New York (ANN)Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo Socdaal shaqo ku jooga dalka Maraykanka ayaa kulamo la yeeshay saraakiil ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibada Maraykanka iyo Hay’adda kaalmooyinka u qaabilsan Dalkaa ee USAID. Sidaana waxa lagu sheegay
war-saxaafadeed uu soo saaray Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf, kaas oo  u dhignaa sidan:-
“Wasiirka Arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Maxamed C/llaahi Cumar ayaa Kulan ugu qabtay Xafiiska Hay’adda IRI, dad badan oo ka kala socda Xafiisyo badan sida Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka USAID iyo Hay’addo badan oo madax banaan oo la taliya dawladda Maraykanka.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xaafiiska wakiilka Somaliland, balse laguma xusin magacyada iyo kuwa ay yihiin saraakiisha arrimaha debeda iyo Hay’addaha ka socday ee uu la kulmay wasiirka arrimaha debeda Somaliland. 
Laakiin waxa lagu sheegay qoraalkaa inuu wasiirku kala hadlay masuuliyiinta ka qayb galay kulanka waxyaabaha ay qabsatay mudadii ay jirtay Somaliland iyo duruufaha siyaasadeed eek u xeeran, waxaana qoraalka wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka oo ka hadlaya arrimahaa lagu yidhi,  “Waxa  uu Wasiirku kulankaa  ka qeexay Qadiyadda Somaliland iyo Hurumarka ay ku talaabsatay, waxa  kale oo uu xusay Arrimaha Soomaaliya iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan Geeska Afrika, iyo gaar ahaan waddanka Somaliland.

Waxa kale uu carabka ku dhuftay Abaaraha ka jira Somalia oo uu sheegay inay Dowlada Somaliland dadkaasi dhibaataysan ay gargaar u fidisey. Waxa kale oo Wasiirku ka codsaday dadkii Kulankaasi isugu yimi in baaqa Somaliland la gaadhsiiyo meel kasta oo caawimo deg deg ah la gaadhsiiyo dadka abaartu waxyeelaysay ee reer Somaliland.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland Dr.Mohamed C/llaahi ayaa maanta oo khamiis ah kulan la yeelan doona Wakiilada Baarlamaanka Maraykanka.”
Dhinaca kale wasiirka oo maalmahan booqasho ku joogay dalka Maraykanka ayaa kulan la yeeshay xubnaha joogtada ah ee golaha amaanka,  Kulankan oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York , todobaadkan, iyadoo wasiirka Arrimaha debeda Somaliland  kulankaa  oo saacado qaatay ka jeediyay dood dheer oo garnaqsi ah , kaas oo ay ku dhamayeen xubnaha  wakiilada Dawladdaha waaweyn ee Joogtada ku ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay  sida  (Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka).

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *