wasirkaarriaha debeda1 kulanDubai(Araweelo News Network) Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo booqasho kusoo maray dalalka Imaraadka Carabta, Uganda iyo Britain ayaa kusoo laabtay

 

dalka maanta. Kadib markii uu kasoo degay garooonka diyaaradaha Cigaal International.

Dr. Biixi waxa uu sheegay in ay madaxda dalalka uu soo maray kala hadlay qadiyada Somaliland, wuxuuna si cad u sheegay in ay wasaarad ahaan shaqadooda qabsanayaan si dalka loo keeno shirkaddo iyo ganacsato maalgashata.
Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay madaarka ayaa sheegay in aan hawlaha qaranka loo joojinayn qof meel ka hadlay ee sidii dalka loo horumarin lahaa ay ka shaqaynayaan xukumad ahaan.

wasiirka ayaa intii uu ku sugnaa Dubai waxa uu  kulan la yeeshay dhigiisa Wasiirka Arrimaha Debeda Sheikkh Khalid Bin Zayed Al Nahyan oo ka mid ah caalilada xukunta Imaaraadka, isla markaana ka mid ah madaxda ka tirsan Caayilada ee danaynaya in ay maal-gashi ka sameeyaan Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Dr. Biixi Yoonis, waxa kale oo uu la kulmay shalay Hay’addaha samafalka ee dalka Imaaraadka iyo ganacsato kale danaynaynaya in ay  Somaliland ku sameeyaan maalgashi.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland waxa uu kulamo kala duwan la qaatay Maal-qabeeno iyo masuuliyiin ka tirsan madaxda Hay’adaha Samafalka oo ay u horeyso “Khalifa Foundation” taas oo isla af-garteen in mashaariicdii hore ee Imaaraadku ogalaadeen sida ugu dhakhsaha badan loo fuliyo.

Sida ay sheegayaann wararka la xidhiidha socdaalka Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland, waxa kale oo uu la kulmay Safiirka Somaliland iyo Somaliya ee Imaraadka, taas oo ay ka wado hadleen xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada wadan ee walaalaha ah.

Dr. Biixi Yoonis, waxa uu ka hor intii aanu booqan dalka Imaraadka socdaal kusoo maray dalalka Yugaandha, Ingriiska, waxaana wararka socdaalkiisa la xidhiidha sheegayaan in uu martiqaad rasmi ah ka helay, balse si cad looma ogga kulamada arrimaha ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen madaxda dalalka uu safarka ku marayo.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *