Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi  ayaa jawaabo iyo sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay shirkii uu dhowaan kaga qaybgalay dalka Britain ee hadal hayntiisu badatay, isla markaana xisbiyada mucaaridka Somaliland si weyn ugu dhaleeceeyeen ka qaybgalkiisa.

Dr. Maxamed C/llaahi waxa uu sheegay inay ahayd inay shirkaa ka cadhoodaan dawladda ku meelgaadha ee Somalia iyo dadka Soomaaliya, balse aanay ahayn inay dadka Somaliland ka cadhoodaan, maadaama uu shirku ahaa mid Somaliland waaya aragnimadeeda iyo khibradeeda looga faad’idaysanayay ee aanu ahayn shir lagu heshiisiinayay Soomaalida.
Wasiirku wuxuu sidaa ka sheegay  fadhigii golaha wakiilada Somaliland ee maanta oo su;aalo arrimahaa la xidhiidha lagu weydiiyay. Kulankaa oo uu  guddoominayay guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), waxa uu wasiirku si adag ugu difaacay ka qaybgalka shirkii muranka badan ka dhaliyay gudaha iyo dibadda somaliland.

Wuxuuna xusay in shirkaasi ahaa mid ahmiyad iyo danno gaar ah ugu fadhiyay Somaliland, isla markaana ay Somaliland kusoo bandhigtay aayahaeeda mustaqbalka iyo mawqifkeeda siyaasadeed ee xalka mushkilada Somalia.

Dr. Maxamed C/llaahi ayaa  wada hadal ay Somaliland la gasho dawlada ku meel gaadhka ah ee Somalia wuxuu  ku tilmaamay mid aan wakthtigan suurtogal ahayn, taas oo uu dabrayo buu yidhi dawlada ku meel gaadhka oo aanay taladu iyada ka go’in
Mudanayaal door ah ayaa wasiirka su’aalo la xidhiidha shirkii uu ka qaybgalay dhowaan ee lagu qabtay Britain iyo arrimo kale oo la xidhiidha siyaasada arrimaha debeda Somaliland madasha ku weydiiyay.
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ahaa mudanayaasha wasiirka nasiibka u yeeshay inay su’aalo weydiiyaan ayaa ku bilaabay sidan, “wasiir waxa aad sheegtay in meeqaam sare lagugu soo dhaweeyay shirkii aad ka qayb gashay, isla markaana  aad ka akhriday warbixin dheer, markaa maxaa ka jira wararka sheegaya in meeqaamka lagugu soo dhaweeyay uu ahaa mid heer goboleed soomaaliya ah, wax warbixin ah oo aanad ka jeedisayna aanay jirin.

Su’aasha kale ee aan jeclahay in aan ku weydiiyaa waxa ay tahay in diyaar ma u tahay in aad soo hor fadhiisato Somalia, si aad ugala hadasho qadiyadeena?

Wasiirka Arrimaha Dibada:”Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, aad buu u mahadsan yahay, su’aasha aad sheegtayna waxa aad tidhi waa laba laakiin way badnaayeen, markaa waxa aan doonayaa in mid walba sideeda kaga jawaabo, ma ka hadashay shirka.

“Waxa aan filayaa cadayn intaas ka badan in aanan samayn karayn, shirka waan ka hadlay waxaanan ka soo jeediyay khudbad, waxa igu maqaalo ah in wargeysyada dalku ay waraysi toos ah ka qaadeen afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada Inigiriiska oo khudbadii aan halkaas ka jeediyay maanta ka hadlay, weli maan arag laakiin wargeysyada dalka ayay ku qoran tahay.

Laakiin shirkaas caalamiga ah waan ka hadlay xildhibaan, runtiina waxa uu ahaa mid meeqaam wanaagsan, waxaanu ahaa shir caalami ah oo fursad qaali ah ugu fadhiyay Somaliland, waana shirar dib u heshiisiimeed oo dawlad gaar u ah Somalia loogu samaynayay, shirarkaasina waxa ay ka dhacaan dalalka aynu jaarka nahay, kamana dhacaan shirarka caalamiga ah.

Shirarkaas waxa runtii ka qayb gala kooxaha isku haya awooda Somalia, kuwaas oo ay iminka tiradoodu aad u soo kordhayso, dawlada Somaliland kama qaybgalayso shirarka caynkaas ah, laakiin waxa ay ka qayb galaysaa shirarka caalamiga ah ee uu xildhibaan Buubaa ku taliyay in laga qaybgalo, kuwaas oo ah shirarka ay dunidu isugu imanayso, waxaanan aaminsanahay inay ka helayso meeqaam siyaasadeed oo aad u sareeya, marka ay shirarkaas ka qayb gasho waxa ay ka soo jeedinaysaa fekerkeeda, kuwas weeyaan shirarka ay Somaliland ka qayb gelaysaa, kuwii aanu ka qayb galnayna kaas oo kale ayuu ahaa” ayuu kaga jawaabay wasiirka arrimaha dibada Somaliland.

Sidoo kale wuxuu ka  jawaabay su’aal  kale oo uu xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ka weydiiyay bal inay u qorshaysan tahay siddii ay ula hadli lahaayeen dawlada ku meel gaadhka Somalia, wuxuuna yidhi, “Ta aad leedahay ma la hadlaysaa dawlada ku meel gaadhka Somalia, waa dawlad ku meel gaadh ah oo fulinaysa sidii ay dalka Somalia la yidhaahdo uga hirgelin lahayd dhisme, dawlad heshiis geli karta maaha, waxaana gacanta ku haysa Qaramada Midoobay heshiisyada ay doonayso inay dawladaha kale la gashana waxa qorshaysa qaramada midoobay, markaa arrintaasi halkaas ayay taalaa, marka ay timaado dawlad dhisan oo ay yeeshaan dadka reer Somalia, wuu iman karaa in aanu wada hadal la yeelano, laakiin hadda taasi ma dhacayso” ayuu yidhi.

“Shirkan waxa ay ahayd in ay ka cadhoodaan dadka reer Somalia iyo dawladoodu, laakiin may ahayn in ay reer Somaliland ka cadhoodaan, waxa ay ahayd inay TFG-du waxa ay ku dacwoon karaysay waxa shirkan caalamiga ah ee keenay Somaliland” ayuu yidhi

Xildhibaan  Maxamed Cali Xirsi oo ka mid ahaa mudanayaasha maanta wasiirka su;aalaha weydiiyay ayaa yidhi, “Waxa aad ka qayb gashay shir lagaga hadlayay arrimaha Somalia, markaa waxa aan ku weydiin lahaa sharcigii dalka u yaalay miyaad jabisay mise maad jabin?

Dr. Maxamed C/llaahi Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland : wuxuu yidhi, Su’aashaa nuxurkeedu waxa uu taabanayaa wasiir sharcigii miyaad jabisay mise maad jabin, xildhibaan sharci aan jabiyay ma jiro, waxa aan ka qayb galay shir uu caalamku isugu wada yimid isla markaana lagaga hadlayay mandaqada Geeska Afrika, arrimaha ugu badan ee dalkeenan horyaala waa kuwo aad u badan, waxaana ka mid ah khatarta ay inagu hayaan kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama Koonfurta Somalia, kuwaas oo aynu ognahay hanjabaada iyo waliba digniinaha ka soo yeedhaya, tiroba dhawr jeer oo hore ayay dalkeena weeraro ku soo qaadeen, dakhliga dalkeena soo galaa difaaca dalka.

Waxa aynu iska difaacaynaa waa kooxaha argagaxisada ah, dhamaanba waxyaabahaas dalkeena khatarta ku hayaa waxa ay kasoo bilaabmaan koonfurta Somalia, difaacu waxa uu ka dhacaa shirarka caalamiga ah ee ka dhacaya dunida, isagoo yidhi, “Waan ku khilaafsanahay mudanaha sharafta leh, in aanu fahmin qiimaha istaartijiga ah ee uu shirkani u leeyahay Somaliland ee ay dunidu wada arkayso” ayuu yidhi.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *