Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo kasoo laabtay socdaal uu mudadii u danbaysay ugu maqnaa debeda, gaar ahaam cariga Maraykanka ayaa maanta kusoo laabtay dalka, wuxuuna ka  waramay natiijada socdaalkiisa isagoo tafaasiil ka bixiyay

nuxurka kulamo uu la yeeshay xubnaha rigliga ah ee Golaha ammaanka iyo dawlada maraykanka.
Wasiirka arrimaha debeda oo kasoo degay madaarka caalamiga ah ee Hargeysa (Cigaal Intertional Airport) waxaa  uu saxaafada ugu  waramayay qolka nasashada ee madaarka, isagoo ka hadlaya natiijada socdaalkiisana  waxa uu yidhi,   “Safarkii aan ku tagnay  xarunta Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ee New York,bisha September sanad kasta waxa qaramadda midoobay  ay qabataa shirka guud iyo shirka Golaha Ammaanka waxaana inta badan iskugu yimaada madaxweyneyaasha caalamka inta badan waxaana lagaga hadlaa arrimo waaweyn oo  saamayn ku leh caalamka. Inta shirka Golaha Guud  ka horaysana  waxa Golaha ammaanka  oo ah golaha ugu weyn ee qaramada midoobay u qaabilsan xaga nabadgelyada, waxaanay u  sii diyaariyaan shirka guud ajandaha shirka lagu falan-qeynayo.xukuumadda Somaliland oo garowsan ahmiyada shirkan waxay xidhiidh la samaysatay  Golaha Ammaanka oo aanu ka codsanay inay Somaliland siiyaan fursad khaasatan inay xubnaha rigliga ah ay uga waranto qadiyada dhabta ah ee Somaliland. Nasiib wanaag Golaha Ammaanku wuu ka aqbalay xukuumadda markaa safarkan aanu ku tagnay New-york sidaasi ayay ahayd.”

“Waxaanu la kulanay shanta dal ee riglaga ku ah golaha ammaanka oo ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Ruushka  Shiinaha iyo  Faransiiska, waxa kulamadaasi aanu la yeelanay xubnaha rigliga ah ee qaramada midoobay waxaanu uga waranay xaalada dhabta ah ee Somaliland waxaanu tafaasiil ka siinay in Somaliland tahay dal madax banaanidiisu ku dhisan tahay sharciyad iyo xuduudo caalamiya oo adduunkana  uga fadhida inay ka hesho aqoonsi  dublamaasiyadeed oo caalamiya. Waxa kale oo aanu u soo bandhigay qaramada midoobay baahida Somaliland u qabto dhinaca adeegyada nabadgelyada, siyaasadda iyo horumarinta,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadu.

Wasiirku waxa uu sheegay inuu kulamo kula yeeshay dalka Maraykanka dalalka Masar iyo Koonfur Afrika “Waxa kale oo aanu la kulanay Masar iyo Koonfur Afrika  oo ka mid ah dalalka waaweyn ee Afrika ee fikradoodu saamaynta ku leedahay afrika,gaar ahaan dalka Koonfur Afrika waxa uu ka mid yahay Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay waxaana aanu ka wada  hadalnay xidhiidhka aanu jecelahay inaanu la yeelano. Kulamadii aanu la yeelanay dawlada Masar waxay ahaayeen kuwo xiiso leh oo ka turjumaya in dalkaasi laga samaynayo isbedelo hor leh oo siyaasadeed, waxaana aan rajaynaynaa inay wax  ka bedelaan  mowqifyadii barigii hore ay dawlada Masar ka taagnayd qadiyada Somaliland,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.
Waxa kale oo uu tilmaamay inuu kulamo la yeeshay masuuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Maraykanka  sidoo kalena  ay kulan heer sare ah la yeesheen  Wasiir ku Xigeenka Wasaarada arrimaha dibada u qaabilsan Maraykanka oo uuxusay inay ka wada hadleen sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalkaasi.

Wasiirku wuxuu sheegay inay xukuumadiisu ay go’aansatay inaanay sugin beesha caalamku inta ay u imanayso ee ay iyadu doonato, waxaanu yidhi “Siyaasada dibada Somaliland waxay ku salaysan tahay sidii qarankani u helaa aqoonsi caalami ah, waxaan halkan uga mahad celinaynaa xukuumadihii kala dambeeyay ee dalkan soo maray oo intuba arrimo waxtar leh ka galeen  qadiyada ictiraaf raadinta waxaanay xukuumad waliba soo gaadh siisay meel. Labaatankii sanadood ee la soo dhaafay waxay qaadatay Somaliland inay sugto inta dunidu u imanayso laakiin waxa xukuumaddani go’aansatay inay dunida aynu doonano.”

Wasiirku waxa uu ku dooday inay awooda saarayaan sidii ay Somaliland cilaaqaad adag ula yeelan lahayd dunida carabta. Waxa kale oo uu ka waramay xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka Afrika iyo kuwa mandaqada.
Wasiirka oo la weydiiyay dhaliilaha xafiisyadii wakiilada dibada oo ay intooda badani soo xidhmayaan iyo sababta  ay Wakiilada dibadu ugu  badan yihiin Yurub,  halka aad awooda saari lahayd  wasaaraddiisu wadamada Afrika ee aqoonsiga dalka yoolkiisu yahay, waxa uu ku jaawaabay, “Wakiilada Somaliland ee dalalka dibadu waa wakiilo si xilkasnimo ah u shaqeeya,socdaalada dibada madaxda dalku ku tagto qeyb weyn ayay ka yihiin haddii ay yihiin u diyaar garowga iyo samaynta xidhiidhadaba. Waxaan jeclahay inaan halkan mahad naq iyo ammaan uga jeediyo Wakiilada dibada.”
Sidoo kale isagoo arrinta dhinaca dalalka Afrika, waxa uu yidhi,   “waa run oo Somaliland dalalka afrika oo dhan kuma laha wakiilo arrimahaasi waxa  xadidaya awooda dhaqaale iyo siyaasadeed. Waxase aan mar walba awooda saaraa meelaha aanu is leenahay waxay muhiim u yihiin qadiyada  Somaliland, waxase qorshaha noogu jira inaanu ka furano  xafiisyadeena dibadu.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *