al-shabaab1Somalia(Araweelo News Network)Dawlada Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa labaduba ka hadlay weearo ka dhacay Duleedka Magaalada mandheera ee xadka Kenya la wadaagto

 

Somalia, kuwaas oo dhaliyay dhimashada saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Kenya iyo gaadiid laga qabsaday Ciidanka.

Afhayeenka xarakada Shabaabul oo warbaahinta la hadlay sida lagu faafiyay shebekaddaha taageera Al-shabaab ayaa sheegay in ciidanka mujaahidiinta ee sida gaarka ah utababaran ay gudaha Kenya ku qaadeen weerar xooggan oo ay ku dileen sida uu sheegay Askar iyo saraakiil Kenyan ah, isla markaana hub iyo gaadiid ka qabsadeen ciidanka Kenya.

Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere), Wuxuu sheegay in askar farabadan oo Kenyan ah ay ku dileen weerarka ayna gubeen 3 gaadhi, lab aka mid ah gaadiidka Ciidanka kenya ee ay dagaalameena ay qabsadeen oo ay kaxaysteen, wuxuuna weerarkaa ku tilmaamay mid ay kaga aargudanayaan ciidamada kenya ee kusoo duulay Somalia iyo dhibaatada ay ku hayaan shacbiga Soomaalida ee ku sugan kenya.

Dhinaca kale Maamulka dowladda Kenya ee gobolka Waqooyi Bari ayaa xaqiijiyay in askar iyo saraakiil lagaga dilay weerar dhabagal ah oo ka dhacay duleedka magaalada Mandheera ee xadka Kenya la wadaagto Somalia.
Sida laga soo xigtay Taliyaha booliska gobolka Waqooyi Bari oo u waramay wargeyska The Standar, wuxuu  xaqiijiyay in Al-shabaab weerarkaa kaga dileen 12 isugu jira saraakiil iyo Ciidanka Booliska, isla matrkaana laba gaadhi laga kaxaystay kuwo kalena laga gubay, kuwaas oo ahaa kolanyo usii jeeday dhinaca Mandheera oo ka ymi Ceelwaaq.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *