Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal qaatay todobaad oo uu ku tagay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.

Wasiirka oo maanta u waramayay saxaafadda ayaa sheegay in socdaalkiisu ku soo dhamaaday guul waxaanu intaasi ku daray inuu kulamo lagu sii xoojinayay xidhiidhka iyo iskaashiga dalalka dariska uu la yeeshay Madaxweynaha dalka Jabuuti, Wasiirka Arrimaha dibada ee Jabuuti “Waxaan dalka Jabuuti socdaalkii aan ku tagay kulamo la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti iyo Madaxweynaha dalkaasi Md. Ismaaciil Cumar Geelle waxaanu ka wada hadalnay sidii loo sii adkayn xidhiidhka labada dal waxaanan uga mahad celinayaa madaxweynaha iyo xukuumada jabuuti siday ii soo dhaweeyeen ee walaaltimadda lahayd,”ayuu yidhi Wasiirku.
Dr. Cabdilaahi Cumar, waxa kale oo uu sheegay in uu dalka Itoobiya kula kulmay dhigiisa dalkaasi oo ay ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa cilaaqaadka labada dal iyo ilaalinta nabadgelyada mandaqada geeska Afrika.
Wasiirka Dibadu waxa kale oo uu sheegay inuu dalalka Jabuuti iyo Itoobiya kula kulmay Safiirada dalalka Britain iyo Maraykanka, kuwaas oo sida uu xusay kala hadlay sidii wadamadoodu gacan u siin lahaayeen qadiyada aqoonsiga Somaliland, isla markaana loo xoojin lahaa xidhiidhka dalalka jaarka ee dhinacyada wada shaqaynta iyo rrimaha dhinaca amaanka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *