suuqa sarifka hargeysa1Hargeysa(Araweelo News Network)Ganacsatada suuqa sarifka lacagaha ayaa ka qayliyay Adeega Zaad ee shirkada Telesom macaamiisheeda ugu fududaysay in ay wax ku iibsadaan, isla markaana laga

 

isticmaalo Mobilada gacanta.

Warbixin shebekaddaha Araweelo News Network iyo shebekada kale ee ay mataanaha yihiin Arraweelo.com kasoo ururisay suuqa sarifka lacagaha Somaliland, waxay dadka ka ganacsada sarifkalacagauhu sheegeen in xiliggan qiimaha sarifka dollarku uu fadhiyo oo aanu jirin dhaq-dhaaq suuqa ka abuuri kara sixir barar,  marka loo eego horaantii sanadkan oo suuqa sarifka lacagtu sabaynayay.

Hase yeeshee waxay sheegeen in dhaq-dhaaqa kala bedelka ;acagaha iyo sarifku maalinbamaalinta ka danbaysa sii yaraanayo, taas oo ay sabab uga dhigeen Adeega Zaad ee lacagaha laysugu xawilo oo ay ku tilmaameen mid meesha kasaray wax badan oo suuqa sarifka camiri jiray.

“Qiimaha Dollarku wuu fadhiyaa gacanta hore waa $ 6800 sl sh. halkii dolar, ganacta danbena waa 6900-7000, marka lagu qiimaynayo lacagta Somaliland. Xiligan suuqa xagayaga ma jiro dhaq-dhaaq, waxaana maalinba maalinta ka danbaysa sii xumaanaya oo sii diciifaya suuqayaga, sababtoo ah waxa dhibaato nagu noqotay lacagta Numbarada dadka loogu bedelay ee Zaad oo dadkii suuqa sariflayaasha ku xidhnaa nooma ymaadaan” sidaa waxa yidhi, Cabdi Semed Aadan Ismaciil oo ka mid dadka ka shaqaysata ganacsiga Sarifka lacagaha ee magaalada Hargeysa.

“Adeegaasi waa mid dalka iyo dadka dhibaato ku haya oo dhaqaalihii dalka iyo suuqii sarifka khal-khaliyay, waxaanu filaynay in xukuumadda Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo  wax ka qabato, balse waxba kama ay bedelin, dadkii noo iman lahaa waxay lagactii aanu sarifi jiray ku bedesheen nambaro nin samaysatay, waxayna wixii ay u abaahnayeen ka ku iibsadeen lambaradaa, waxa meesha ka baxday waxwad cunkii iyo sidii ay dadku isugu daba noolaayeen, qofka miskiinka ahina ma ogga meel wax marayaan, sababtoo ah hawada ayaa lagu kala qaatay lacagtii” ayuu yidhi Cabdisemed.

“Adeegan waxa sameeyay ayaan filayaa nin Eng ah oo Bkhayl ah, Maaha in ay anaga oo keliya dhibaato nagu hayso ee dhaqaalaha dalka oo dhan ayay dhibaato ku haysaa, waad aragtaa lacagtii khaahka ahayd kama muuqato suuqa, sabababtoo ah waxa meesha ka saaray  Zaad, mudo dhowna lacagata Somaliland ee noodhka lama arki doono.” Ayuu yidhi.
Sidoo kale Maxamed Cabdi oo ka mid ah dadka ka ganacsada suuqa sarifka lacagaha ee Hargeysa ayaa sheegay in aanu waqtigan suuqoodu ahayn sidii uu ahaan jiray , taas oo uu sabab uga dhigay isticmalkan adeega Zaad ee oo meesha kasii saaraya shaqadoodii iyo weliba lacagta noodha Somaliland oo uu sheegay in ay sii yaraanay,mana jiro Bangigii suuqa maamuli lahaa.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa hiraantii sanadkan sheegay in Adeega sarifka iyo xawilaada lacagta ee Mobile Elactaronic uu dhibaato weyn ku yahay suuqa iyo dhaqaalaha dalka, iyadoo xiligaa sarifka lacagtu baaxaadegayay, isla markaana qiimaha dolarku kor u kacay May 20013 ilaa horaantii April ee sanadkan.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo warbixin siiyay Golaha wakiilada Somaliland 29 April 2013, waxa uu sheegay in adeega ZAAD-ka yahay Bangi Electronic ah oo sharci darro ku dhisan isaga oo ka faa’iidaystay khalkhal dhinaca sharciga  maalliyada ah.   Guddoomiyaha Bangiga dhexe oo waxa uu waqtigaa golaha wakiillada Somaliland hortiisan ka sheegay in ay ka xukuumad ahaan joojin doonaan dhaqdhaqaaqa adeegan isla markaana Wada hadal ka yeesheen shirkadda TELESOM, sidii Nidaamka saxda ah loogu dhiqi lahaa Adeega Zaad oo uu ku tilmaamay mid dhiaabto dhaqaale ku haya dalka.

Dhinaca kale markii Adeega Zaad lasoo saaray dhowr sanao ka hor waxa si weyn uga digay khatarta dhaqaale ee uu keeni karo Bulshqada Somaalida xarakada Al-shaabab oo waqtigaa deegamada koonfurta iyo badhtamaha Somalia ka talinayay, waxayna sheegeen in dhibaatada ugu yare e uu keeni karaa adeega Isticmaalka Zaad ay tahay in ay meesha ka baxdo Lacagta Noodha ah oo la waayo, taas oo ay ku tilmaameen mid halisteeda leh.
Sidoo kale waxay xiliggaa ka mamnuuceen dhamaan deegaamada ay ka takiyaan in laga isticmaalo adeegaa oo ay sheegeen in marka uu doono istaagi kari ama la khal-khalin karo. Sidaa awgeed uu yahay qorshe Yuhuudu doonayso in ay kun dhacaan Bulshada Soomalida.

Qaybo kale oo la xidhiidha warbixintaa La soco.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *