Muqdisho (ANN) Khilaafka ka dhashay qaabka codka loogu qaadayo Raysal wasaaraha cusub ee Somalia ayaa cirka isku shareeray, kaas oo hada u gudbay muran ka aloosan Madaxweynaha dawlada taagta daran Sh. Shariif iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Shariif Axmed.

War ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay inuu  ku  adkeystay Guddoomiyaha Baarlamaanku in  codka loo qaadayo Ra’iisal Wasaaruhu noqdo mid qarsoodi ah, balse  ay tahay mid aan waafaqsaneyn Axdi Qarameedka iyo dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya toona. Sida ay sheegayaan tibaaxaha wararka laga helayo  Kulan ay maanta wada yeesheen labada dhinac ayaa noqday mid aan waxba laysku afgaran, balse waxa jira warar sheegaya in kulamo danbe loo balamay.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa qoraalka uu kaga jawaabay eedaymaha Madaxweyne Shariif u jeediyay, waxa uu ku sheegay mid aan ku fadhiyin wax sharci ah, isagoo qoraalkiisu u dhignaa sidan, “Sida ku cad war-saxaafaddeedkii kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha 24kii October, 2010 in Baarlamaanku uu leeyahay awood ansixinta iyo diidmada Ra’isal wasaaraha magacaaban. Waxaan halkan ku cadaynayaa in dhowrista shuruucda dalka u taala ay tahay waajibka muqadas ah oo ka wayn rabitaan iyo ujeeddooyin gaar ah. Masdarka ama isha koowaad ee sharciga DFKMG ah ku howlgalayso marxaladda kumeelgaarka ah waa Axdiga KMG ah, Xeer hoosaadka Baarlamaanka iyo shuruucda kale ee dalka wixii intaa kasoo hara ee uu dastuurkii liixdankii ku jiro waa masdarka ama isha labaad.
Waxaan mugdi ku jirin sida ku cad Axdiga KMG ah qodobkiisa 33aad in Baarlamaanku uu leeyahay awooda doorashada Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Kalsoonisiinta wasiirka koowaad iyo golihiisa iyo kalanoqoshada intaba, waxaa sidoo kale islaqodobkaas farqaddiisa 1aad xarafka (F) ku cad in waajibaadka Baarlamaanka ay ka mid tahay dejinta xeerhoosaadka, kaasoo qeexaya howlsocodsiinta Baarlamaanka oo ay ka mid tahay tafaasiisha doorashada Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, kalsooni siinta wasiirka koowaad iyo golihiisa wasiirada iyo kala noqoshada intaba waxaa sidoo kale isla qodobkaas farqaddiisa 1aad xarafka (F) ku cad in waajibaadka Baarlamaanka ay ka mid tahay dejinta xeer hoosaadka, kaasoo qeexaya hawlsocodsiinta baaramaanka oo ay ka mid tahay tafaasiisha doorashada Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, kalsooni siinta iyo ka qaadida wasiirka koowaad iyo xukuumada. Taasi waxay tilmaan cad u tahay in xeer hoosaadku uu dhamaystir iyo fasiraad u yahay Axdiga KMGah oo ah isha koowaad sharciga xiliga ku meelgaarka ah.
Sidaas darteed Guddoomiyaha Baarlamaanka isagoo cuskanaya qodobka 49-aad farqadiisa 1-aad ee axdiga qaranka oo lala aqrinayo qodobka 40-aad farqaddiisa 33-aad ee xeerhoosaadka Baarlamaanka, kaasoo dhigaya in hadii codayn gacantaag ah ay 13 xildhibaan ama ka badan dalbadaan in qarsoodi laga dhigo mudnaantana la siiyo codaynta qarsoodiga ah, laakiin codaynta qarsoodida lagama dhigi karo gacantaag, hadaba codaynta kalsoonisiinta wasiirka koowaad ma noqon karto gacantaag sida uu qabo qodobka 34-aad ee xeerhoosaadka kaasoo qeexaya in kalsoonisinta wasiirka koowaad ay tahay qarsoodi wuxuuna u qoran yahay sidatan:
“Xukuumadda oo ka kooban wasiirka 1aad, ku xigeenaddiisa, wasiiradda, ku xigeenaddooda, Barnaamijka ay ku shaqeyn doonto oo qoraal ah iyo qaabdhismeedkeeda, waa in la horkeenaa golaha wasiirada, lana waydiisto codka kalsoonida ah (30) cisho gudahood, laga bilaabo maalinta la magacaabo wasiirka koowaad, Golaha Baarlamaanku wuxuu go’aankiisa ah kalsooni siinta xukuumada ku meelmarinayaa codayn qarsoodi ah iyo aqlabiyad haldheeri ah tiradda xubnaha Golaha iyadoo laga reebayo tiradda kuraasta banaan”
qodobka 40aad ee xeerhoosaadka kuma saabsana hindise sharciyeedka sida ku cad warsaxaafaddeedka madaxweynaha ee wuxuu ka hadlayaa sida uu cinwaankiisu ahay “noocyadda codaynta” isagoo u qaybiyey codayn gacantaag ah iyo mid qarsoodi ah waxaa wax laga xumaado ah in madaxweynaha oo sharci dhowra ah uu codaynta gacantaaga ah amro in la hirgeliyo halka uu codaynta qarsoodiga ah ee sharciga ah amray in la joojiyo, taasoo faragalelin qaawan ee hawlaha baarlamaanka iyo hamsami u socodkiisa Axdiga qaranka xeerhoosaadka iyo shuruucda dalkaba waxay ka midaysan yihiin in xildhibaanka xoriyadiisa la dhowro kuna codeeyo xaalad caddaadis iyo cabsiin ka maran, taasina ma suuroobikarto hadii uusan codkiisa qarsoodi noqon.
Sida ku cad qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha in golaha baarlamaanku codka uu kalsoonida ku siinayo ama ugu diidayo wasiirka koowad uu yahay haldheeri tiradda xubnaha xaadirka ah, waxaa madaxweynaha xusuusinayaa in arrintaasi jebinayso qodobka 51aad farqaddiisa koowaad ee Axdiga qaranka iyo qodobka 34aad farqadiisa koowaad ee xeerhoosaadka kuwaasoo si cad u qeexaya in kalsooni siinta iyo kala noqoshada wasiirka koowaad iyo xukuumadda ay tahay 50+1 tirada guud ee baarlamaanka wuxuu sidoo kale jebinayaa qodobka 39aad ee Axdiga qaranka farqaddiisa labaad kaasoo cadaynaya in madaxweynuhu awoodiisa u guto si waafaqsan axdiga iyo shuruucda dalka.
Madaxweynaha wuu gutay xilkiisi magacaabista ra’isal wasaaraha waxaan si xushmad leh uga codsanayaa in uu baarlamaanka uga  haro waajibaadka dastuuriga ah ee kalsooni siinta ra’isal wasaaraha waana in uu baarlamaanka ka daayaa cadaadiska iyo faragelinta si uu xaqiisa dimoqraadiga ah u fuliyo waxaa kaloo ka codsanayaa in uu ilaaliyo midnimada iyo wada shaqaynta hay’addaha dowladda ee haatan ka soo baxay khilaafka waa in aan tixgelinaa baahida shacabka iyo baaqa beesha caalamka ee sida isdaba jooga ah u dalbanaya wadajirka iyo wada shaqaynta hay’addaha dastuuriga ah waxaan dhinacayga, anigoo ku hadlaya magaca Baarlamaanka balanqaadayaa wadashaqaynta iyo wadajirka hay’addaha dowliga ah.
Waxaan beesha caalamka sida UN-ka, AU, IGAD, LAS, OIC, EU, and US iyo dhamaan dowladdaha saaxiibka la ah Soomaaliya ka codsanayaa in ay gacan ka gaystaan xalinta qalalaasha siyaasadeed ee taagan kaasoo dhaawici karta jiritaanka hay’addaha dastuuriga ah ee (TFI).
Gabagabadii waxaa dhamaan xildhibaanada baarlamaanka ugu baaqayaa in ay ka soo qaybgalaan kulanka baarlamaanka ee kalsooni siinta ra’isal wasaaraha magacaaban arbacada 27/10/2010 waxaan AMISOM ka codsanaynaa in ay amniga adkeeyaan, maadaama ay soo baxeen warar iskhilaafsan oo dhiilo xambaarsan kuwaasoo abuuri kara khalkhal iyo qalalaaso, sidoo kale waxaa beesha caalamka  ugu baaqayaa in ay nagu gacan siiyaan nabadgelyada iyo habsami u socodka hawlaha Baarlamaanka soona diraan goobjoogayaal xaqiijiya natiijada kalsooni siinta ra’isal wasaaraha magacaaban.” Ayaa lagu yidhi qoraalka gudoomiyaha Baarlamaanka.
Ma jiraan astaamo muujinaya inay xaalada khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweynaha dawlada taagta daran iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia sal dhigayaan, isla markaana waxa ka muuqata qoraalka gudoomiyaha cabsi iyo wer wer uu ka qabo khilaafka xiligan ka dhashay raysal wasaaraha cusub ee ansixinta dhinaca Baarlamaanka iyo saamaynta uu ku yeeshay Ha’yadaha ugu sareeya xukuumada taagta daran ee ay dagaalada ba’an kula jiraan kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam, iyadoo uu gudoomiyaha Baarlamaanku qaylo dhaan u diray dalalka iyo dawladaha taageera dawlada taagta daran.
Si kastaba ha ahaatee maalinta Arbacada ee fooda inagu soo haysa ayaan la saadaalin Karin sida wax u dhici doonaan, balse waxa aad u yar rajada laga qabo inuu kulanka Baarlamaanku qabsoomo, ama haddii uu qabsoomo in lagu heshiin doono qaabka codka loogu qaadayo  Raysal wasaaraha magcaaban, taas oo ah mushkilada muranka iyo khilaafka hadda taagan ee gaadhay Madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka.
 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *