Hargeysa(ANN)Gudoomiyaha Golaha wakiilada ee Somalialnd C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wefti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Gudoomiye ku xigeenka Komiishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay

kadib markii ay soo dhamaysteen martiqaad ay kaga qaybgaleen  doorashadii ka dhacday dalka Norway.
Gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/llaahi oo Saxaafada uga waramayay socdaalkooda  markii ay maanta dalka kusoo laabteen  ayaa sheegay in weftigan uu horkacayay ay ka koobnaayeen shan xubnood oo isugu jira Golaha Wakiilada iyo Komiishanka doorashooyinka qaranka, isla markaana ay marti qaad rasmi ah ka heleen dawlada Norwey.
Gudoomiyuhu waxa uu xusay in socdaalkoodu uu xambaarsanaa sadex ujeedo oo kala ah Inay la kulmaan dawlada Norway, ka qaybgal shirar aad u muhiim ah oo lagaga hadlayay Somaliland iyo inay goob joogayaal ka noqdaan doorashooyinkii dalkaasi ka dhacay.
Mudane C/raxmaan Cirro waxa uu xusay inay kulamo kala duwan la yeesheen Wasiir ku xigeenka Wasaarada arrimaha dibada ee wadanka Norwey, Madaxda wasaaradaasi u qaabilsan qaarada afrika iyo Baarlamaanka wadankaasiba iyo waliba waaxda xuquuqda aadamiga ee dalkaasi isla markaana ay warbixin ka siiyeen xaalada guud ee Somaliland ee dhinacyada nabadgalyada, dimuquraadiyada iyo maamul wanaaga.
Gudoomiyaha Wakiiladu waxaa kale oo uu sheegay inay safarkooda  kusoo mareen dalka Kenya oo ay kula kulmeen Danjiraha maraykanka u fadhiya Kenya , kaas oo sida uu sheegay  ay uga  warameen marxaladaha kala duwan ee ay Somaliland soo martay,  isla markaana ay dhawaan filayaan inay booqasho ku yimaadaan Somaliland madax ka socota dawlada maraykanka si ay u soo indho indheeyaan xaalada guud ahaan dalka iyo sidii  ay u qiimayn lahaayeen  wixii ay Somaliland la qaban karaan.
Waxa kale oo gudoomiyuhu sheegay  inay kulamo kala gedisan la yeesheen Mas’uuliyiinta sar sare ee Xukuumada Kenya.
Gudoomiyaha golaha wakiilada JSL waxaa socdaalkan ku weheliyay  Xildhibaan Cali Xaaji Maxamed, ,Xildhibaan Cumar Saleebaan,Gudoomiye ku xigeenka komiishanka doorashooyinka qaranka Cali Khadar Xasan iyo Afhayeenka Komiishanka doorashooyinka Qaranka Maxamed Axmed Xirsi (Geele).
Dhinaca kale Kalfadhigii 16-aad ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta golaha ee caasimada Hargaysa, waxaana Xildhibaanada loo qeybjyay ajande ka kooban 12 Qodob oo ay ku darsi doonaan mudada u socdo kal-fadhigaaasi.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Md.C/casiis Maxamed Samaale oo furay kalfadhiga  ayaa mudanayaasha golahaa u soo jeediyay inay ka soo baaraan dagaan qodobada ajandaha kalfadhiga 16-aad,  isla markaana ay maalmaha soo socda ka doodi doonaan.
Ajandaha kalfadhigan ayaa ka kooban Warbixinta shirgudoonka iyo gudiyada golaha iyo mashaariicda sharci ee golaha horyaala waxaa kale oo ajanduhu xambaarsan yahay Laba iyo Toban qodob oo kala ah:-
1. Xeerka nabadgalyada guud
2. Xeerka nabadgalyada wadooyinka
3. Xeerka biyaha
4. Xeerka iibka hilibka
5. Wax ka bedelka iyo kaabista xeerka baanka
6. Xeerka baanka islaamka
7. Xeerka ka ganacsiga hawlaha baanka
8. Wax ka bedelka iyo kaabista xeer hoosaadka golaha
9. Xeerka caasimada
10. Warbixinta xisaab xidhka dawlada ee 2010-ka
11. Ansixinta Mas’uuliyiinta Qaranka
12. Iyo wixii kale ee soo kordha

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *