Hargeysa(ANN) Wefti ay hogaaminayso Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland, Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris), ayaa booqatay maanta Xarunta Agoomaha ee  magaalada Gabiley, halkaas oo ay  gaadhsiisay xarunta agoomaha ee magaalada Gabiley deeq

 isugu jirta Raashin iyo Kabo.
Marwada koobaad ee Madaxweynaha Aamina Weris waxa weheliyey booqashadaa Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Ganacsade Xaaji Axmed Daahir Baxsane.
Munaasibadii deeqda lagula kala wareegayey oo ay ugu horeyn hadal ka jeedisay Marwo Aamina Waris, ayaa sheegtay in gargaarkani uu yahay mid hordhac u ah deeqo is daba joog ah oo loo fidin doono xarunta agoomaha ee magaalada Gabiley, iyadoo xustay inay dedaal weyn ugu jirto sidii dadka danyarta ah iyo kuwa jilicsan loo kaalmayn lahaa.
Marwadu waxay ugu  baaqday ganacsatada iyo Hay’adduhu inay taageeraan xarumaha agoomaha iyo naafada ee dalka,  iyada oo balan qaaday in dhinaca xukuumadda wixii kaga xidhan ay iyadu dedaal u geli doonto sidii wax loogu qaban lahaa bulshada qaybaheeda jilicsan.

Deeqdan oo ay si wadajir ah u bixiyeen Xaaji Axmed Daahir Baxsane oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalka iyo Marwada kowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Waris, ayaa waxa iyaduna hadal kooban ka jeedisay, Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, taas oo sheegtay in xarunta agoomaha ee Gabiley ay ku kordhin doonaan hool cunto oo ay caruurta agoomuhu wax ku cunaan, waxaanay balan qaaday in ay macalimiinta ka hawl gala xaruntan ay wasaaraddeedu siin doonto mushaharka.
Xaaji Axmed Daahir Baxsane oo isna gabagabadii munaasibada hadal kooban ka jeediyey, ayaa balanqaaday in xaruntan uu ku kordhin doon dhismayaal cusub, isla markaana aanu waxqabadkiisu ku eekaan doonin kaalmadan uu hadda u fidiyey.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *