Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrrimaha Debeda Somaliland Dr.  Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa si kulul u weeraray Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, isagoo usoo jeediyay inuu meel iskaga tiiriyo eedo la xidhiidha inuu lug ku lahaa mu’aamarado  iyo shirqiloo

 

Taliskii Siyaad Barre u dhigeen Ururkii Aqoonyahanka reer Somaliland ee UFFO, oo qaar ka mid ah Maxkamaddii Badbaadadu xukunno dilal iyo xabsi daayin ku xukuntay badhtamihii Sideetannaadkii.
Wasiirku wuxuu sidaa ka sheegay mar uu maanta saxaafada kula hadlayay Madaarka Cigaal International ee magaalada Hargeysa. Kadib markii uu kasoo  laabtay socdaal qaatay muddo saddex todobaad ku dhow oo uu dalka Ingiriiska kaga qeyb galay shirkii la magac baxay Wilton Park, ee dawlada Britain  qaban qaabisay, kaas oo lagaga hadlayay sababaha fashilaya dedaalada nabad raadinta dalka qalalaasuhu hadheeyay ee Somaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa.
Wasiirka waxa madaarka Hargeysa si xamaasad leh u soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada, Xildhibaano, Haween iyo saraakiil ka tirsan Ha’yadaha dawliga ah.
Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar wuxuu shir saxaafadeed oo uu ku qabtay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa uu tafaasiil kaga bixiyay shirkii uu ka qeyb galay waxaanu yidhi “Waxaan hawl qaran ugu maqnaa dibadda, waxaan doonayaa in shirkaas aan ka qayb galay iyo dodo kale oo ay arrinaasi curisay in aan kalmado kooban ka idhaahdo.
Waxaan ka qayb galay shir caalami ah oo ay abaabushay dowladda Ingiriiska oo kamid ah dowladaha saaxiibtinimada iyo wada shaqayntu ka dhaxayso Somaliland. Shirkaas waxa uu ahaa shir caalami ah, waxaa ka soo qayb galay dowlado badan, waxaa ka mid ahaa afar dowladood oo kamid ah shanta dowladood ee golaha Amaanka ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo ay ka mid ahaayeen dowladda Maraykanka, Ingiriiska, Shiinaha iyo Garmalka. Waxa kale oo ka soo qayb galay siddeed dowladood oo ka tirsan wadamada reer Yurub ee deeq bixiyayaasha ah. Waxa kale oo shirkaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan ururada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika. Waxaa iyaguna ka soo qayb galay wadamada Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti. Waxa kale oo ka soo qayb galay Somaliland iyo Soomaaliya.
Ujeedada shirkaasi waxay ahayd in laga wada hadlo arrimaha amaan darrada ah ee ku sii kordhaya Soomaaliya iyo sidii wadamada ay arrintaasi khusayso ee geeska Afrika iyo wadamada daneeya nabadgelyada adduunkuba ay uga wada tashadaan sidii wax looga qaban lahaa ama loo yarayn lahaa mushkiladdaa daba dheeraatay ee ay ugu horayso amaandaraddu ee ka jira Soomaaliya.
Shirkan waxa si toosa loogu soo casuumay dowladda Somaliland oo ay ku soo casuuntay dowladda Ingiriiska oo iyadu qaban qaabisay, guddoominaysayna, casuumadaa waxa barbar socday in Somaliland ay shirkaas kaga qayb gasho iyada oo matalaysa shacabka iyo qaranka Somaliland oo aanay ka soo qayb galkaas aanay cid kale marti uga noqonayn.
Waxa kale oo ka qayb galka Somaliland shirka lagu casuumay ka mid ahaa in Somaliland ay ka hadasho shirka oo sida dowladaha kale ee Geeska Afrika ee ay saamaynta ku leedahay nabad gelyo darada ka jirta Soomaaliya ay shirka uga hadlayaan fakir iyo talana uga soo jeedinayaan in ay Somalilandna uga hadasho.
Ka qayb galka shirkaas caalamiga ah ee Somaliland waxa ay ka dambaysay oo uu salka ku hayay, kadib markii casuumad ay dowladda Somaliland ka tashatay, waxaanu go’aan sanay in ay arrintani tahay arrin taariikhi ah, markii ugu horaysay ee qaranka Somaliland lagu casuumo shir caalami ah oo baaxaddaa leh lagana wada hadlayo sidii arrimo amaan darro ah oo mandaqada ka jira Somalilandna saamayn toosa oo gaara ku yaha laga wada hadlayo sidii wax looga qaban lahaa. Ka qayb galka iyo doodiisa iyo go’aan qaadashadiisu waxay ahayd sidaa.
Aniga oo ah wasiirkii arrimaha dibada Somaliland, madaxweynuhuna ii igmaday in aan siyaasadda arrimaha dibada ee dalka ka shaqeeyo, waajibaadka ugu horeeya ee isaaranina uu yahay in aan ictiraaf u raadiyo dalka, in aan xidhiidhka Somaliland ee caalamka ka shaqeeyo, in aanu arrimaha na khuseeya ee khatarta nagu haya ka hadalno ayaa shirkaas ka qayb galay iyada oo ay tahay talo qaran oo xukuumadda Somaliland gaadhay.”
Wasiirku wuxuu si kulul uga jawaabay hadalo ka soo yeedhay Guddoomiyaha UCID oo lagu duray ka qeyb galka Somaliland ee shirkaasi, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Dadka shirkan doonayay in ay marin habaabiyaan ee xisbiyada mucaaridka ah waxaa ka mid ah oo runtii arrimo aan u arko dheeraadba ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, waxaanu ka hadlay arrimo aan meesha oolin, taasina waa mid nasiib darro ah, waxaanan ugu baaqayaa Faysal in uu arrimahaas iska ilaaliyo.
Eedayntaas waxaan doonayaa in aan jawaab kooban ka bixiyo, sababta oo ah way soo noqnoqotay, inkasta oo ay adagtahay in laga jawaabo hadalada Faysal, oo runtii siyaasaddiisu ay tahay mid bood bood badan, meel gaar ah oo loogu hagaagaa aanay jirin. Haddana waxaan doonayaa in aan ka hadlo hab dhaqanka siyaasadda Faysal. Anigu waxaan u aqaanaa ma gudbe siyaasadeed oo shacabiga Somaliland ay doorasho cad ku diideen laba jeer in ay doortaan. Waxaana ka mid ah waxyaabaha lagu diiday boodka boodka badan, fudaydka iyo ka fiirsasho la’aanta badan.”
“Hadaladdii uu Faysal yidhi,  waxaa ka mid ahaa in shirkaas caalamiga ahaa ee uoo caalamka oo dhami ka qayb galay in uu sababi karo in Somaliland gobol gobol u kala go’do. Arrintaasi waxaanu u aragnaa mid xaalad abuur ah oo qarankan wax yeeli karta, waxaanu shirkii aan ka qayb galay ku tilmaamay khiyaamo qaran. Ma garanayo qof reer Somaliland ah oo khiyaamo qaran galayo oo aan Faysal Cali Waraabe ahayn. Faysal weli meel iskagama muu tiirin eeddii dhowrka jeer ee hore loo soo jeediyay oo ku xidhiidhinaysay dhibaatooyinkii loo geystay Ururkii aqoon yahanka ahaa ee UFFO ee dalka u shaqeynayay,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.
Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibedu  markii uu dhamaystay hadalkiisa waxa uu ka kacay madashii,  isagoo aan ka cudur daaran su’aalihii ay diyaar ula  ahaayeen Suxufiyiintii goobta ku sugnaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *