Dr Biixi Yonis1London(Araweelo News Network)Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa jawaabo ka bixiyay xaaladda caafimaad ee uu ku sugan yahay Madaxweyne Siilaanyo

 

waqtigan, waxa uga qorshaysan in ay bedelaan Madaxweyne Siilaanyo iyo in wasiir ahaan uu ku jiro han siyaasadeed oo uu ku doonayo inuu Madaxweyne ka noqdo Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo waqtigan ku sugan qaaradda Yurub oo uu kaga qaybgalayey munaasabadihii jaaliyadaha Somaliland ku xusayeen maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May, waxa kale oo uu waraysigaa oo uu la yeeshay weriyaha caanka ah ee Mr. Dan Damon kula yeeshay barmaamujkiisa World Update oo ka baxa idaacadda BBC-da qaybteeda Af-Ingiriisiga shalay.

Waraysigaa oo ahaa mid dhinacyo badan wax lagaga weydiiyay Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland oo Wargeyska Jamhuuriya oo turjumay, waxa Maxamed Biixi oo weriyuhu waydiiyey su’aal ahayd ‘Madaxweyne Siilaanyo xaaladdiisu ma fiicna, waa maxay qorshaha beddelkiisu, adiguse qayb ma ka tahay oo ma jeceshahay in aad madaxweyne noqoto, maxaase idiinka qorshaysan?

Waxa uu yidhi, “Waxaan filayaa madaxweynaha inuu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, muuqaal ahaana wuu wanaagsan yahay, wuxuuna waajibkiisa u gudnayaa si wanaagsan iyo inuu wax qabto, xaaladdiisuna waa mid caafimaad-qab ah, wuuna ordayaa, dhammaantanaya waannu taageersanahay, waxaanan filayaa inuu weli haysto waqti kale uu ku shaqeeyo. Run ahaantii waynu eegi doonaa mustaqbalka waxa dhaca.”

Waxaannu wasiir Maxamed Biixi Yoonis ka gaabsaday inuu ka hadlo qayb ka mid ah su’aashaas oo la xidhiidhay hankiisa siyaasadeed ee mustaqbalka iyo inuu jecel yahay inuu Somaliland madaxweyne ka noqdo.

Dhinaca kale, Wasiirka oo waraysigaasi kaga hadlay arrimo kale oo ay ka mid yihiin xaaladda ammaanka Somaliland iyo wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu si faahfaahfan uga warramay hannaanka ay ku timi nabadgalyada iyo dawladnimada Somaliland oo uu sheegay inay aasaas u tahay fikir iyo wadatashi ka yimi shacabkeeda oo uu xusay inay yihiin dad keliya ee caalamka oo dhan iyagu go’aansaday inay samaysataan nabaddooda iyo dawladnimadooda iyadoo aan cidi caawinayn, maadaama uu isagu ka soo shaqeeyey meelo badan oo dagaalo iyo qalalaase ka dhacay. “Ma jirto sabab aannu uga quusanno aqoonsi, waayo waxaannu aaminsanahay in aannu shaqo wanaagsan qabanay, markay noqoto nabadda iyo xasiloonida, waxaannu aasaasnay oo hirgelinay dhammaan hay’adaha looga baahan yahay dawlad. Waxaannuna ku faraxsanahay in aannu shaqo nocaas ah ka samayno meel ay ka jiraan qalalaase iyo mushkilido badan oo ah Bariga Afrika. Waxa kale oo aannu aaminsanahay in ay jiraan waxyaabo badan oo aannu u gudbin karno adduunka intiisa kale markay timaado nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, gaar ahaan dalalka Afrika. Waxaannu ku qanacsanahay in aannu si degdeg ah u helayno aqoonsi caalami,” ayuu yidhi Md. Maxamed Biixi.

Waxa kale oo waraysigaasi wax lagaga waydiiyey siyaabaha Somaliland ugu guulaystay inay ka hortagto kooxaha xag-jirka ah sida Al-shabaab inay dibadda ka joogto, waxaannu sheegay in Somaliland hirgelisay nabadgalyo buuxda oo ay ka wadashaqeeyaan hay’adaha ammaanka iyo shacabkeeduba, iyadoo sidoo kalena xidhiidho wadashaqayneed oo amniga ku saabsana la wadaagta dalalka dariska iyo kuwa caalamkaba.

Isagoo si gaar ah sugida ammaanka ugu ammaanaya dadweynaha iyo hay’adaha dawladdana waxa uu yidhi, “Waxaannu aaminsanahay in dadkayaga, hay’adaha ammaanka, rag iyo dumarba ay yihiin qaar aad u feejigan, waxaannu samaynay nabadgalyo dhaqan ah oo dadweynuhu ay sheegayaan cid kasta oo khatar ku ah nabadgalyadooda.”

Mar wax laga waydiiyey wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya iyo qorshaha dawladdiisu ka leedahay, waxa uu ku jawaabay, “Waxaannu la leenahay wadahadallo socday labadii sanno ee u dambeeyey, waxaannu rajaynaynaa in wejiga xiga ee wadahallada aannu kulano bisha soo socota ee June. Waxaannu rajaynaynaa in wahadalladani horseedaan kala-go’id dhab ah. Waxay imminka aqbaleen in aannu kala qaybsanno mucaawanooyinka, sida laga yaabo inaad ogtahay, tusaale ahaan; Midowga Yurub qorshahooda mucaawanada waxay u sameeyeen Somaliland nidaam gaar u ah, sidoo kalena waxaannu mucaawanooyin horumareed oo badan ka helaynaa DFID, DANIDA, EU iyo kuwo kaleba. Dhab ahaana beesha caalamku waxay xaqiiqsadeen in maalgashiga Somaliland ka wanaagsan yahay mid la geliyo Soomaaliya, sababta oo ah waa nabad.”

“Waxaannu doonaynaa in aannu noqono laba dal oo jaar wanaagsan ah, oo ka wadashaqeeya isu-socodka, ganacsiga iyo arrimaha kale, laakiin ah laba dal oo kala madaxbannaan. Waxaannu hore u tijaabinay rabitaankayagii Soomaaliwayn oo noqotay masiibo iyo hallaag, mana doonayno in aannu dib ugu noqonno xaaladdaasi, wanaag baanu u rajaynayaa Soomaaliya, waxaannuse u soconaa in aannu noqonno laba dal oo kala madaxbannaan oo is-ixtiraama, jaarna ah,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
Xiggasho Jamhuuriya.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *