Washington (ANN) Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa maanta kulan la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Labada aqal ee Baarlamaanka dalka Maraykanka. Sida lagu sheegaywar saxaafadeed uu kulankaa kadib soo saaray Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka
Qoraalka wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka ayaa u qornaa sidan:- “Wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland. Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo socdaal dublamaasiyadeed oo ku wajahan sidii Somaliland loogu heli lahaa aqoonsi caalami ah ku jooga cariga maraykanka ayaa kulamo la yeeshay saraakiil sarsare oo ka tirsan dawlada maraykanka. Wasiirka arrimaha dibada Somaliland waxa uu kulamadan la yeeshay gudoomiyaha Gudida Africa u qaabilsan Aqalka Wakiilada maraykanka Chris Smith oo ka tirsan xisbiga Republican-ka ee imika ka taliya Aqalka Wakiilada, Representative Donald Payne Gudoomiye ku

Dhamaanba Xildhibaanadaasi uu la kulmay Wasiirku waxa uu kala hadlay sidii Somaliland looga caawin lahaa dhinacyada Aqoonsiga, Dimuqraadiyada, Nabadgelyada, Dhaqaalaha,shaqo abuurista iyo abaaraha ka jira Somaliland oo saamayn ku yeeshay dadweynaha Somaliland, waxaa ay dhamaantoodba masuuliyiintaasi niyadsamaan ka muujiyeen horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinaca nabadgelyada, dimuqraadiyada, iyo la dagaalanka budhcad badeeda. Waxay dhinacooda muujiyeen masuuliyiintaasi inay Somaliland ka caawin doonaan arrimahaasi uu Wasiirku carabaabay isla mar ahaantaana ay fari doonaan hay’ada USAID in la kordhiyo mucaawimadii la siin jiray Somaliland.”
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com