westgate kooxdaNew york(Araweelo News Network)Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadlay natiijada kasoo baxday baadhista weerarkii xarunta Ganacsiga Kenya ee Nairobi, waxayna warbixintaa

 

ku cadeeyeen in ay noolyihiin raggii fuliyay weerarkii Westgate ee bishii September 2013 ka dhacay magaalada Nairobi dalka Kenya.

Taliyaha Booliska magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in aanay waxba ka jrin war hore ugasoo baxay dowladda Kenya oo sheegayay in ladilay 4-tii qof ee fulisay weerarka.

Warbixinta kasoo baxday laamaha ammaanka Mareykanka ayaa shaki gelinaysa sheegashada dowladda Kenya, “Waxay u badantahay in ay baxsadeen Raggii weeraray xarunta Westage Mall dowladda Kenya way ka been sheegtay kiiska ku waajahan  4-tii qof ee weerarka geysatay”ayuu yidhi taliyaha booliska New York.

Sirdoonka Mareykanka oo dadaal dheer ku bixiyay dabagalka raggii Westgate weeraray, balse waxay natiijadii kasoo baxday ku cadeeyeen in raggii weerarka geystay ay baxsadeen,Majallad taageerta xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa bishii lasoo dhaafay baahisay in ay shahiideen dhammaan raggii howlgalka fuliyay balse mas’uuliyiinta Al-shabaab oo weerarkaa sheegatay ayaan marna soo hadal qaadin wax ku saabsan geeri iyo nolol kooxdii fulisay weerarkaa.

Warbixinta cusub ee baadhayaasha Booliska New York kasoo baxday ayaa lagu dhaliilay qaabkii ay dowladda Kenya u maamushay dhacdadii Westgate “Aad bay u liidatay wada shaqeynta ka dhaxaysay melleteriga iyo Booliska Kenya,waxaana xaqiiq ah in dowladdu ka been sheegtay markii ay raggii weerarka geystay  baxsadeen”ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxa Booliska New York.

Dhinaca Wakiilka Qarmada Midoobay ee Somalia Nicols Key oo maanta booqday Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la weeraro fadhiisimada iyo deegaamada ay Al-shabaab ka taliso, wuxuuna ku tilmaamay weerarki Westgate mid dunida u muujiyay khatarta Al-shabaab.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *