Muqdisho(ANN)Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Abassador Augustine Mahinga, ayaa ku dhawaaqay in aan wax muddo-kordhin ah oo dambe loo samayn doonin dawladda Sheekh Shariif ee taagta daran ee Somalia marka la gaadho bisha August ee 2012-ka oo xilkeedu

 

ku egyahay.
Sida lagu faafiyey qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho, waxa uu Mr. Mahinga sheegay in qorshuhu yahay sidii loo qaban lahaa doorashooyin ay ka wada qaybgalaan dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliya, lana dhammaystirayo dastuurka iyo shuruucda kalee dalku u baahan yahay si looga baxo muddada ku-meelgaadhka ah ee dawladda Sheekh Shariif hadda ku shaqaysa, isaga oo xusay inay lagama maarmaan u tahay hirgelinta arrintaas sidii loo heli lahaa dhaqaale degdeg ah oo la siiyo hay’adaha dawladda iyo ururrada la shaqeeya si loo hirgeliyo jidka cusub ee loo jeexayo nabadda SOomaaliya 12-ka bilood ee soo socda.
Danjire Mahiga waxaa uu caddeeyay in warbixintii ugu dambaysay ee uu soo saaro Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon uu ku muujiyay taageerada in sida ugu dhaqsaha badan loo gaadhsiiyo Soomaaliya ciidamo ilaaliya shaqaalaha caalamiga iyo saraakiisha UN-ka oo la hawlgeli doona ciidammada AMISOM.
Waxa kaloo uu sheegay in xaafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee loo yaqaano UNPOS uu diyaar u yahay inuu dadajiyo daadguraynta shaqaalihiisa hadda ka hawlgala Nairobi si ay ugu guuraan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, laakiin loo baahan yahay in la diyaariyo degaankii iyo tansiilaadkii ay ku tagi lahaayeen magaalada Xamar
“Ciidamo ilaalo ah waa lagama maarmaan si ay awood u siiyaan xafiiskayga una fududaato hirgalinta Roadmap-ka la doonayo in laga sameeyo Soomaaliya,” ayuu yidhi Mahiga oo muujiyey in uu soo dhawaynayo taageerada Golaha Ammaanka ee la xidhiidha arrintaas.
Dhinaca kale kulanka shirka golaha jamciyada quruumaha ka dhaxaysa oo maalmaha soo socda fadhiinaya ayaa la filayaa in lagu soo qaado qorshayaal cusub oo ku wajahan xaalada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Somalia, iyadoo wadamada qaarkood doonayaan in ciidamo la geeyo dhinaca xeebaha Somalia, isla markaana wax baddan laga bedelo qorshayaashii hore eek u wajahnaa xaalada Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *