Washington (ANN) Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa maanta kulan la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Labada aqal ee Baarlamaanka dalka Maraykanka. Sida lagu sheegaywar saxaafadeed  uu  kulankaa kadib soo saaray Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka

Rashiid Gaaruf, wasiirka iyo mudanayaasha dalka maraykanka waxay ka wada hadleen  sidii ay  USA u kordhin lahayd mucaawimada ay siiyaan Somaliland iyo arrimo kale.
Qoraalka wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka ayaa u qornaa sidan:- “Wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland. Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo socdaal dublamaasiyadeed oo ku wajahan sidii Somaliland loogu heli lahaa aqoonsi caalami ah ku jooga cariga maraykanka ayaa kulamo la yeeshay saraakiil sarsare oo ka tirsan dawlada maraykanka. Wasiirka arrimaha dibada Somaliland waxa uu kulamadan la yeeshay gudoomiyaha Gudida Africa u qaabilsan Aqalka Wakiilada maraykanka Chris Smith oo ka  tirsan xisbiga Republican-ka ee imika ka taliya Aqalka Wakiilada, Representative Donald Payne Gudoomiye ku xigeenka Gudida Africa u qaabilsan Aqalka Wakiilada kana tirsan xisbiga Democratic-ga, Representative Keith Ellison oo ka tirsan xisbiga Democratka Dhinaca Aqalka Senate-ka maraykanka waxa uu Dr. Maxamed C/laahi Cumar Wasiirka khaarajiga Somaliland uu kulan la yeeshay Senator Christopher Coons Gudoomiyaha Gudida Africa ee Agalka Senate-ka kana tirsan xisbiga Democrat-ka, Senator Johnny Gudoomiye Xigeenka Gudidaasi kana tirsan xisbiga Republicanka iyo Senator Mark Kirk oo ah Xubin ka mida Gudida Ansixinta Kharashka Dawlada Maraykanka oo ka tirsan xisbiga Republican-ka.

Dhamaanba Xildhibaanadaasi uu la kulmay Wasiirku waxa uu kala hadlay sidii Somaliland looga caawin lahaa dhinacyada Aqoonsiga, Dimuqraadiyada, Nabadgelyada, Dhaqaalaha,shaqo abuurista iyo abaaraha ka jira Somaliland oo saamayn ku yeeshay dadweynaha Somaliland, waxaa ay dhamaantoodba masuuliyiintaasi niyadsamaan ka muujiyeen horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinaca nabadgelyada, dimuqraadiyada, iyo la dagaalanka budhcad badeeda. Waxay dhinacooda muujiyeen masuuliyiintaasi inay Somaliland ka caawin doonaan arrimahaasi uu Wasiirku carabaabay isla mar ahaantaana ay fari doonaan hay’ada USAID in la kordhiyo mucaawimadii la siin jiray Somaliland.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *