Osman HindiHargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyihii ololaha xisbigii UDUB Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Hindi) xilligana ka mid ah xooggaga dhexdhexaadka ah ee Somaliland, ayaa sharraxaad ka bixiyey xidhiidhka

ka dhexeeya siyaasadaha arrimaha dibadda iyo gudaha ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

“Ka-midho-dhalinta siyaasadda arrimaha dibaddu waxay ku xidhan tahay hadba wacyiga siyaasiga ah ee ka socda wadanka gudihiisa, markaa dalku hadduu amni yahay, deganaansho, maamul-wanaag iyo dimoqraadiyadna ka jirto, isla markaana mucaarid iyo muxaafid gacmaha la is haysto waa laga midho-dhalin karaa siyaasadda arrimaha dibada, guusha markasta laga gaadho siyaasadda khaarajiga waxay ka turjumaysaa wacyiga siyaasiga ah ee ka jira arrimaha gudaha. Markaa waxaan leeyahay aynu maanta ka midawno adkaynta siyaasadda arrimaha dibadda oo gacmaha isku qabsano sidii looga midho-dhallin lahaa, horumarna looga gaadhi lahaa siyaasadda khaarajiga dalka, loolanka xisbiyada iyo kala jiidashada kursigu waa halkiisa, laakiin arrintu yaanay noqon in aynu iska daba hadalno oo waraaqo iska daba qorno ama yaan lagu dhaqmin sidii hore u dhacday oo kale oo ahayd yaan Somaliland la ictiraafin inta Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin tallada dalka hayaan, markaas waxaas oo dhan inta aynu dhinac iska dhigno aynu u guntano sidii aynu adduunka uga dhaadhicin lahayn qadiyada madaxbannaanida Somaliland, una midawno siyaasadeena arrimaha dibadda,” ayuu yidhi Cismaan Cabdillaahi Cigaal.

Mr. Hindi oo la weydiiyey sida uu u arko wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ee ka dhacay dalka Turkiga, waxa uu sheegay in qoddobadda ka soo baxay wadahadalku yihiin qaar dan u ah Somaliland, mar haddii dawladda Soomaaliya aqoonsatay xasuuqii iyo tacadiyada taliskii Siyaad Barre u gaystay ummadda Somaliland.

“Xukuumadda talada haysa ee Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa loo doortay inay ka turjunto, isla markaana hagto siyaasadda waddanka, wadahadalkana meesha ay doonto ha u marto, laakiin waxa loo baahan yahay inay guulo ka keento wadahadalka Soomaaliya, waxaanan u sheegayaa ummadda reer Somaliland inay ku seexdaan oo ku toosaan in madaxbannaanida Somaliland muqadas tahay, cid beddeli kartaana aanay jirin waxa ummaddu goosatay, cid gorgortan ku geli kartaana ma jirto, balse xukuumadu albaabka ay doonaan iyo meesha ay doonaan inay garaacaan xor bay u yihiin, meelkastana wadahadal way kula geli karaan Soomaaliya, waxaana waajib ah in wadahadalkaas lagala soo noqdo waxyaabo guul u ah qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Cismaan Hindi, isagoo tilmaamay in wadahadalku ahaa mid loo fadhiistay sidii laba dawladood oo kala madaxbannaan.

Mar uu oo ka hadlay xaaladda xisbiga mucaaridka ah ee UCID waxa uu yidhi; “Xisbiga UCID waa xisbi weyn oo reer Somaliland ah. Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe isna waa guddoomiyihii ugu muddada dheeraa xisbiyada maanta ka jira Somaliland, waana xisbi da’yartu ku badan tahay, wuxuuna soo galay doorashooyin badan oo dalka ka dhacay, waana xisbi waayo-aragnimo siyaasadeed oo dheer leh, sida runta ahna xisbiga UCID cuddudiisa iyo xooggiisu waxa uu ka muuqdaa Caasimadda Hargeysa iyo guud ahaanba Gobolka Maroodi-jeex, waana xisbi reer Hargeysa ah oo degmooyinka caasimadda taageerayaal ku leh, laakiin xisbiga UCID si uu hore ugu maro, una helo taageero badan, waxaan odhan lahaa waxa la gaadhay xilligii xisbigu yeelan lahaa hoggaan cusub oo uu guddoomiye Faysal meesha u bannayn lahaa. Eng. Faysal Cali-waraabe waa nin aan abti u ahay, isla markaana aan aad u qadariyo, sharaf iyo ixtiraam weyna aan u hayo, waana nin sida runta ah taariikh weyn ku leh Somaliland oo mudan in taalo weyn looga sameeyo Hargeysa, isaguna uu u bannayn lahaa hoggaaminta xisbiga UCID.”

Waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha ummaddu ka filaysay xukuumadihii kala dambeeyey ee soo qabtay talada dalka Somaliland, isagoo xusay in marxuum Cabdiraxmaan Tuur, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale mid waliba qayb libaax ka soo qaatay dhismaha nabadgelyada, xasilinta, horumarinta iyo dimoqraadiyadaynta dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

“Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa ummaddu ka filaysaa inay xoojiso horumarka, dhaqaalaha la kobciyo, lana yareeyo shaqo la’aanta iyo tahriibka, la dhiso waddooyinka isku xidhaya gobolada iyo degmooyinka dalka, waxaanad mooddaa in hadda siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland u leexatay dhinaca kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashida dal, iyadoo la diyaarinayo siyaasad lagu soo jiidanayo maalgashiga dibadaha, tujaarta waaweyn ee caalamiga ah iyo shirkaddaha maalgashiga, arrimahaas oo dhana waxay ka muuqdaan dedaalka siyaasadeed ee arrimaha dibadda Somaliland,” ayuu yidhi Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi) isagoo tilmaamay in xisbiyada mucaaridka ahi xaq u leeyihiin inay xukuumada saxaan, una sheegaan dhalliilaha iyo meelaha galdaloolooyinku ka muuqdo.
Cismaan Hindi ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddu wadahadalka Soomaaliya ka qaybgalisay Golaha Wakiillada Somaliland oo metala shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo xusay in aanay xisbiyadu qaranku metelin dadweynaha, balse ay yihiin salaanka hannaan dimuqraadi ah lagula kala wareego tallada dalka.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *