawlgalo dhinaca cirka ah oo duqayn ahi ka socdeen deegaankaa oo ay ku badan yihiin dadka

 

taageera Ururka Ikhwaan Muslimiin ee Ciidamadu Inqilaabeen hogaamiyohoodii ku guulaystay doorashada Madaxweyna dalkaa.

Jariirada Al Ahraam oo soo xiganaysay sarkaal u hadlay Wasaaradda difaaca Masar ayaa lagu xaqiijiyay in diyaaradu bur-burtay, balse waxa lahu sheegay in ay sabab u ahayd cilad ku timi diyaarada, iyadoo lala’yahay duuliyihii diyaaradda.

Dhinaca kale koox la baxday  Ansaar Beytul Maqdis ayaa sheegay in  dhulka soo dhigeen diyaarada dagaalka xilli ay dul heehaabaysay deegaanka Alkhuruubah Waqooyiga gobolka Siinaay oo ay milateriga Masar hawlgalo ka wadeen tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweyne Musri, waxayna sheegeen in ay ku dhinteen shank a mid ah ciidamada Melleteriga.
Weeraro qaraxyo ka dhacay dalka Masar Jumcihii lasoo ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac in  kabadan 100 qof oo ciidanka Booliska u badan. Kadib qaraxyo lala beegsaday goobo iyo xarumo ay leeyihiin ciidamada Booliska Masar.
Dhinaca kale Xaalada Masar ayaa kacsan, iyadoo ay socdaan weeraro dhiigbadan ku daatay oo galay maalintii 2-aad, kuwaas  oo si xidhiidh ah uga socda magaalooyinka waaweyn ee dalkaMasar,ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay kadib markii ciidanka booliska iyo kuwa melleteriga ay shacab rayid ah rasaaseeyeen.

Weerarada  ayaa u dhexeeya Ciidamada Milateriga ee inqilaabka ku qabsaday dalka iyo taageerayaasha Madaxweynihii la inqilaabay ee Mursi oo ku jira xabsiga, waxaana maanta ka dhacay dalka Masar xus loo samaynayay sanadguradii sadexaad ee kasoo wareegtay markii xukunka laga tuuray hogaamiyihii dalkaa Xusni Mubaarak.
Dadka kala taageersan Dawlada Milateriga iyo kuwa kasoo horjeeda xukuumadda Milateriga ah ayaa isu waajahay shaaracyada, waxaana la sheegaya in qaraxyada ka dhacayadu kusii kordhayaan dalkaa, taas oo astaan u ah rabshadaha sii socda ee lagu diidanyahay xukunka Milateriga.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *