Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socday qaadhaan bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhinaca dimuqraadiyada iyo doorashooyinka oo Socdaal dalka ku yimi dalka.  Sidaana waxa lagu sheegay

war saxaafadeed kasoo baxay xarunta Madaxtooyada, kaas  oo  u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socda deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taageera horumarinta hanaanka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka.
Xubnaha weftigan oo ka kooban 5 xubnood, isla-markaana uu hogaaminayo Mr. Ole Thonke
Waxa ay Madaxweynaha uga warameen ujeedada socdaalkooda oo ay sheegeen inay tahay xoggogaal u noqoshada halka ay marayso hawsha doorashada goleyaasha deegaanada iyo doorashooyinka kale ee ka dambeeyaba. Isla-markaana waxa ay sheegeen inay dhinacooda diyaar u yihiin inta ay kaga beegan yihiin hawshaas farsamo ahaan iyo dhaqaaleba.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa isna uga waramay inay Somaliland si wanaagsan uga hirgashay hanaanka dimuqraadiyadu, isla-markaana waxa uu uga mahadnaqay qaadhaan-bixiyeyaasha kaalinta wax ku oolka ah ee ay ku leeyihiin guusha ay Somaliland ka gaadhay dimuqraadiyada.


Madaxweynuhu waxa uu xubnaha weftiga uga waramay in hawsha doorashada goleyaasha deegaanku ay meel wanaagsan marayso xukuumad ahaana intii ku xidhnayd wax badan uu fuliyay sida furashada ururada siyaasada iyo magacaabidda guddida diwaangelinta iyo kala saaridda xisbiyada.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin qabashada doorashada, isla markaana ay tix-gelinayaan talada dhinacyada ay khusayso oo dhan.” Ayaa lagu yidhi qoraalka madaxtooyada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *