Hargeysa(ANN)Falkii gubashada gurayaha xaafada News Hargeysa oo si weyn u jaah wareeriyay bulshada ku dhaqan caasimada Somaliland dhawrkii maalmood ee u danbeeyay. Kadib markii la gubay ku dhowaad laba dersin oo guryo ah oo u badnaa Buulal iyo cooshadaha loo yaqaan Beebeeyada

 

ayaa lasoo gebagebeeyay shalay. Kadib markii koox lala xidhiidhay inay ahaayeen dadkii hawshaa waday xukuumaddu xabsiga u taxaabay saddexdii maalmood ee u danbeeyay.

Taliyaha Bilayska Somaliland  Gen. Cilmi Rooble Fure ayaa habeenkii Arabacii todobaadkii hore sheegay inay qabteen ku dhowaad dhawr iyo toban qof oo lala xidhiidhay inay ahaayeen kuwii ka danbeeyay falalkaa lagu gubayo gurayaha xaafada News Hargeysa, waxayna qabashada dadkaasi  si weyn uga bedeshay xaalada cabsida leh ee ka jirtay xaafadaa, iyadoo aanay ilaa Khamiistii dhicin falalkii gubista ahaa ee ka socday Xaafadaa.

Hase yeeshee waxa kaloo ay ciidanka  amaanku xabsiga u taxaabeen dad kale khamiistii  ilaa doraad ilaa  xalay, kuwaas oo ay ku jiraan Afar ka mid ah Ciidanka Bilayska oo uu ku jiro Sarkaal  lagu magcaabo Cabdi 6 oo hore Taliye saldhig uga ahaan jiray xaafada News Hargeysa, balse shaqada laga fadhiisyay xiligii maamulkii xukuumaddii  Madaxweyne Rayaale 20010, iyadoo waqtigaa xabsiga loo taxaabay.

Sidoo kale waxa xabsiga loo taxaabay 3 ka mid ah ciidanka bilayska ee saldhiga ka hawlgala iyo dhawr qof oo kale oo qaarkood yihiin gudoomiye xaafadeed, kuwaas oo lala xidhiidhay inay qayb ku lahaayeen falalka lagu gubayay gurayaha xaafada News Hargeysa. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan ciidanka amaanka.
“sheekadaa hada waa lasoo af-jaray mana ahayn wax meel kale ka yimi ee waxay ahayd wax koox yari wadato.” Sidaa waxa shebekada wararka ee Araweelonews u sheegay mid ka mid ah saraakiisha ciidanka Bilayska oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego.

Todobaadkii hore ayay dadweyne ka mid ah kuwa xaafada New Hargeysa iyagoo ka cabanaya gubashada guryahaa waxay sameeyeen banaan bax, kuwaas oo taayiro ku gubay wadada Laamiga ah, isla markaana dhagxaan dhigay wadooyinka, balse Taliyaha Bilayska Somaliland oo goobtaa dadka kula hadlay ayaa xilkii ka qaaday taliyihii Saldhiga New Hargeysa Muj. Mahdi Nuur Lixle, waxayna qaar ka mid ah dadka xaafada ee banaanbaxayay ka codsadeen Taliyaha Bilayska inuu saldhiga keeno Cabdi6 oo hore taliye saldhig uga ahaa halkaa. Ka hor intii aanay xil ka qaadis iyo xadhig isu raacin maalmulkii Madaxweyne Rayaale badhtamihii 2010, laakiin Gen. Rooble Fure ayaa saldhigaa u magcaabay sarkaalka magaciisu yahay  Faysal  Taygaro, balse sarkaalkaa ayaa laga saacado ka dib laga bedelay saldhigaa iyadoo loo magcaabay sarkaalka kale oo magaciisu yahay Beddel.

Dhinaca kale  Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Gaboose ayaa waraysi uu maalintii Khamiistii siiyay idaacada VOA laanteeda afka soomaaliga waxa uu sheegay inay tahay arrin ujeedooyin laga leeyahay, isagoo yidhi, “Dadka waxan samaynayaa ujeedada ay leeyihiin waxa weeye mid Somaliland lagu xumaynayo, waxaana ka muuqata inay lexejeco ka qabaan oo aanay doonayn inay nafo ku dhintaan dabka, ama kuwo xil waayay ha ahaadaan ama kuwo ujeedo kale leh ha noqdeene way soo baxayaan waana la araki doonaa.   Ayuu yidhi Dr. Gaboose

Haseyeeshee Mar kale ayay tiro aan sidaa u badnayn oo ka mid ah dadweynaha xaafada qaarkood cabasho sameeyeen shalay, iyagoo ku doodaya inay ka cadhoodeen hadalkii wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Dr. Gaboose  kaga hadlay falka gubashada gurayaha, balse koox wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, madaxdhaqameed, ganacsato  iyo dhalinyarada  xaafada  ayaa xalay kulan ku yeeshay Huteelka Kaah ee Barriga magaalada Hargeysa, kulankaa oo aan wax wara laga soo saarin ayaa la xidhiidhay sidii xaalada loo dejin lahaa ee dadka loogu caqli celin lahaa, isla markaana cabshadooda loo dhegeysan lahaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *